Sign in to follow this  
bambo

TFG and ICU peace deal

Recommended Posts

bambo   

General duke will answer this for us, since he has reliable source

 

whats goin with TFG , who is in control here please read this, speaker of parlimet and rest mps are resolving the icu and TFG Crises in peacfurll way in the other hand pm and president are againts the deal. does TFG have policy or are they loos of warlord organization.

 

maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed iyo dawladda kmg ayaa maanta ku heshiiyay in gudiyadii labada dhinac ee u xil saarnaa meel marinta heshiisyadii Khurtuum lagu gaaray ay ku kulmaan 26ka bishan aanu ku jirno magaalada Baydhabo ee xarunta dawladda kmg,ayadoo kulanka xigana uu ka dhici doono magaalada Muqdisho.

 

Qodobadii lagu heshiiyay shirkii Khurtuum waxaa ka mid ahaa dhismaha laba guddi oo ka shaqeeya meel marinta heshiisyadii Khurtuum lagu gaaray iyoi ka baaraandegida heshiis kama danbeys ah oo dhex mara labada dhinac iyo in labada dhinac ay wufuud u soo kala diraan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

Afhayeenka wafdiga maxkamadaha islaamiga u qaabilsan wadahadalka Khurtuum Sheekh Daahir Maxamud Geele ayaa xaqiijiyay in ayaga iyo wafdigii ka socday dawladda kmg oo ay ku shirayeen maalmihii laga soo gudbay magaalada Nairobi ay isku afgarteen in labada dhinac ay isku arkaan magaalada Baydhabo 26ka bishan aanu ku jirno si loo dhaqan geliyo heshiisyadii Khurtuum.

 

"Kulankii aan la yeelanay wafdigii ka socday dawladda kmg oo daba joogay meel marinta heshiisyadii Khurtuum oo dhigayay in wafuud ka kala socota labada dhinac ay iska arkaan si loo dar dar geliyo meel marinta heshiiskii Khurtuum,waxaana kulamadaasi ka soo baxay wax ay u riyaaqayaan shacabka Soomaaliyeed oo ah in labada dhinac ay ku kulmaan 26ka bishan magaalada Baydhabo kadibna kulanka xiga uu ka dhaco magaalada Muqdisho" ayuu yiri Sheekh Daahir Maxamud Geele.

 

Mar wax laga weydiiyay Sheekh Daahir Maxamud Geele sida uu heshiiskaasi u meel marayo xilli ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi uu sheegay in aaney matalin C/raxmaan Ibbi iyo Mustaf Dhuxulow oo uu guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan u xil saaray kulamada hordhaca ah ee lala yeelanayo golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed waxa uu sheegay in arrinkaasi ay maqleen ayna ka xun yihiin in ra'iisal wasaaraha uu ka hor yimaado go'aan uu gaaray guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan oo ka sarreeya Cali Maxamed Geedi isla markaana ayidaad ka haysta madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this