Sign in to follow this  
Kamaavi

Paper: Waxqabadka ONLF(JWXO) 1994-2010

Recommended Posts

Kamaavi   

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya iyo waxyaalihii ay qabatay intii u dhaxaysay 1994-2010.

 

2v2zeqa.jpg

 

Waxaa qoray :Abuu Axmad oo ah

Cilmi baadhe ku xeel dheer arimaha dhaqdhaqaaqyada gobanimadoonka ah.

Waxaa faafiyay http://www.o'gadennet.com/arabic

Waxaa Turjumay Birmad.

 

 

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeenya waxay ku guulaysatay inay qabato arimo fara badan, oo waawayn kuwaas oonan wada sheegikarin dhamaantood hada, laakiin waxaan sheegi waxyaabaha JWXO u qabsoomay badhkood intii u dhexaysay labadaas xili si gaaban,sawirkooban.

 

Macnaha waxaan sheegayaa qaarkamid ah cinwaanada wax qabadkii jabhadda anigoon hoos udhexgalin tafaasiishooda waana sidan soo socota.

 

1.Ugu horayn JWXO waxay ku guulaysatay laga soo bilaabo markay dagaalka hubaysan ku qaaday gumaysiga Itoobiyaanka ah 20.4.1994 inay fikirkeeda ku fidiso shacabka Ogadeenya qaab ay kusoo jiidatay ita badan dhalinyarada odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee shacabka, waxayna ka dhigtay badi dadka Ogadeenya kuwo taageersan oo lamidaysan Jabhada.

 

Waxay JWXO ku guulaysatay qabashada shirwaynihii shacabka oo ka dhacay wadanka gudihiisa bishii September 1998, kaas oo lagu doortay Admiral Maxamad Cumar Cismaan Gudoomiyaha hada jira ee JWXO, halka uu gumaysigu kaga guuldaraystay kasbashada shacabka Ogadeenya wax yar oo gumaysiga da'bo******ka u ah mooyee wuxuu gumaysigu kuwaas dabadhil'ifka ah ku abaalmariyaa markuu danihiisa ka dhamaysto xadhig ama dil.

 

2.JWXO waxay ku guulaysatay meelmarinta mabda`a wadanoolaanshaha, iskaalmaynta iyo walaalnimada dadka wadanka u dhashay ee midka ah kuwaas oo uunan kala gayn hayn waxaan gumaysiga ka ahayn iyo woxoogaa casabiyad ihi waxayna JWXO ku kulmisay hal calan hoostii waxayna u sheegtay in cadowgooda hore iyo kooda dambaba uu yahay uun gumaysiga madoow ee xabashida ah, kaas oo uga yimid waqooyiga sare.

 

Waxay JWXO u samaysay Maxkamado shacbi ah gudaha wadanka si ay u dhameeyaan wixii muran ah qaab cadaalad ah oo hufan oo goobta ku munaasab ah oo dhamaantood raaligalinaysa. waxay JWXO noqotay marjica aasaasiga ah ee ay shacabku u laabtaan dhinacwalba.

 

3.Waxay JWXO awood u heshay horumarinta awoodeeda Ciidan iyadooy u suurtagashay jabinta Ciidanka Itoobiya iyo inay gaadhsiiso khasaare ballaadhan, kaas oo isugu jira midnafeed, mid maadi ah ama macnawi halka uu gumaysigii Itoobiyaanka ahaa miciinbiday kadib markii khasaare xun lagu gaadhsiiyay goobihii dagaalka qasbitaanka dadka muwaadiniinta ah si ay dagaal ugala hortagaanJWXO, isagoon hub iyo taba bar midna ku xoojinin isagoo uga dan leh inay dadka Biri-magaydada ihi gaashaan u noqdaan Ciidankiisa iyo inay waxa ku dhimanhaya labada dhinacba ay noqdaan shacabka Ogadeenya laakiin dantuu kalahaa mayna usuurta galin siduu doonayya.

 

4.Waxay JWXO ku guulaysatay inay qadiyadda Ogadeenya kadhigto Qadiyad iskeed u madaxbanaan iyo inay ka saarto ku hoos jirkii ay ku hoos jirtay xukuumadii Soomaaliya siduu xaalku ahaa Jabhadii tan ka horaysay ee ahayd WSLF.waxayna ku qanacday JWXO in xuquuqda iyo xoriyada ladhacay ee shacabka Ogadeenya aan lagu soo celin karin wado aan ahayn inay shacabka Ogadeenya iyagu soo ceshedaan mooyeen.

 

Waxay JWXO ku boorisay shacabka Ogadeenya inay iyagu isku tiiirsadaan ooyna sugin dadkale, JWXO waxay qaadatay magaca Ogadeenya asalnimadiisa iyo taariikhnimadiisa kaas oo uu caalamkuna u yaqaano wuxuuna cabirayaa cuskashada uu shacabka Ogadeenya cuskado naftiisa, waxay JWXO ka tagtay magicii Soomaali Galbeed kaas oo moodsiin jiray inay Ogadeenya tahay goob ay ku muransanyihiin dowladihii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna ahaa mid luminaya qadiyada shacabka Ogadeenya gabi ahaanba.

 

5.Waxay JWXO kuliibaantay dhisida iyo samaynta Jaaliyado badan oo wadanka dibadiisa ah halka ay Jaaliyadahani u ordayaan siday saamayn ugu yeelan lahaayeen wadamada ay lanoolyihiin waxayna muujiyeen inay qadiyada shacabka Ogadeenya tahay qadiyad shacab dulman ooy gumaysato xukuumada Itoobiya, waxayna hadh iyo habeenba dalbanayaan in shacabka Ogadeenya lasiiyo xuquuqdiisa iyo xoriyadiisa laga hoos bixiyay si uu ugu noolaado dhulkiisa iyo ciidiisa korkeeda isagoo sharfan oo karaamaysan sida shucuubta kale ee caalamka.

 

Waxay Jaaliyadaha Ogadeenya ee dibadu u istaageen taageerida Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya, sidoo kale waxay caawiyaan walaalahooda ku dhibaataysan gudaha waxay Jaaliyaduhu abuureen ururo dhalinyaro iyo Ha`y`ado xuquuqul insaan, waxayna u qumeen Jaaliyadahan,ururadan dhalinyaro iyo hay`adahan xuquuqul insaan oo garabsanaya JWXO inay qadiyada Ogadeenya ka sharxaan ooy ka cadeeyaan qadiyada Maxfalada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba.waxayna awood u heleen inay u cadeeyaan toosnaanta qadiyada Ogadeenya aragtida guud ee caalamka, waxayna u istaageen diyaarinta socdaalo iyo Mudaaharaadyo badan ooy ka hor qabtaan Maxafisha dowliga ah.

 

6.Waxay sidoo kale JWXO ku guulaysatay inay samayso Idaacado iyo shabakado Warfaafineed oo ku wajahan Ogadeenya,waxayna fidiyaan wararka shacabka Ogadeenya ee dhibaatadiisa la hilmaamay,dilka,barakicinta,xidhayga iyo dhamaan jariimooyinka uu gumaysiga Itoobiyaanka ihi ka gaysanayo Dhulka Ogadeenya.

 

7. Waxaa kalooy JWXO ku guulaysatay habaynta,midaynta iyo ilaalinta dadka qaxootiga ah, sida ay JWXO ku caawisay isu soo dumitaanka badhkood kuwa kale usoo duntay iyo isku duwidooda iyo dhowristooda siday ugu qaylisay Mujtamaca dowliga ah iyo Hay`adaha gargaarka u kaalmaynta qaxootigaas dhibaataysan ee dibada jooga iyo kuwa gudaha ku barakacayba,sidoo kale waxay ugu baaqday Mujtamaca dowliga ah iyo Hay`adaha xuquuqulinsaanka inay cadaadis ku saaraan xukuumada dabargoynta ee katalisa Itoobiya inay joojiso jariimooyinka ay ka galayso shacabka Biri-magaydada ah.

 

8.Waxay JWXO awood u yeelatay joojinta iyo fashilinta khayraadka Ogadeenya sida Macdanta kala duwan,Baadroolka iyo Gaaska halka ay Ioobiya iyo shirkado badan oo kale ay isku dayeen soo saarida Baadroolka iyo Gaaska ka buuxa dhulka Ogadeenya iyago dhamaan isku day yadaasi ku dhamaaday fashil taasina waxay ku timid quwada iyo go`aanka shacabka Ogadeenya iyo gacan ku haynta iyo Maamul wanaaga JWXO ka gadaal idamka Eebbe SW. taasina waa arin cad oon sharaxaad dheeraad ah u baahnayn.

 

9.Waxaa usuurtagshay JWXO masixida iyo burburinta sumcada xukuumada Itoobiya ee diktaatooriyada ah ee markii hore bilowgii isutusisay caalamka inay tahay xukuumad dimoqraadiyad ah iyadoo ku dhawaaqaysay inay xaqdhowrayso shucuubta dagta khariirada waxa loogu yeedho Itoobiya iyo khariiradeeda moodsiiska ah shucuubtaas oo shacabka Ogadeenya uu ka mid ahaa markii ay Itoobiya khayaantay shacabka Ogadeenya iyo shucuubta kalaba,waxayna kula kacday wax markii dambe sababay fadeexad wayn oo Itoobiya ka soo gaadhay maxfalada dowliga ah.

 

Waxay sidoo kale JWXO ku guulaysatay fashilinta daba******tii Itoobiya ee ay u soo dirtay Jaaliyadaha iyo wadamada reer Galbeedka ah si ay u soo wanaajiyaan sumcada gumaysiga Itooobiyaanka ah iyo inay soo abuuraan Jaaliyado u hogaansan xukuumada Itoobiya, isagoo la noqday wafdigaas dabadhili'fkaka ihi waji gabax ayna filan haynin waxayna ahaayeen kuwa hoogay oo khasaaray oo wajiyo madoow.

 

10.Waxay JWXO baraarujisay shucuubta ku hoos dulman gumaysiga tirada yar ee Tigreega si ay isaga kor qaadaan amar ku taaglaynta iyo iskibrinta ay ku hayso kooxdani shucuuubta kale iyo inay soo ceshedaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda iyagoo ku dayanhaya shacabka Ogadeenya ee muddo qarni ka badan iska caabinta kujira.

 

Dadaaladan lasameeyay dartood maanta shucuubtii oo dhan waxay kuwada jiraan iska caabin iyo halgan ka dhan aha dabargoynta aan loo kala soocaynin shucuuubta,khayradkooda oo la boobo, hogaamyayaashoodoo la laayo si hoose,haweenkoda oo la kufsado iyo caruurtooda iyo waliba kala eriiga dadka si ay u sii haystaan saldanada.

 

Sidaas darteed waxaan maanta aragnaa shucuubtii oo dhamaan oo u doodaysa xuquuqdooda, cadaynahaya diidmadooda iyo inkiraadooda ay diidayaan nidaamka ka arimiya Itoobiya dibad iyo gudaba.

 

Waxaa qoray :Abuu Axmad

Cilmi baadhe ku xeel dheer arimaha dhaqdhaqaaqyada gobanimadoonimada.

Waxaa Turjumay Birmad.

Waxaa faafiyay http://www.o'gadennet.com/arabic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Is-Badalkii Ka Dhacay Itoobiya 1991 Wakaaladda Wararka Ogadeenya (ONA) oo waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Mudane Riyaale Xaamud

 

x5wg9e.gif

 

 

April 2, 2010 (QOL) Wakaaladda Wararka Ogadeenya oo waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Riyaale Xaamud oo ah masuul katirsal Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya, wuxuuna Riyaale waayo arag u yahay doorashooyinka Itoobiya ka dhaca Waxayna wakaaladu ku waraysatay isaga oo jooga Dalka Kenya Waraysiga oo dher ayaan idiin soo daynaynaa qaybta koobaad. Wuxuuna waraysigu u dhacay sidan.

 

ONA: Waligeed Ogadeeniya ma ka dhacday Doorasho Xor ah? Haddiise ay ka dhacday immisa Urur baa ka qayb gashay? Yaase kuu guulaystay?

 

Riyaale: Halmar bay doorasho xor ah ka dhacday gobalka Ogaedenya, waxayna ahayd 1992. Dadku say la ahayd bay wax u doorteen iyagoo madax banaan. Waxaa ka qayb galay WSLF, ONLF, DUP, iyo Tadaamun Al Islaam, iyo kuwa kale. Waxaana ku guulaystay ONLF iyagoo ahaa ururka kaliya ee habaysnaa ee si caadi ah uga jiray wadanka. Doorashadii xigtay ee 1995 kiina taas hore ma gaadhaynin, kuwii ka danbeeyayse ee illaa iyo hadda socda way dhaantay.

 

ONA: Goorma ayaa la dhisay Maamulkii ugu horeeyay Ogadeeniya? Haddiise la dhisay maka madax-banaanaa faragalinta Itoobiya?

 

Riyaale: Dawladii u horaysay waxaa la dhisay 23kii January, 1993 oo lagu dhaariyay hoolka Jaad-mahbarka ee Diri-dhabe, waxaana madaxwayne ka ahaa Cabdulaahi Maxamed Sacdi, ku-xigeena waxaa ka ahaa Siyaad Badri iyo xoghaye oo uu ahaa Mahdi Axmed Warsame, waxaana dhaariyay Taamiraat Layne oo xilligaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ahaa iyo Daawiit Yohannes oo ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka. Waxay dawladu ka koobnayd 21 wasiiir: 13 wasiir ONLF baa lahayd, 8 wasiirna waxaa la siiyay xisbiyadii kale. Golaha wasiirada waxaa la dhaariyay 13kii May, 1993 wayna ka muuqdeen Goballada iyo Qabiilada Soomaalida oo dhan. Xagga Faragalinta xilligaas, waa la isku cusbaa, baarlamaanku six or ah buu wax u dooranayay, dawladana loo dhisay, Sidaas darted faragalin majirin.

 

ONA: Goormay bilaabatay faragalintu?

 

Riyaale: Kadib markii la dhisay dawladii SACDI, ee la arkay say u fikirayaan iyo say wax u dhiseen, waxaa lagu bilaabay mucaarad; In la kiciyo xildhibaanadii, la abaabulo qabaa’illada. Sidaa sooy tahay, ma jirin faragalin toos ah ee meela kale bay soo marayeen TPLFtu.

 

ONA: Immisa madaxwayne baa soo martay Ogadeeniya (kililka) ooy Itoobiya dhistay? Intee baa si sharci ah ku timid? Intee bayse Itoobiya keensatay?

 

Riyaale: Waxaa soo martay sagaal madaxwayne iyo hal kusii-sime oo kala ah sida soo socota:

 

1. Cabdulahi M. Sacdi: wuxuu xilka hayay sideed (8) bilood waxaa la doortay 1993.

2. Xasan Jire Qalinle: wuxuu isna hayay sideed bilood iyo xoogaa maalma ah.

3. Ugaas C/raxmaan M. Qani: wuxuu isna hayay (8) bilood iyo maalmo.

4. Axmed Makaahiil: wuxuu isna hayay (3-5) bilood xilli aan ku qiyaasayo.

5. Ciid Daahir faarax: wuxuu isna hayay labo (2) sano xilli gaadhaya ama ku dhaw.

6. Maxamed M. Cali (Khadar): wuxuu isna hayay sadex (3) sano .

7. C/rashid D. Rafle: wuxuu isna hayay sadex (3) sano.

8. Cabdi Jibriil Abokor: baa isna isagoo ku-xigeen ah labo (2) sano ku meelgaadh ahaa.

9. C/laahi Xasan (Lugbuur): wuxuu isna hayay sadex (3) sano iyo bilo.

10. Daa’uud M. Cali (Daa’uud Amxaar): wuxuu isna hayaa illa hadda..

 

Laba dawladood baa si madaxbanaan ku yimid: C/lahi M sacdi iyo Xasan Jire, wallow ka danbe lagu eryay si sharci darro ah. Madaxwaynaha sadexaad ee la dhihi doorashuu ku yimid, waa Khadar Macalim.

 

Lixda madaxwayne ee kalaba waxaa laga keenay Addis Ababa: C/raxmaan Qani oo kale xoog baa lagu keenay, oo dad shacab ah una badnaa qabaa’illada Jigjiga deegaan ahaan sheegta, baa hoolkii lagu soo guray. Ina Makaahiil Macmal buu iska ahaa, Ciid Daahir xittaa doorashadiisii uu Qabri bayax kasoo galayay, Jigjiga baa lagu tiriyay oo la yidhi wuu soo baxay. Markii danbana doorashadii oon la dhamaynin tirinteedii baa Jigjiga lagu doortay iyada oo uusan baarlamaanku dhanayn. C/rashiid Duulane, Addis baa si toos ah looga keenay oo layidhi ninkan unban wadanaa, markii laga bogtayna Baarlamaankaa loo fadhiisiyay. Lugbuurna sidaa si lamid ah, isagoon barnaamijka noogu jirin oo rag kale (Guray Fidaar, Bashiir Caydaruus IWM) ordayaan, unbaa la yidhi kanaan idiin haynaa, isna markii laga bogtay unbaa la yidhi qor is-casilaadaadii oo Daa’uud ku wareeji.

 

ONA: Maamulka ama Maamulada aad is dhihi karto way ugu xumaayeen, waa kuwee?

 

Riyaale: Saddex maamul baa oogu xumaa xagga waxyeelada iyo dhibaataynta shacabka:

 

1. Ka kowaad wuxuu ahaa Ciid Daahir; oo xadhig, uus-xabaal, iyo ugaadhsi ku hayay reer ama dad gaar ah isagoo eryay shaqaalihii kuna salaynayay qabiil. Waxaa uu baabi’iyay nidaamkii ay dhiseen dawladihii ka horeeyay oo dhan, wuxuuna ahaa midhihii kasoo baxay 13kii Urur ee la isugu geeyay Leego (Ethiopian Somali Democratic League).

 

2. Maamulkii xumaa ee labaad, wuxuu noqon Lugbuur oo nin daciif ah oo cuqdad leh ahaa, dhibaatadii maamulkiisuna ay muuqato sida qaxootiga jooga wadamada dariska ah, taariikh madawna ka tagay hadday noqoto xagga xuquuqul-insaanka, abaaraha oon waxba laga qabanin.

 

3. Maamulka sadexaad eed moodo in uu ugu sii xun yahay waa kan Daa’uud, oo aaminsan in ay Soomaalidu tahay: ma shaqaystayaal, Tuug aan waxba lagu aamini Karin. Waxaa kale oo uu soo kordhiyay, wax ay Tigreegu oogu magac dareen lataliyayaal (Amaakaari) oo awal heer killil ku ekaa, oo hadda loo soo dhaadhiciyay heer Degmo ama Tuulo. Latilayahaas oo leh awooda kama danbaysta ah, Calankii in la badalo, maalmihii shaqada la badalo oo wax kasta oo loo arkayay Ismaamul in laga saaro meesha. La sameeyo ciidamo muuqa Soomaali ka ah, quluubta iyo Ideologiyadana ka ah Tigree iyo xabashi, oo dadkii wax la xidho iyo wax la dilo laga dhigo.

 

ONA: Maxay ahaayeen sababaha ay Itoobiya ku badasho maamullada ama Madaxwayneyaasha? Ma kala duwanaayeen sababuhu?

 

Riyaale: Sababaha badalku waxay ahaayeen siyaabo kala duwan: In marka hore ee la keenayay wax la isku ogaa oo kadib ay adkaato in uu fuliyo kii la keenay wixii la isku ogaa, ama in ay is-fahmaan kii la keenay iyo dadkii shacabka ahaa oo markaa la yidhaahdo “ninkani aragti kale buu wataa ama dadka buu wax fahansiinayaa. Midda kale deegaankani wuxuu hoos-yimaadaa dhawr qaybood: Xafiiska Meles, xafiiska federal affairs, wasaaradda Gaashaandhiga, iyo qolada Sirdoonka. Dhibka oogu badanna waa HUNGURI.

 

ONA: Maxaa lagu xushaa madaxda Ogadeeniya

 

Riyaale: Waxaa lagu xushaa in marka hore la tuutuujiyo oo uu Aaminsanaadaa midnimada Itoobiya, In ayna raad ku lahayn aragtida Soomaalinimada, iyo In ay yar tahay Waaya-aragnimadiisu. Waxay sii jecelyihiin kuwii dhashay ama hanaqaaday Ginbot dabadeed, waxna ku soo bartay machadyadooda ay iyagu billaabeen. Waxaa soo sharaxa ciidamada ninkii galaya baarlamaanka, xoogga oogu badan iyo tala-bixintana waxaa iska leh Gaashaandhiga iyo nabad-sugida (sirdoonka).

 

ONA: Shacabka ama Goballada Ogadeeniya ma u kala sokeeyaan Itoobiya? Mase jiraan kuwo si gaar ah loo naas-nuujiyo?

 

Riyaale: Way jiraan goballo ama Reero lagu yidhaahdo idinku waad sokeysaan oo Itoobiyaan baa tihiin , kuwa kalana loogu sheego/tuso in ay meelo kale ku xidhan yihiin oo ayna Itoobiyaan ahayn. Laakiin, xagga waxqabadka way u siman yihiin oo wax loo qabto oo gaar ah majiraan.

 

La soco qaybta kale.

 

ONA

Share this post


Link to post
Share on other sites

While you chant Ogadeeniya ogadeeniya no somali in that region will support your effort, I know your excuse will be "this is the name given by colonisation and the world know us by, and we should leave as it is". Well in that case leave the borders as the colonisation left it. Mise sheekadiinu waa, La jiifiyana banaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^You are no one to comment or tell us what we shall do about name( or the cause) of our country, as long as you are at each others' throat in Somalia.

 

You say NO Somali in the region will support the O'gaden cause. But I have Riayle xamud on board. Is he not a Somali who is from second largest tribe in the region? Ather Keep barking on the ears of the brave men who are doing the real deal that your grand parents would barely do ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who said I don't have the right to, since half of my family are from tha region. SXB jabhada JUXA will not take you anywhere until you bring every somali in the region on board, and the name is the biggest obsticle, when you say OGADEENIYA it sounds like an exclusive club for your uncles and causens, thats not how freedom fighting groups work.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^It is JWXO( Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeeniya), not juxa. Besides your likes like to talk about a fight when they have no idea what freedom is, or stands for.

 

As for the name, every body knows Ogadeenia is the country, or region. It is on the maps and mentioned in thousands of history books. It is not secret or exclusive to me, or to my uncles. It is for all her sons and daughters that live for it. For matter of fact the O clan is the majority. Their cause is also genuine. It is not arguable.

 

To be taken serious, first join JWXO (as Riyale Hamud and many more did). Till that keep all nonsense to your self.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by MoonLight1:

While you chant Ogadeeniya ogadeeniya no somali in that region will support your effort,

Adeer thanks but no thanks, nobody needs your support, adaaba help u baahan. Somone from Southern/Central Somalia is the last person that would offer/decline their assistance to anybody, specially a sufi-loving anarchist.

 

Dowladda kumeel gaadhka ah taageer taasaa ku baahane.

 

Kamavi, this is very well written peace, odayga qoray wuu dadaalay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this