Sign in to follow this  
General Duke

SNM-Mujahid muuse Bixi A/Yusuf is coming an insight into secessionist psyche

Recommended Posts

"Waxa Umadda Reer Somaliland Ceeb Ku Ah Hambalyada Daahir Rayaale Ee Guusha Cabdilaahi Yuusuf," Waraysi, Muj. Muuse Biixi Cabdi

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 13 January, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

Hargeysa (Ogaal)- Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mida xubnaha sare ee guddida fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayaa si kulul ugu dhaliilay Madaxweyne Rayaale war ay faafisay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-du, kaasoo sheegaya in Madaxweyne Rayaale ugu hambalyeeyay Males Zenawi, guusha ay Itoobiya ka gaadhay Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu xusay inay dadka Somaliland ay u sacab tumayaan.

Waraysi dheer oo uu xalay (habeenkii Khamiistu soo gelaysey) siiyay Ogaal, ayuu kaga hadlay Muuse Biixi arrintaas iyo qaar kale oo badan oo wax lagaga waydiiyayba, waxana uu u dhacay sidan;-

Share this post


Link to post
Share on other sites

S: Waa kii madaxweyne Rayaale booqashada ku tegay dalka Itoobiya, waxaana uu muujiyay in dawlada Somaliland ay ku qanacsan tahay, guulaha ay dawlada Itoobiya ka gaadhay Koonfurta Soomaaliya, adigu adigoo xisbiyada siyaasada ku jira sidaad arrintaa u aragtaa?

 

J: Horta, Anigu sidaynu BBC-da ka maqalay, ee laga soo weriyay Daahir Rayaale, Somaliland waxay u sacab tumaysaa guusha Koonfurta laga gaadhay, Aniga eraygaasi wuu igu adkaaday, Madaxweynihii Somaliland baa sidaa yidhi, sababtoo ah guusha la gaadhay waa Cabdilaahi Yuusuf oo dawlad looga dhisay Koonfurta, Cabdilaahi Yuusuf waxaynu ku ogayn ninka ugu cadawsan Somaliland, taariikhiyan ninkii SNM ugu cadawsanaa, waxaynu ka war-haynaa inuu laba gobol oo Somaliland ka tirsan uu maanta haysto. Waxaynu ognahay Cabdilaahi Yuusuf in uu u haysto in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, Wasiirkiisa Arrimaha Dibedduna uu ku hadlo, kuraasidii inaga dhaxaysay ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa lahaa, IGAD lahaa, iyo meel kasta oo ay ku jirtay kuraasidii inaga dhaxaysay-na, inuu inaga qaaday, oo dadka caawinayaa isaga keligii ay siiyeen, oo xataa aan la odhan, waar rag baa inaga maqane waar u kaadiya, markaa in madaxweynaha Somaliland uu yidhaa arrintaa Somaliland baa sacabka ugu tumaysa, Anigu arrintaa waxaan leeyahay waa khalad.

Somaliland-na sacabka uma tumayso'e aad bay uga xun tahay, in maanta xataa kuraasta jimciyada Quruumaha ka dhaxaysay iyo adduunkaba ninka ku fadhiya ee aan waxba laynoo waydiin, inaynu nidhaah sacabkaynu ugu tumaynaa, waa midaan dadka qaban oo gef ku ah.

 

S: Laakiin Muuse, Rayaale waa madaxweynihii dalka isagaa afkii dadka ku hadlaya oo ka masuula, adigu siyaasi mucaarada baad tahay, sababta uu hadalkan u yidhina waxa weeye, isagu dawladda Itoobiya iyo Somaliland xidhiidhka ka dhexeeya ayuu ka turjumayay, sida ay Idaacadu ay u baahisay marka loo eego, miyaanay sidaa kuugu muuqan, xagee buu qaloocu ka jiraa?

 

J: Waa la doortay baad carabka ku xejisay, waxaan filayaa Xisbiyada waa la wada doortay ka hadli maayo, waa yeelkeedee isagaa maanta halkii ha fadhiyo, Laakiin waxaan anigu hubaa, afkaa uu ku hadlay iyo dareenka dadku inay kala duwan yihiin, inta badani in aanay dareenkaa ku raacsanayn baan Anigu maanta qabaa, oo ay weliba ku tahay bah-dilaad iyo calool-xumo weyn wixii ay halgan iyo dhibaato soo mareen, inay Cabdilaahi Yuusuf oo guulaystay hambalyeeyaan oo iyaga ku soo maqan.

Ta aad leedahay wuxuu ka turjumayaa xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, arrinta aynu ka hadlayno iyo guushan la hambalyaynayaa, ma aha xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, amba waan soo dhawaynayaan oo waan hambalyaynayaa inuu wanaagsanaado xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, danaha aynu isku qabnaana inay koraan oo ay fiicnaadaan waan jecelahay. laakiin, su'aasha mudani waxay tahay guusha la hambalyeeyay maxay tahay? waa Imbigaati baa Xamar la geeyay, Cabdilaahi Yuusuf baa dawlad loo dhisay, Cabdilaahi Yuusuf baa dalkii loo qabtay. Inaga miyaa laynaga reebay?

 

miyaad maqashay Itoobiya oo tidhi Somaliland waan Ictiraafay? Miyaad maqashay kursigan Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa Rag baa ka maqane u kaadiya?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

snm-mujrim muuse biixi dhaha,

 

Duke,

 

Arag, lama arko Zenawi lamana diidana Xabashi

 

waxa la diidan yahay waa C/Yusuf , cadaawad waxaa loo qabaa dadka soomaaliyeed sida Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

S:Soomaalida Kuma jirto hawl-galada Soomaaliya ka socda, sidaas buu u sheegay imika markuu shirka Jaraa'id qabtay dee..?

 

J; Hawl-galada Soomaaliya ka socda miyuu yidhi Somaliland waa laga reebay, dawladda Soomaaliyeed oo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa lagu metelo.

 

Sow budooy sii fadhi oo adigu nabad baad haysataaye i sii fadhi maaha, intaan Koonfur xasilinaayo, berito-na fartaa laygu yeedhayaa, Aniga ciidan miyaa lay dhisay, Aniga miyaa la yidhi waad ka hadhsan tahay, ha la ictiraafo miyaa la yidhi, dawlad ina tidhi ma jirto.

Itoobiya ma odhan, Ruwaanda-na ma odhan, Gaambiyadii uu lahaa waa la tegayna ma odhan, Jabuuti-na ma odhan, Masar-na ma odhan, cid tidhi Somaliland wax baa loo ogol yahay hadii aad maqashay adigu ii sheeg.

 

MIdna waan kuu sheegayaa, waxa jirta dawladu mid bay u negidahay, sibay qalbiga uga hurudaa oo ay u degantay, oo faraxsan tahay, warwar ma hayo, Laakiin, aniga iyo in badan ba warwar baa ka haya xaaladda ka taagan Geeska Afrika, Hadaba, waxaan garan la'ahay dawladu ma war wanaagsan bay haysaayoo ay naga qarinaysaa, ha noo sheegto, anaguna aan ku niyad samaanee, haddii cid ina ictiraafaysa, hadii cid ciidan inoo dhisaysa, hadii xoogan Cabdilaahi Yuusuf ee soo socda wax laga hor-tegaayoo ay jirto, haddii aanay warkaa haynin maxay mabsuud ku tahay, dee waa inay warwartaa ilayn waa lagu soo maqan yahee.

 

Tusaalaan ku siinayaa Cabdilaahi Yuusuf inagoo dawlada ayaa la aasaasay 1998-kii, waxaynu nidhi waxba inagama khuseeyaan, ninkii Jaamac Cali Jaamac baa ka qabsaday oo la doortay . xoog bay Itoobiya ku qabsatay Jaamac Cali Jaamac oo waa tii hadh-cad la jiidhay, inagana laba gobol baa buu inagaga darsaday, bal isagoo Soomaaliyaa oo dhan loo qabto maxaad u malaynayn, imikaabuu laba gobol inaga haystaaye, ma ina gafayaa bay idinla tahay.

Bal ha ii sheegto dawladu waxa garantiin lay hayo inuu ina gafayo, haddii aanay waxba inoo hayn ugu yaraan taladeed waa inay noqotaa umad yahay waxba idiinma haynee maxaynu yeelnaa, xagee baynu u cararnaa, sidee baynu ciidan u dhisanaa, sidee baynu Cabdilaahi Yuusuf-kan soo socda uga tashanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddii ay Males iyo Daahir Rayaale wax kala saxeexdeen inoo dana oo dhanka ictiraafka ah, Anigu ganacsi iyo nabad-gelyo iyo jaar-wanaag intaasi waa iska caadi, arrinta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa uu maalin walba ka leeyahay Anagaa Soomaaliya metelna, adigana aan laguu ogolayn, ina Rayaale miyaa loo ogol yahay inuu galo shirarka IGAD iyo goleyaasha, saw karaaniyaasha looma ogola Cabdilaahi Yuusuf, waa maxay bah-dilaadda ka weyni madaxweyne-na wuu sheeganayaa, mana qiranayo oo ma ogolla mana odhanaya waxaasa igu dhacay.

 

 

S:Itoobiya, Somaliland ma faa’iido ayay u soo wadaa xaga qaddiyadda siyaasada markaad ka eegto?

 

J: Horta, suuqa siyaasada nin waliba inta uu ka goosto ayuu ka hellaa.

Waa sida suuqyada kale, jariidad waliba siday u shaqayso ayuun baa loo iibsadaa, waa sida suuqyada kale ee ganacsiga. Markaa, siyaasaduna waxa weeye, nin waliba wuxuu sheegto ayuun baa loo aqbalaa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waxaasi waa carab-daar, markaa dantaada siyaasadeed, waa waxa aad afkaaga ka sheegato. Itoobiya iyo Somaliland, waxa dan ah inay yeeshaan saaxiibtinimo wanaagsan, heshiis wanaagsan iyo walaaltinimo dhinac walba ah. Laakiin, waxa wanaagsan inaan midna mid ku dulmin. Marka Itoobiya Cabdilaahi Yuusuf sidaa u dhisto, ee wixii inaga dhaxeeyay oo dhan gacanta ka saarto, ee inagana bustaha layna saaro, inaynu ku dulma-nahay baan arkaa. Dawladeenu intaa inay sheegtaa baan ka doonayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

S: ma kaalmo ahaan miisaanka Itoobiya siisay Cabdilaahi Yuusuf, ayaa ka dhigan dhinacaaga in lagu dulmiyay?

 

J: Mar hadaanan ninka la gar-naqsaday ee ay wax ku diideen ahayn. ninkii i meteleyayna aanu aniga waxba ii sheegin, markaan Somaliland ahaan u hadlo weeyaan, anigu ninkii shirka joogay ee gar-naqsaday maan ahayn, oo markaa odhan maayo waxaasay igu diideen oo ay igu dulmiday Itoobiya, ninkii noo dhexda ahaa ee madaxda u ahaa dalkan ee wax laga sugayayna waxba iimuu sheegin, oo halkaa xog baa iga maqan, markaa Itoobiya ma eedaynayo imika, ee waa inaan xogtaa helaa.ama aniggaa sheegan waayay ama waa lay dulmay, labadaa mid weeye! Laakiin, waa in aan xogtaa hellaa.

 

S:laakiin, Miisaanka karaamada ay Itoobiya siisay Cabdilaahi Yuusuf iyo ta Somaliland siisay uun isu eeg?

 

J: Waaqiciga yaalaa waxa weeye anigu(Somaliland) sidan waan ku dulmanahay.

 

S:Jabuuti imika xidhiidhkeenu wuu xun yahay, oo waad og-tahay, mar hadaan Itoobiya odhan Somaliland waan aqoonsaday, Jabuuti-na aanay ku lahayn waan aqoonsanay, Ruwanda-na aanay ku lahayn waan aqoonsaday, maxaynu u kala jeclaysanaynaa?

 

............................................................................................

S:Waxaad tidhi, wixii Soomaaliya aynu wada lahayn oo dhan Cabdilaahi Yuusuf baa la siiyay, berigii aad Wasiirka Arrimaha Gudaha ahayd ee uu joogay Marxuum Cigaal, mar wuxuu soo jeediyay in Somaliland dhaxasho kursiga Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee Soomaaliya, laakiin Ragii xukuumaddaa ku jiray ee ku kacay baad ka mid ahayd. Markaa, taas lafteedu siyaasad bay ahayd oo isku-day bay ahayd, hantidan imika aad leedahay waa la dhacayna, tii aad berigaa Ina Cigaal ka diideen inaynu la wareegno miyaanay ahayn?

 

J: Malaha arrintaasi xan bay kugu timid’e, meel arrintaa lagaga dooday oo laysku haystay may dhicin, qoladiinan Jaraa’idka uun baa mala- awaalkaa suuqa geliyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

S:Imika, Muusow waxaad sheegtay in werwer badan jiro, markaa bal noo sheeg waxyaabaha aad arkayso?

 

J: Dhibaatada ugu weyni waxa weeye, in ciidankeenu aanu xadkeenii joogin, [/n]oo aanay Somaliland isu-dhamayn oo nin waliba inaga adag yahay. waxaynu ku doodnaa waxa weeye ee aynu Somaliland ku nahay xadkii isticmaarkii, xadkiina tab iyo xeelad si uun waa inaynu ku tagnaa. Hadii taas oo sidaa inagaga maqan aan is-qabsano, xaalkeenu waa wagash-wagash, Ilaahay oo inoo gurmada mooyaane. Ta kale ee lagaga bixi karaa waxa weeye, dadkoo isku duubni keena oo la eego qaddiyadda Somaliland oo kor loo wada jeesto.

...............................................................

 

S:Cabdilaahi Yuusuf, wuxuu sheegay in aanuu Somaliland u soo socon hadda, Laakiin, wuxuu sheegay Somaliland inuu wada-hadal la gelayo marka Koonfurta arrinteedu soo dhamaato. markaa maxaad u malaynaysaa wada-xaajoodkaa?

 

J: Taa nacasna loo sheegi maayo, ninkii ragina wuu garanayaa. sida uu soo wadaana, Cabdilaahi wuxuu doonayaa inuu noqdo Maroodigii odhan jiray iigu rid ama waan kaaga ridan maalintaa.

Markaa waxa weeye, Somaliland-neey kaalaya, soo fadhiista oo sidaa iyo sidaa ha la yeelo. Yeelimayno baad tidhi, waan kaa xoog-roonahay baa ku bi’isay.markaa, si aan shirkaa isaga celino lagu wada hadli doono ee la isugu iman doono, isaga celino, dee waa inaan laba quwadood is-le’eg ahaanaa oo taa hawsheedii la sii galaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

S: markaa, Ciidan Somaliland leedahay miyaanu jirin, ma waxaad leedahay ma jiro?

 

J: Maya, wuu jiraa ciidan.laakiin, Ciidankiyo raguba waa kuwii SNM ee shan iyo tobonka sano soo daalay, ee qorigoodu Shan iyo tobanka sano jiray ee soo daalay. iyo Inanka Shan iyo toban sano ciidan ahaa ee imika Konton jirka ah bal ka waran. Dee, wax walba waa la dhisaa. Ciidankeena halkan baa laga kexeeyay Saddex sano ka hor, halkaasaa la geeyay (Jiida Bari). Mooralka ciidanka miyaad war u haysaa maanta, caruurtooda TB-da qabta ama cudurada kale ee u jiifa Cisbitaaladu, kuwa Askarta ayaa ugu badan, nin Askari ah oo aanay qoyskiisii kala taginina waa yar yahay, isagiina halkaas baa la geeyay, caruurtii iyo gabadhiina halkanaa lagaga tegay, 180 kun oo SL shilin ahna qaado baa la yidhi, wadaninimo ayuun bay hubka uga iman la’ yihiine, Dee ragga caynkaas ahi intay wax difaacayaan way iska yaraanaysaa. markaa ciidanku wuxuu u baahan yahay in waxyaabo badan loo doono, dawlada tamarteeda iyo in loo doono cid ka caawisa. waxaan leeyahay waa in meelo badan la’ eeg-eegaa, waayo, Sidani sidii ninkaa laysaga celin kari lahaa maaha.

Hadaanay ahayn markuu ii yimaado waan isu-dhiibayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

S: Ma u malaynaysaa, inay heshiis ku wada-jiraan, xukuumada Somaliland, Meles-senawi iyo Cabdilaahi Yuusuf?

 

J:Taasi, waa qolada Jaraa’idka warkoodiiye, waxaanu leenahay xukuumadaay waxan aad ku hurudaan ee aad ku niyadsan tihiin nooga warama, anaguna aan idin-la barwaaqownee. imika, War ma haynee waa inay inoo waramaan, mana eedayn karo, mana aamini karo. Waayo, xukuumadu afkeedii way xidhatay.

 

S: Xukuumadu waxay leedahay wax waliba waa Okeey, Somaliland-na anagaa damaanad qaadnay. Laakiin, hadana Shakigu waa jiraa, keligaana maahee dad badan baa kula qaba?

 

J: Markaa, taa waxaan kaa leeyahay Nebi Ibraahim baa Ilaahay ku yidhi miyaanad i aaminsanayn, markaasuu ku yidhi Nebigu, waan ku aaminsanahay. Waabase, qoladan nabad-sugidda ahe waxay wadaan ba aan la garanayn. Sidee loo aamini jiifkooda, wer-wer badan baan qabaa, nimankuna Niman la aamini karo-na maaha.

 

S: Imika, intaad naqdiga dayso, adigu maxaad talo haysaa?

 

J: Anagu waxaanu talo haynaa, in dadku u diyaar-garoobaan dhibaatada kaga soo socota dawladda Cabdilaahi Yuusuf ee koonfur ka dhalanaysa. Isla markaana dhinaca hogaanka, talada, dhaqaalaha iyo cududda ciidanba la mideeyo, oo heegan loo noqdo, sidii looga hortegi lahaa.

 

Source: Wargeyska Ogaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

snm-mujrim muuse biixi dhaha,

 

Duke,

 

Arag, lama arko Zenawi lamana diidana Xabashi

 

waxa la diidan yahay waa C/Yusuf , cadaawad waxaa loo qabaa dadka soomaaliyeed sida Puntland

The old "Mujahid" like the ones in SOL is very passionate about A/Yusuf, he gave a great insight into the reality. The old guards from the SNM are the only army they have, moral is low, they have lost two whole regions to Somaliweyn. They are ill prepared for a showdown or even talks.

 

He is really disapointed with the fact that there is no recognition to speak of even from little Djibouti and their best pas Ethiopia.. :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Like my friend, Jacaylbaro said "here we go again" General as always i see you love to take something, a view, opinion and run with it, but sometimes old boy you got to stop and slow down or you will soon discover you are running in big circle. The situation in the south is fluid, what happens there is dose not in my view make big waves but only ripples in the outcome of somaliland. Like i stated early with you before the issue of somaliland will be addressed when the situation in the south is calm. Two governments will talk to one another about the issue with medation from the AU, US, EU, UK and ethiopia no one group will have a leg up on each other, You nor i dont know what the outcome will be and for haven sakes Genearl please dont say you do loool. The moral of the troop is well, checks go out to the troops and police unlike mmmm some other places you and i know off lol. In statement from ethiopia foriegn office they stated the issue on why they did not want to be the first to recongize us, but they said for sure they be the second and djubuti duke, duke, duke you know that lot flips flops more then John Kerry they for the ICU then aganist i dont take them recongizing somaliland as issue we need to focous on. The last point my friend i need to correct you which is not true at all is the claim you made that "they have lost two whole regions to Somaliweyn" Can you say somaliwen troops are west of sol or West of Sang the answer is no. More land control is under somaliland then somaliweyn is in Sang, so old boy when posting info please post facts not opinions, you dont see me saying we control full control of both those terrotries, because that would be a lie and would like it to be the same with you when posting info. In the end the issue of somaliland is at the same point it was year ago, two year ago and so forth. Only time will tell where it take both nations but i hope its journey peaceful and not filled with war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So what about Riyaale? I would hope he can rely on his guards that have been specially trained for him by his cousin Ismail Umar Gheele because the revolt is on the way!

 

Are they going to dispose of him violently?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this