Sign in to follow this  
Goodir

Sarkaal Shabaab la dagaalami jiray oo isa soo dhiibay

Recommended Posts

Goodir   

Mid kamid ah Saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada uu wato Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kusugan doolow ayaa lagu soo waramayaa in uu is soo dhiibay.

 

Sarkaalkani oo lagu magacaabo Korneel Cabaas Ibraahim ayaa isku soo dhiibay Saraakiisha Alshabaab ee kusugan Gobolka Gedo kadib markii uu isaga soo tegay Doolow oo Ciidamada Barre Hiiraalena uu isaga soo baxay.

 

Korneel Cabaas wax hadal ah ma uusan siinin saxaafadda lakin in uu isku soo dhiibay Xarakada Shabaab waxaa cadeeyay Mas’uuliyiin katirsan Xarakada oo kusugan Gobolka Gedo.

 

La garanayo illaa iyo hadda sababta keentay in Cabaas uu isku soo dhiibo xarakada shabaabka, waxaana horey uu uga mid ahaa saraakiisha Barre Hiiraale uu hoggaaminayay ee doolow u cararay kadib markii Kismaayo iyo Gedo laga wada saaray iminkana abaabul dagaal ku maqnaa.

 

Barre Hiiraale oo horey uu ugu shaqeyn jiray iminkana uu kula jiray dhanka Doolow ayaanan weli la hadlin saxaafadda kana warbixinin sababta keentay in laga soo goosto ama haddii ay jiraan waxyaabo kale oo sababay in Korneel Cabaas uu goosto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Sarkaalkani oo lagu magacaabo Korneel Cabaas Ibraahim
ayaa isku soo dhiibay
Saraakiisha Alshabaab ee kusugan Gobolka Gedo kadib markii uu isaga soo tegay Doolow oo Ciidamada Barre Hiiraalena uu isaga soo baxay

Ku: Shaykh Hotel

Ku: Shaykh Janaqow

Ku: Shaykh CabdulQaadir Cali

Ku: Shaykh Ciise Cadow

Ku: Shaykh Ibrahim Cadow

 

Ka: Umada Soomaliyeed oo Xalaasha

 

Wareegeto: Halkaan waxaa lagu wargelinaa Mr. Hodheel iyo asxaabtiisa inay isku dhiibaan sida ugu dhaqso badan sarakiisha Al-Shabaab oo ku sugan magaladaasi ee Muqdisho. Mr. Hotel waxaa loo balan qaadaa hadoo isa soo dheebo sareer macaan oo markee aad aragtid alayle isku-toor ku qabanayso, mukayf oo Panasonic ah oo daaran 24 saac, iyo weliba talafeeshan oo qabanaayo LBC, MBC, ART, iyo Al-Jazeera.

 

Laakin Mr. Hodheel hadoo isa soo dhiibiwaayo, markaasi sheekada meel xun bay gaaraysaa runtii. Ha ku waantoobo oo ha ku caqli-ceshado ninka ka horeeyay oo ku magac-dheer Cabdullahi Amxaar oo maanta qaxooti ku ah Jaxeemo ee dal-kaasi ee Yemen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this