Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu Curfew + Mass Demo's

Recommended Posts

Muqdisho: Khilaaf soo kala dhex galay qaar ka mid ah madaxda maxkamadaha iyo magaalada Muqdisho oo caawa bandaw lagu soo rogay.

Khamiis, November 16, 2006

 

Muqdisho (AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxa ay maxkamadaha magaalada Muqdisho ku soo rogeen bandaw aad u xoog badan, iyada oo inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho aysan ka socon wax dhaq dhaqaaq ah.

 

Bandawgani ayaa waxa uu ka danbeeyay ka gadaal markii maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay banaan bax aad u xoog badan oo lahaa ujeedooyin kala duwan.

 

Dad ka mid ah dadkii dibad baxayay ayaa waxa ay ku saleeyeen banaan baxaasi oo u jeedadiisu ahayd in looga soo hor jeesto mamnuucidda qaadka fal dil ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Niman ay isku hayb yihiin ku xigeenka gudoomiyaha golaha fulinta ee maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay rabshado ka sameeyeen wadooyinka magaalada, iyada oo ciidamada maxkamadaha ay u deegsadeen rasaasta cayriin .

 

Ku xigeenka golaha fulinta ee maxkamadaha magaalada Muqdisho Abuu Cutayba ayaa mar uu maanta ka hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in maxkamadaha looga baahan yahay in ay soo qabtaan ninkii falkaasi gaystay oo ay isku hayb ka soo jeedaan gudoomiyaha golaha shuurada ee maxkamadah Sh. Xassan Daahir Aways.

 

Abuu Cutayba ayaa waxa uu intaasi ku daray in arrintaasi ay keeni doonto kala jabka iyo bur bur ka maxkamadaha, isaga oo ku tilmaamay in beeshaasi ay tahay beel caadaysatay dilalka macni darada ah.

 

Isku soo wada duuboo xaaladda magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay tahay mid aad u qasan iyada oo madaxda maxkamadaha magaalada Muqdisho uu ka dhex taagan yahay qalalaase siyaasadeed oo aad u wayn.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaylani IndaCade is a warlord and the Idamaale artcicle states that there is divison between him and the real Shiekh Abu Qutabe.

 

 

MUQDISHO: Banadow soconaya sideed saacadoo oo lagu soo rogay maanta Magaalada Muqdisho

Posted to the Web Nov 16, 18:29

 

 

Muqdisho (PP) - Madaxa Ammaanka Gudaha Gobolka Banaadir u qaabilsan Maxkamadaha Midoobay Sheekh C/llaahi Macallin Naxar (Abu-Quteyba) ayaa soo saaray galabta Amar bandow ah oo lagu soo rogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Bandowgaan oo ah kii ugu horreeyay oo ay Maxkamaduhu ku soo rogaan Magaalada Muqdisho ayaa billaabanaya 9:00 habeennimo xilliga Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku ekaan doonaa 5:00 oo ah xilliga Saaladda Subax ee Aroortii.

 

"Waxaan doonaynaa inaan sugno ammaanka magaalada Muqdisho, kaddib laba casho oo isku soo baxyo rabshado wata ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho" ayuu yiri Abu-Quteyba oo intaas ku daray: "Waxaan sugaynaa ammaanka, waxaana amar ku bixinnay inay saldhigyada gobolka banaadir habeenkii shaqeeyaan".

 

Wuxuu sheegay in qofkii lagu qabto bandowga habeenkii ay soo rogeen ay mudan doonto ciqaab uusan sheegin wax ay noqon karto, waxaase uu carrabka ku adkeeyay inay noqon karto ganaax iyo ciqaab jireed xanuun badan.

 

"Ciidamada ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee sugaya ammaanka waxaan ku soo daraynaa kuwo kale oo xoojin ah, waxaana ka hortagaynaa wax walba oo isku day ah oo lagu wiiqi karo ammaanka caasimadda" ayuu mar kale yiri Abu-Quteyba.

 

Madaxa Ammaanka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in cid walba laga doonayo inay gurigeeda ku ekaato xilliga bandowga uu billaabanayo, ayna iska ilaaliyaan in gacanta lagu dhigo.

 

"Dadka wata warqadaha Aqoonsiga ee iyagu xilliga habeenkii qaybtiisa dambe ah shaqeeya waanu sii daynaynaa, balse cid aan caddeyn wadan ma sii dayn doono waxayna mudan doontaa ciqaab" ayuu mar kale kaga dhawaajiyay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Markaan ayaa noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay Maxkamadaha Midoobay ku soo rogaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Bandow tan iyo sidii ay gacanta ugu dhigeen.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Dubai - Imaaraadka Carabta

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

BANNAANBAXYO AY DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

 

Bannaanbax rabshado sitay oo uu hal nin ku dhintay laba haweena ay ku dhaawacmeen ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxaysa isgoysyada Baar-Ubax iyo Black Sea ee wadada 30.

Bannaanbaxaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xayiraad aan la ogeyn ama cid amar ku bixisay aysan jirin lagu soo rogay qaadka labadii maalmood ee ugu dambeysay iyadoo weliba maalintii shalay ahayd ay Maxkamaduhu ku gubeen koontaroolkii hore ee afgooye xadi qaad ah oo lagu qiyaasay ku dhowaad 50-kun oo dollar iyadoo maantana lagu gubay qaad kale dugsiga tababarka Xalane qaad ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

 

Ma jiraan ilaa iyo haatan wax amar rasmi ah oo ka soo baxay labada Gole ee Maxaakiimta Islaamiga iyadoo ay ku andacoonayaan dadka ka ganacsada qaadka in ay habbooneyd in la wadahadlo ay isla soo saaraan go’aan rasmi ah oo xiriira arrimaha qaadka.

 

Mar aanu wax ka weydiinay arrimahan isa soo taraya ee qaadka ayuu yiri “Ma jiraan cid na tiri joojiya qaadka oo digniin na siisay, waxaana jirta in annagoo Ex kontoroolka Afgooye ma rayna ayaa nalagu amran in aan gawaarida joojino kaddib horteena lagu gubay” “Waxay ku habbooneyd in nalagu wargeliyo in tallaabadan si aan dhaqaalaheena ugu joojino wixii naga maqana nala siiyo muddo aan ku soo xaraysano” ayuu sii raaciyay.

 

webmaster@goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka socda magaalada Muqdisho

Last Updated::2006-11-16 16:52:59

 

Muqdisho:- Mudaharaad balaaran ayaa maanta ka bilowday bartamaha magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo Qaad ay shalay magaalada ku gubeen Maxaakiimta Islaamiga.

 

Banaanbaxan ayaa ka bilowday Baar UBAX ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayeen boqolaal dad ah oo dhagaxaan tuuraya halka kuwo kalena ay taayaro ku gubeen jidadka waaweyn.

 

Illaa iyo hada mudaharaadkan ayaa socdo ayaa ay dadkan u badan yihiin kuwii ka ganacsan jiray Qaadka iyo shacab kale.

 

Mudaharaadkan ayaa waxaa ka hortagay qaar kamid ah Ciidamada Maxaakiimta Muqdisho, ayadoo la xaqiijiyey in uu ugu yaraan hal qof ku dhintay iska horimaadyadii halkaasi ka dhacay, ayadoo tiro kale oo gaareysa 5 ruux ay ku dhaawacmeen.

 

Mudaharaadkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo looga soo horjeedo Maxaakiimta oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

Qaar kamid ah Shacabka dhagxaanta tuurayey ayaa ku dhawaaqayey erayo ay kamid ahaayeen dooni meyno caburin dooni meyno digtatoornimo, ayagoo markaasi ka careysan in loo diido in ay gataan Qaadka ama cunaan.

 

Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho ayaa horey u mamnuucay Qaadka balse shalay ayey ahayd markii ugu horeysay oo ay gubeen qaad tiro badan oo la filayey in loo gudbiyo suuqyada magaalada.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet | Muqdisho

info@horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbaxyo dad ay ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

November -16-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Banaanbaxyo dad ay ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen oo looga soo horjeeday joojinta Qaadka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Isgosyada baar ubax Black sea iyo Albaraka ayaa maanta waxaa hareeyey banaanbax balaaran oo ay sameeyeen inta badan Haweenka iyo Ragga ka ganacsada qaadka iyo Carruurta garaabiistayaasha kuwaas oo noloshooda ay ku xiran tahay la shaqeynta Haweenka iibiya Qaadka oo ay ka raadsada nolol maalmeedkooda.

 

Banaanbaxyaasha ayaa sheegay in mamnuucida jaadka islamarkaana lagu gubay hantidooda ay tahay mid si aad ah ay ugu xun yihiin iyagoo sheegay inay tageero u ahaayeen golaha maxaakiimta balse imminka si aad ah uga xun yihiin.

 

Isgosyada ay maanta ka dhaceen banaanbaxyada ayaa ilaa iyo hadda inta la og yahay waxaa ku geeriyooday hal qof iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale.

 

Mid ka mid ah dadka maanta banaanbaxaas dhigayey oo HornAfrik wax ka weydiisay arrintan banaanbax ayaa sheegay inay banaanbaxa wadayaan, maxaakiimtana ay rasaas ugu jawaabeen maanta.

 

Sidoo kale, Haweenka iibiya Qaadka ayaa sheegay inay qaadka ka masruufan Carruur badan oo Aabahooda nooleen iyagoo sidoo kale xusay in Haweenka inta badan Qaadka iibiya ay yihiin kuwa ay ku kaliftay daruufta waxa ayna sheegeen in imminka aaney heynin wax shaqo ah marka laga reebo Jaadkii laga joojiyey iyagoo xusay in golaha maxaakiimta Islaamka ay u sameeyaan mashruuc ay ku howlgalaan si noloshooda ay uga soo saartaan.

 

Haweenka ka ganacsada Qaadka ayaa sheegay in hanti badan oo jaadka uga jirtay looga gubay iyagoo ka xumaaday in marka hore loo baahnaa in lagu wargaliyo si ay uga digtoonaadaan balse ay xuseen in Qaadkii shalay laga gubay uu ka yimid dalka Itoobiya kaas oo cadowtinimo kala dhaxeyso dalka Soomaaliya islamarkaana ay dowr bideen inay dalka Kenya ka keensadaan kuwaas oo soo marsiinaya diyaaradaha ka shaqeeya Muqdisho iyo Kenya balse ay sheegeen in golaha maxaakiimta markii ay dareemeen in waxa la sido uu yahay Qaad ay u diideen inay kala soo baxaan garoonka Muqdisho taas oo markii dambana la gubay.

 

Hantidaas ayey sheegeen in golaha maxaakiimta looga baahan yahay inay gartaan inay leeyihiin shaqsiyaad loona baahan yahay in aan hantida qofeed lagu ciyaarin.

 

Banaanbaxan maanta laga sameeyey magaalada Muqdisho ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee ka dhaca goobaha ay ka taliyaan golaha maxaakiimta iyadoo banaanbax midkan la mid ah hore looga sameeyey magaalada Kismaayo kaddib markii lagu soo rogay xayiraada Qaadka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Originally posted by Jaylaani:

Abu Quyabuhuna ma carabaa...walee nimankan waan la yaabay. Kolba koodh ha soo xidheen.

:D:D

 

AbuuJaylaani, amakaag iyo nus!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this