Jacaylbaro Posted November 3, 2009 Odayayaasha Buuhoodle oo ku tilmaamay ninkii sheegtay qaraxii Laascaanood nin xanuunsanaya Shir saxaafadeed ay soo saareen odyaasha iyo waxgaradka magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in ninka sheegtay inuu ka danbeeyey qaraxii Laascaanood,isla markaana sheegay inuu sameeyey urur uu ku tilmaamay "JNM" uu runtii yahay nin madaxa lagaga jiro oo mudo xanuunsanayey,isla markaana aanu jirin urur ka jira Buuhoodle oo Somaliland la dagaalamaya. Garaad Saleebaan Buraale oo ka mid odayaasha gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in ninkaasi aanu masuul ka ahayn qaraxaas,aanuna ahayn nin qaraxyo iyo hawlo meleteri midna fulin kara,isla markaana uu yahay nin wakhtigu hayo oo camal la'aan awgeed iyo busaarad ay u geysey,inuu sidaa u hadlo,waxaana Garaadku eeda dusha ka saaray dad uu ku tilmaamay cadow raba inay dhibaato iyo qas ka abuuraan Buuhoodle inay waraysteen ninkaas. Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaas ka dhacay Laascaanood aan reer Buuhoodle shaqo ku lahayn,dadkana waxa uu uug baaqay inay ilaashadaan nabdgelyadooda,oo aanay dusha iska saarin danbiyo aanay gelin oo keeni kara dhibaato hor leh. Sidoo kale Caaqil Axdar oo isna ka mid ah odayaasha Buuhoodle ayaa sheegay in arimaha ka dhacay Buuhoodle ay ka shaqeeyeen dad raba inay dhibaato iyo qalalase ka abuuraan magaalada oo dano khaas ah,kuwaasoo aan u naxayn dadka rer Buuhoodle oo haytey nabdgelyo buuxda. Uug danbayntii odayaasha ayaa ku buuriyey shacabka reer Buuhoodle inay nadadooda ilaashadaan,oo ay ka hor tagaan dino aan hadhow la qaboojin karin. Hadalada odayaasha ayaa ku soo beegmay kadib markii ciidanka Somaliland ee degmada Buuhoodle oo uu horkacayey Col. Axmed Maxamed Aadan Guul ( Dalbac) ayna weheliyaan saraakiisha ay ka mid yahiin Col Ismaaciil Xaashi Huruuse, Col Maxamed Sheekh Cabdi Dabcasar (Tuur) & Capt Cali Ducaale ay isku dayeen inay xabsiga dhigaan ninkaas sheegtay inuu ka danbeeyey qaraxii Laascaanood,taasoo aan u suurtogelin ciidanka,oo loola baxsaday meelo ka mid ah magaalada gudaheeda,iyadoo markii danbe ciidanka loo shegay in ninkaasi aanu ka danbayn falkaas,oo uu yahay nin xanuunsanaya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 LISTEN To the interview Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 Garaad Saleebaan Buraale oo ka mid odayaasha gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in ninkaasi aanu masuul ka ahayn qaraxaas,aanuna ahayn nin qaraxyo iyo hawlo meleteri midna fulin kara,isla markaana uu yahay nin wakhtigu hayo oo camal la'aan awgeed iyo busaarad ay u geysey,inuu sidaa u hadlo, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted November 3, 2009 Ninka dhan ee Jabarti National Movement madaxda u ah waa nin isku buuqay miyaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 JNM wax jira ma tahayba horta ,,,, I think that is what he was dreaming of ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted November 3, 2009 ^ Wuu u fakaray in badan magacaas. S wuu dhaafay, D wuu dhaafay... Those that interviewed him need a check up themselves. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 markii dambena orodkaa igaga daran ,,,, meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama hayo ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted November 3, 2009 ^The man needs help. He needs to see a doctor and get medications. Ninka waa in la baadi goobo inta aanu meelahaa ku lumin oo xabashi dilin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 Taasaa run ah ..... odayaashu waa inay soo qabtaa oo Dr. Gaboose u geeyaan sida ugu dhaqsaha badan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted November 3, 2009 Jabarti National Movement. Thats whats up. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 and he just made it up ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted November 3, 2009 ^^^^ Waryaa iska daaf ninka he has a right to dream. Greater Jabertiania is just a day away. Hey jacaylo congratulations on your signature:) you wrote more than one line and did not finish with..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 I'm glad you agree with my signature ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted November 3, 2009 What is there not to agree with it is a statement. Anyway you shall soon be shaken to the core by the JNM. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 3, 2009 The one led by ninka xanuunsanaya ?? , Quote Share this post Link to post Share on other sites