Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Mijiyahan Project Comes Back Again

Recommended Posts

Shirkada Magaceeda lagu sheegay Kuwait Energy oo Fadhigeedu yahay Dalka Kuwait ayaa la sheegay inay Dhawaan Toos uga Howl Galayso Buuraha Galbeedka Bari Gaar ahaan Buurta Majiyahan iyo Dhalan oo la sheegay inay Ku Jiraan Shidaal, Xogta ay Heshay warbaahinta ayaa intaasi ku daraysa in Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole Hawshaasi Toos u Saxeexay in la Fuliyo Baadhitaanka Buurahaasi.

 

Xogta aanu Helay ayaa Iftiiminaysa in Madaxayanhu uu Nov,25 [2010] u Boqoolayo Dalka Kuwait isaga uu Weheliyo Agaasimaha Shidaalka Ciise Dhoola-Waa.

 

War ayaa sheegaya in Hash iiska ay Fududaysay Shirkada Magaceeda lagu sheegay [ALJUBAIL GENERAL TRADING] taasi oo ay Madaxda Puntland xidhiidh Fiican oo qota dheer Leeyihiin.

 

Hashiis Hordhac ah oo Qarsoodi ah ayaa ka dhacay Dalka Yeman Gaar ahaan Sanca Markii uu Madaxwaynaha Puntland iyo Wafti uu Hogaaminayaa ay Boqdeen dalkaasi, Xarun ay Shirkadaasi ku Leedahay Dalka Yeman ayaa Hashiiska Bilowgiisa Furtay.

 

Warar dheeraad ah ayaa sheegay in Cali Cabdi Awaare oo ah Masuul in badan Xilal ka soo qabtay Puntland Marna ahaa La Taliyihii Raysal wasaarihii Dhacay ee Dr Cumar C/Rashiid uu qayb Wayn ku Leeyahay Baadhitaankaasi.

 

Siyaasi Cali Abdi Awaare ayaa ah Nin aad ugu xidhan Wadamada Carabta Gaar ahaan Emart-ka iyo Yeman isaga oo dadka qaarkiis Leeyihiin waa Nin Gacan Wayn ku leh imaanshaha Shirkadaasi baadhaysa Shidaalka.

 

Ilo Wareed muhiim ah ayaa *****lka ka qaadaya in Madaxwaynaha Puntland uu dhawaan Gaadhayo Dalka Kenya isaga oo uga soo Gudbaya Kuwait oo uu Marti Qaad Rasmi ah uu ka Haysto.

 

Shakhsiyaad ka soo Jeeda Gobolada Shidaalka Laga baadhayo ayaa la sheegay inay Badhitaarayaan Hashiiska Faroole iyo Shirkadaha Ajaanibka, Shakhsiyaadkaasi ayaa ah Kuwa in badan Ku Noolaa Kuwait oo ay xidhiidh Fiican Leeyihiin Masuuliyiinta Dalkaasi.

 

Buuraha Galbeedka Bari gaar ahaan Majiyahan ayaa dagaal Horay ugu dhexmaray Maamulkii kan hada Jooga ka Horeeyay ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Gen Cade Muuse Sanadkii 2005- ayaa Dawladu Qorshaysay inay Baadho Majiyahan hase ahaatee dadka deegaanka ayaa ka Biyo diiday Hashiiska Dawlada oo ahaa Mid aan wax badan laga Ogayn.

 

Saldhiga Qow iyo Xidhiidhka Energy.

 

Waxa Dhawaan Dekeda Bosaaso ka soo degay Qalab Gaadiid dagaal Hub iyo Cagaf Cagafyo kuwaasi oo loo soo daabulay dhanka Magaalada Qow ee Bosaaso kaga Beegan Dhanka Galbeedka.

 

Qalabkaasi waxa dadka qaarkiis ay Dawladu ugu Macnaysay inay Yihiin Shirkada Tababaraysa Budhcada Hase yeeshee waxay taasi Beenowday Markii la Arkay Shirkadii oo la soo degtay Qalabka Dhulka Lagu baadho sida Cagaf Cagafyo.

 

Gaadiid Dagaal oo Qiyaas ahaan lagu sheegay 35- Nooca qoryaha Dagaalka lgu xidho ayaa la sheegay inay Boosaaso kala soo degeen iyo ilaa 4- Gaadhi oo ah Nooca aan Xabadu ka dusin.

 

Shirkadaasi waxa Hor boode ka ah Nin lagu sheegay Magaciisa Bashiir C/laahi Saalax Deer kaasi oo qiray inay Tababarayaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka Kooban beelaha degan Gobolada Puntland

 

Dhismaha Qow

 

Mr Deer ayaa haysta Pasapoorka Dalka Austrelia halkaasi oo uu Mudo degenaa waxanay Cilaaqaad Fiican Leeyihiin Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

 

Xidhiidhka Shirkada Kuwait Energy iyo Tan Qow degtay ayaa aad loo hadal hayaa iyada oo ay macquul tahay inay Ciidamadan ay Yihiin kuwii dhanka Amaanka ka caawin laaha Shirkada Baadhitaanka Wada.

 

Hadii talaabadan ay qaado Dawladu waxa Cadaan Noqonaysa Warkii ahaa in Dagaalka Gal-Gala ee Dawladu ay ku Qaaday Bishii Juun ee Sanadkan uu ahaa mid salka ku haya Arimo Dhaqaale.

 

 

Source: Gal-gala news.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this