Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotels very own MP's ask him to resign

Recommended Posts

Muqdisho: “ Shariif waa in uu 24 saac gudahood uga tagaa Shaqada Dawladda KMG ah” Xildhibano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

18. november 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu baaqay in uu ka dago xilka Madaxweyne-nimada ee Soomaaliya, markii uu 48 saac gudahood uu dawladda KMG ah ka lumiyey taageerooyin balaaran oo ay ka haysatay shacab iyo Ururo diimeedyo jiray.

 

Xildhibaanada baarlamaanka oo shalay qaarkood wada hadalo yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aad uga xun yihiin Madaxweynaha dawladda KMG ah, hadaladii uu kula hadlay dawladda Puntland ee Soomaaliya & Culumada Ahlu Suna Waljameeca oo uu ku sheegay jamhad dagaal wada.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa loogu baaqay in uu si deg deg ah uga tago shaqada dawladda KMG ah, maadaama ay sheegeen Mudanayashaas ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in uu lumiyey taageerayaasha dawladda Soomaaliya, oo uusan waxba soo kordhin, waxa ayna ku sifeeeyeen nin aan dooneyn horumar ay gaarto dawladda Soomaaliya.

 

Xildhibaanadan ayaa horay saaxiib dhow ula Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna baarlamaanka Soomaaliya ka soo galeen dhinaca Isbaheysigii uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed, ayagoo ku sheegay in aysan wanaagsaneyn dabeecadii uu ku dhaqmayo madaxweynaha dawladda KMG ah.

 

Cabdi-Nuur Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Mudanayaashii dawladda kasoo galay dhinaca Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan u arkin Madaxweyne Shariif mid wax dhisaya, balse ay uarkaan mid wax duminaya, maadama uu saacadihii ugu dambeeyey lumiyey taageerayaal badan oo ay lahayd dawladda Soomaaliya.

 

Wasiirada iyo Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo horay uga carooday diidmadii Madaxweynaha dawladda KMG ah ee horumarka Puntland, ayaaba ka soo carooday hadalkii uu Shariif Sheekh Axmed uadeegsaday Ahlu Suna Waljameeca oo ayana shalay ku dhawaaqday in ay taageeradii kala laaban doonto dawladda Soomaaliya, hadii uusan arrintaasi raali galin ka bixin Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Baarlamaanka ayaa ku dhaliilaya Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed in uu ka bixi waayay Safaro dibad ah, isla markaasna uu habeenba wadan utagayo, taasoo hoos udhigtay waxqabadkii dawladda KMG ah, isla markaasna dhaqaale walba oo wax loogu qaban lahaa Shacabka Soomaaliyeed oo ku baxayo Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa oo maalin walba diyaarad usii saran dalal kala duwan, waxaana arrintan ay ku soo lab-laabatay Madaxweynaha dawladda KMG ah.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa xaalad culus ay soo wajahday markii uu afkiisa ku lumiyey taageerayaal, kuna sameystay cadaawad, isagoo ka careysiiyey Maamulka Somaliland & Ahlu Suna Waljamecah, halka ay dawladda Puntland ka biyo diiday qorshe uu watay Shariif Sheekh Axmed oo ahaa in aysan horumari gaari Karin, taasoo ay ka biyo diiday Puntland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo ugu baaqay Madaxweyne Shariif inuu is casilo

 

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay hadal Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu warbaahinta siiyay, kaasoo ahaa in Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ay yihiin Jabhad.

 

Xildhibaan C/Nuur Maxamed Xuseen ayaa sheegay hadalka Madaxweynaha uu ku gafay, isla markaana aanay mudneyn Ahlu Sunah Waljamaacah, isagoo sheegay in Madaxweynuhu uu lumiyay taageero ballaaran.

 

"Madaxweynaha waa in muddo 24-saac gudahood uu isku casilaa, kadib markii uu lumiyay taageerada Dowladda KMG"ayuu yiri Xildhibaan C/Nuur oo intaa ku daray in Madaxweynaha uu weeraray Ahlu Sunah Waljamaacah, Puntland iyo Maamulka Somaliland oo dhamaan hadaladaas ahaa mid kalsooni badan ku luntay.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu maroor saday awooda siyaasadeed ee dalka, waxaana uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay aad uga xun yihiin hadalada ka soo yeeray.

 

Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ee Gobolada Dhexe ayaa ka carooday hadal uu sii daayay Madaxweynaha, kaasoo ahaa in ay yihiin jabhad dagaal wada, waxaana ay ugu baaqeen inuu raali gelin deg deg ah ka bixiyo.

 

Si kastaba ha ahaatee Hadaladii uu Madaxweyne Shariif kula hadlay Somaliland iyo Ahlu Sunah ayaa waxaa ka soo baxaya mucaarado weyn, waxaana wali isa soo taraya jawaabaha kulul ee laga bixinayo.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is more funnier is this news.

 

 

Odayaasha Beelaha H oo Madaxda Dowalda KMG ugu baaqay Iscasilaad.

 

War asaxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Odayaasha Dhaqanka Beelaha H ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga Hadlay xaaladaha Dalka uu iminka ku sugan yahay iyo siyaasadaha Isdiidan ee dalka ka jirta .

 

Waxaana ay ku xuseen War saxaafadeedkooda jiritaanka Dowlada Iminka ka talisa dalkan iyo magaca dowlad nimo ee ay ku shaqeyso ay umada soomaaliyeed ka dhaxleen dhimaatooyinka Hubka noocyadooda kala duduwan ee ay ku tijaahiyeen sida ay hadalka u dhigeene ciidamada Nabad ilaalinta ee ay dalka Keentay Dowlado, waa Amisom.

 

Waxaa sidoo kale ku qornaa Warsaxaafadeedka ay soo saareen Odayaasha dhaqanka beelaha H in joogitaanka Masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada magaalada Muqdisho iyo marka ay ka dhoofayaan Airport-ka Muqdisho ay Shacabka isla Muqdisho ka dhaxleen dhimasho iyo dhibaatooyin halka ay wax u tari lahaayeen, taas oo ay ku macneeyeen in iliyada ay baxayaan masuuliyiintaasi in shacabka loo qeybiyo madaafiic waaweyn oo iyaga lagu difaacayo.

 

Waxaana ay sheegeen in arimahaasi hadii ay yihiin Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha ****** aanay u dilqaadan doonin islamarkaana ay ka dalbayaan amdaxda Sar sare ee Dowlada in gebi ahaanba ay iskaga degaan Xilka ay hayaan .

 

Waxay noqoneysaa dalabka iscasilaada Masuuliyiinta DKMG ee ka soo baxay Odayaasha Beelaha H Markii ugu horeysay oo ay ugu baaqaan Madaxweyne Shariif iyo Raiisul wasaarihiisa tan iyo intii ay xilka Qabteen.

 

Ugu dambeyntii lama oga waxa ay kaga jawaabi doonaan Madaxda Sar sare ee Dowlada hadalkan ka soo yeeray Odayaasha Beelaha H iyo in ay isaga aamusi doonaan.

 

Max’ed Xaaji Xasan Abuukar

SBC International Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Shariif Sheekh iyo Aaden Madoobe oo ka arinsanaya Ka jawaabida Eedaha loo jeedinayo.

18. november 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Afhayeenka baarlamaanka dawladdaas Aaden Maxamed Nuur ayaa wada hadalo ku leh Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, ayagoo ka arinsaya sida ay sheegayaan Warar Madax banaan xaaladaha dalka Soomaaliya & Jawaabta ay ka bixin lahaayeen eedaymo uga imaanaya Puntland, Somaliland iyo Ahlu Suna Waljameeca.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu yeeray Xaafiiskiisa Afhayeenka baarlamaanka KMG ah Aaden Maxamed Nuur, isagoo kala hadlaya xaalado Siyaasadeed oo mudooyinkii ugu dambeeyey hareerayay dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya.

 

Warar ku dhow dhow Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in uu aad uga carooday dhuulatusyo iyo hadalo kulul oo ay jeediyeen Madaxda Puntland ee golayaasha iyo Isimada Puntland oo ku sheegay in aan marnaba laga hor istaagi karin horumarkooda.

 

Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadaha nagu soo aadan qaban doona Shir jaraa'id oo looga hadlayo arrimahaasi, waxaana warar hoosaadyadu ay sheegayaan in bayaan ka soo baxaya Xaafiiskiisa uu aqrin doona Gudoomiyaha baarlamaanka Aaden Maxamed Nuur, oo lugu eedaynayay mudooyinkii ugu dambeeyey in uu gabay howlihisii.

 

Madaxweynaha dawladda KMG ah ayaa dhawaan wada hadal uu kula yeeshay magaalada Nayroobi Madaxda dawladda Puntland, waxa ay isku afgaran waayeen qodobo badan oo ku aadan xaaladaha Horumarineed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Shariif Sheekh Axmed ayaa ka biyo diiday barnaamijyo horumarineed oo ku wajahan xaaladaha Puntland.

 

Taasoo keentay in ay dad badan oo ku dhaqan Puntland ay aad uga soo horjeesteen go'aankii dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya, isla markaasna ay sheegeen in ay taageerada kala noqon doonaan dawladda KMG ah, ayagoo sheegay in aysan marnaba wax wada hadal ah ka galeyn horumarka Puntland.

 

Goor dhaw oo maanta ah ayaa lafilayaa in ay go'aamo ka soo baxaan Madaxda dawladda Faderaalka KMG ah ee dalka Soomaaliya, isla markaasna ay go'aamadoodu noqon doonaan kuwa taabanaya xaaladaha Puntland, Somaliland & Ahlu Suna Waljameecah.

 

F. C. Max'ed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this