Sign in to follow this  
Cige

Faysla waraabe: “Rayaale Kursi aanu lahayn ayuu Ilaahay fadhiisiyay hangoolkaas ayan

Recommended Posts

Cige   

Faysal Waraabe: 84-kii Cod Aniga ayaa u xalaaleeyay. Marrkaa waa nin Mas korsaday isaga malag.” :D

 

 

hadhwanaag 2008-10-11 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Wefti balaadhan oo ka tirsan Xisbiga UCID oo uu horkacayay Guddoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe iska hortaagtay in tagaan Gobolka Gabilay, halkaas oo ay u tagayeen in ay Xaflad la sii diyaariyay qalab Ciyaareed kala duwan ku gudoonsiiyaan kooxo Ciyaartaw reer Gabilay ah iyo sidoo kale in ay soo dhaweeyaan taageerayaal cusub oo ku soo biiri lahaa UCID.

 

Weftigan oo saaka subaxnimadii ka amba-baxay Caasimadda Hargeysa ayay Ciidamo lagu sii diyaariyay Kaantaroolka Caabudla oo ah halka uu ka bilaamo soonaha Gobolka Gabilay ayaa u diiday in ay uga gudbaan dhinaca Gabilay, isla markaana waxa uu weftigu ku soo laabtay Magaaladda Hargeysa oo uu markii hore ka baxay.

 

Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xgeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo warbaahinta la hadlayay ayaa talaabadan ku tilmaamay mid cabudhin ah, isla markaana xad gudub ku ah sharafta iyo karaamada dadka Gobolka dega iyo sidoo kale hanaanka dimuquraadiyada ee dalka ka jira.

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu arrintan lagu joojiyay socdaalkooda ku tilmaamay in ay tahay mid lala yaabo, isla markaana waxa uu u mahad-naqay Askarta wadada ka celiisay. “Arrintan maanta dhacday waa arrin layaab leh, Askartuna way mahadsan yihiin oo amar ayaa la siiyay. Waxaanay arrintaasi cadaynaysaa in Hogaanka maanta uu hayo wax aanu xaq u lahayn, macnaheedana garanayn. Markaa waxa weeyaan Daayeerkii Muraayada loo dhiibay ee kolba gees ka gashan jiray oo kale.” Sidaa ayuu yidhyi Faysal Cali Waraabe,

 

Waxaanu ku dooday Faysal Cali Waraabe in ay mustaq-balka wax ka bedali doonaan hanaankan hada dalka ka jira oo ay ka run sheegi doonaan UCID ahaan himilooyinkii loo soo dagaalamay, Guddoomiyuhu isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Umaynu dagaalamin in 20 qof ay cunaan cashuurtii dalka, umaynu dagaalamin in Carruurtayadu badda isku tuurto, ummaanu dagaalamin inaynu Cusbitaal wayno, umaynu dagaalamin in aynu abuurno 50 qof oo Taajiriin ah iyo Saddex Malyan oo dawarsanaya, ee waxaynu u dagaalanay in aynu cadaalad samayno, dal horumar leh samayno oo sharaftii aynu Geeska Afrika ku lahayn soo celino,”

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale doonayo in isaga iyo dalku israacaan. “Dalkii todoba sanno madax furasho ayaa loo haystay. Rayaale dalka wuu isku duuduubay, waxaanu leeyahay dalka na wada dila ama naga wada taga. Markaa waxaanu leenahay caqliga ina xukumaa waa kaa sidaa gartay, musharax Madaxweyne ayaan ahay waanu simanahay Rayaale, sannadkaana Baad anaa ku bixiyay ee Kulmiye muu ogolayn ee anaa idhi waar aan ku maslaxno yuu inaga bur-burine. 84-kii Cod Aniga ayaa u xalaaleeyay. Marrkaa waa nin Mas korsaday isaga malag.”

Sidoo kale, Faysal waxa uu sheegay in dalka ay ka jirto baahi iyo dayac balaadhan oo ah dhinacyada wadooyinka, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaanba wax qabadkii kale ee dadka iyo dalku u baahnaa in laga seexday oo musuq-maasuq ay caadaysatay dawladdu. “Madaxweyne Rayaale Kursi aanu lahayn ayuu Illaahay fadhiisiyay hangoolkaas ayaananu kaga soo qaadaynaa Insha Allaahu tacaalaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

 

Ninka amarku ka yimi waa Madaxweynaha, waa ninka Adhiga iibinaya, waa ninkaa Total Shiidaalkeedii shubaya, waa ninkaa Kaluumaysanaya ee meel walba galay ee dalka jawaanka wayn u soo toshay. Ayuu hadalkiisa sii raaciyaya oo uu yidhi Faysal Cali Waraabe . :rolleyes:

 

Guddoomiye Ku-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa ummada reer Somaliland in Xisbiga Daryeelka iyo Cadaaladda ee UCID oo ka mid ah saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland hawl-maalmeed uu maanta ka fulinayay Xaflad dhalinyaro oo garabka dhalinyarada Gabilay ku qabsanayeen Huteel-ka Askar ee Magaaladda Gabilay, halkaas oo ay dhalinyaro kale oo reer Gabilay ah oo Xisbiga ku soo biirayay lagu soo dhawaynayay.”

 

“Xafladaas oo ahayd mid hawl-maalmeedka Xisbiga ka mid ah Xisbiguna u gudbiyay maamulka Gobolka qoraal in Xafladaas oo sidaas u dhacaysa oo Kooxa Ciyaartow ahna aanu ku gudoonsiin lahayn qalab ciyaartaw oo Kubadihii iyo agabkii kale-ba.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Guddoomiye kuxigeenka UCID oo faah-faahinaya qaabka ay hawshu u dhacday, waxa uu yidhi, “Hawshu markay halkaa maraysay waxa dhacday in Maamulkii sare yidhi Gobolka ma soo gali kartaan. Halkan (Caabudla) waxa jooga Taliye Ku xigeenkii qaybta Booliska oo yidhi Gobolka Masoo gali karo Xisbiga UCID. Taasina waa wax aad iyo aad looga yaq-yaqsoodo, waxaana amarkaasi ka yimi Maamulka Sare, sababta oo ah Wasaaradda Arrimaha Guduhu way noo ogolaatay hawshaasi in ay Gobolka ka dhacdo, xalay 1:030-kii habeenimo markay ahayd ayaa la yidhi amar ayaa la soo rogay Madaxtooyada ka soo baxay oo la leeyahay ma tagi karaan Gabilay.”

 

Mr. Waqaf isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa la yaableh in Goboladii dadka qaar ka mid ah la yidhaahdo lama tagi karo. Anagu ma odhanayno Gobolkaasi hebe ama heblaayo iyo Xisbi hebel ayuu u xidhan yahay, waayo waxay ku tahay ceeb, karaama dil iyo sharaf-darro dadka Gobolka degan in la yidhaahdo cid ayay u xidhan yihiin, waayo saddexda Xisbiba way ka hawl-galaan, waanu ognahay in aan olole bilaamin ee hawsha Huteelada Hargeysa lagu qabto mid la mid ah ayaanu u soconay, cabudhintaasna Xisbigu ku niyad jabi maayo. Waxaanan u bandhigayaa ummada Somaliland maamul-xumada halkaa ka jirtaa waxa ay leedahay cid oo ay ku abtirsanaysaa.”

 

Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-janaale]

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland.

E-mail: Janaale94@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

“ Ninka amarku ka yimi waa Madaxweynaha, waa ninka Adhiga iibinaya, waa ninkaa Total Shiidaalkeedii shubaya, waa ninkaa Kaluumaysanaya
ee meel walba galay ee dalka jawaanka wayn u soo toshay.
Ayuu hadalkiisa sii raaciyaya oo uu yidhi Faysal Cali Waraabe .
[/b]

Loooooooool@Jawaan wayn u soo toshay. The man has a way with words though. I remember one time when Riyaale was coming to Westminster and he (Ina Waraabe) was in the crowds that was welcoming him.

 

I was carrying a large video camera, coming from an interview with some politician in the city when we (I and a friend) stumbled on the melee . So we thought we'll record it 'cause my friend's insistance. Soon as the Cam was on, the only thing that could come out of Ina Waraabe's mouth was ' F*q*shtii this and that...we are secceding from them f*****s'.

 

I just couldn't hold back my laughter lool. So I laughed and Ina Waraabe looked spooked. Later he was asking 'waar horta kuwan yaryari yey ahaayeen?' smile.gif That was after I decided to escape these flag waving landers lol.

 

I think my friend still has that video ... he was furious smile.gif . Marka Ina Waraabe 'theatrix-ka' ayuu ku dheereeyaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this