Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Barre Hiiraale iyo Qanyare oo turubkii ku wada heshiinwaayay

Recommended Posts

waraada ilafiiriyaa sheekadaan its funny lol

 

Warar aan ka hellay Xarunta Madaxtooyada ee dawladda ku Meelgaarka ah ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu Dagaal markii hore ka billawday muran xagga afka ah kadibna isu badalay gacan ka hadal uu dhax maray Maxamad Qanyare Ex Qabqable wasiirkii hore ee Amniga Qaranka iyo Barre Hiiraala oo ah qabqablihii katalin jiray Kismaayo ka hor intayn Xoogagga Maxkamada Islaamigu ka cayrin ahna wasiirka difaaca Dawladda Embagathi ee Taagta daran.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in muranka labadan nin uu ka dhax dhacay guriga ra'iisal wasaare Geeddi, halkaas oo uu mudane Qanyare hore ugu sii noolaa qol yar oo u dhaw halka ay daggan yahiin istaafka Geeddi, isla meeshaas oo Qaqable Barre Hiiraale isagana lagu soo dhaweeyay isla qolkaas, arintaas oo aad uga xanaajisay Mr. Qanyare dhalisayna muran u dahacay sidan:

 

Q.Ar hooy adna xaad ka soo jirisay mahaan?

 

B.war guriga ma adaa leh, ba'aa

 

Q. Ar magaalada waa wayn tahay, guri ka raadso, ma inaa neefta nagu xirtaa doonaydaa?

 

B. Oo adigu wali ma sidii baa u afxun tahay, ma waansamin miyaa?

 

Q. Xaa ku galshay afxumadeeyda, qurunyohow cayaala suuqa ah

 

Intaas ka dib ayaa waxaa billawday gacan qaad la sheegay in uu aad u kululaa socdayna daqiiqado, wararku waxay in taa ku darayaan in uu dagaalka ku yara gacan sarreeyay mudane Qanyare oo bilahan dambe ka nastay looltanka xagga siyaasadda iyo Barre oo la sheegay in daal iyo diif aad u badani ka muuqatay ka dib markuu dagaal faraha lagaga gubtay ay ugu itaal sheegteen xoogagga maxaakiimta Islaamiga duleedka magaalada Buaale meesha la yiraahdo Dujuuma 25/10/2006.

 

Isku soo wada duuboo soomaalida horey waxay ku maahmaahday "Dawarsato dariiqay ku collowdaa." Barre iyo Qanyare oo in badan ku noolaa lacago ay ku heleen xaaran iyo xaqir ayaa la sheegayaa in ay maanta dani ku khasabtay darsada Geeddi. Dawladda kumeelgaarka ah ayaa noqotay hoyga Qabqablayaasha ayada oo magan galyo iyo marti galinba siisa Isbaaralayda laga tabar roonaaday( Santuary and save haven for somali warlords ).

 

Iyadoo isla mar ahaantaana wali quudaraynaysa in loo aqoonsado Dawlad

Soomaaliyeed, laakiin miyaysan xasuusnayn Murtidii Soomaaliyeed ee odhanaysay "intaad saamaha jiiddaad, tiraa suuldhabahaygiyo sanqadha yaan la dareemin". Waxaana aad u sii fogaanaysa rajada laga qabo in shacabka soomaaliyeed ay u aqoonsadaan in dawladda Baydhabo ay tahay dawlad Somaaliyeed maadaama ay mar walba ku kacaan falal xun-xun oo sabab u noqon kara in aan la aaminin.

 

 

Qore Cirjiir Ibrahim,

Godeynews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this