Sign in to follow this  
Juje

President Sharif's Press Conference

Recommended Posts

Juje   

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Nairobi.

 

Shariif.jpg

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Nairobi iyo waxyaabihii Hillary Clinton ay u balan qaaday dowladda KMG ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta duhurkii shirjaraa’iid uu kaga war bixinayay safarkii uu dhawaan ku tagay Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya kulamo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu kula yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya,Wasiirka ganacsiga Angola,Wasiirada difaaca Burundi iyo Ugandha oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya safiirka AMISOM u fadhiya Nairobi Neklos Buwakiira Safiirada reer Yurub ee ku sugan Nairobi iyo Xoghaya arrimaha dibadda ee Wadanka Maraukanka Hilary Clinton kuwaasi oo uu sheegay in uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya islamarkaana uu ka codsaday in wax loo qabto dadka qaxootiga ah ee ku dhibaataysan dalka dibadiisa.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sidoo kale markale ku celiyay in dalka Soomaaliya ay ku soo duushay Alqaacida sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda dowladiisa in ay hubka dhigaan wadahadalna u soo jeestaan sida uu tilmaamay.

Shirkan jaraa’iid ee uu maanta qabtay Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmo ka hor uu Madaxweynaha uu kayimid dalka Kenya halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Wadama farabadan oo uu kamid yahay Wadanka Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this