Sign in to follow this  
General Duke

Somalias top leaders hold meeting on Baidoa security..

Recommended Posts

Baydhabo: Saddexda masuul ee ugu saraysa dawladda oo markii ugu horaysay kulan muhiim ah ka yeeshay ammaanka Baydhabo

- Thursday, April 13, 2006 at 15:41

 

Baydhabo(AllPuntland)- Kulan saddex geesood ah oo ay kawada qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa dawladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo.

 

Kulankan ayaa looga hadlayay ammaanka magaalada Baydhabo iyo arin soo cusboonaatay maalmihii ugu danbaysay oo ku aadan ammaanka magaalada Baydhabo oo khal khal ay ku hayeen kooxo hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan.

 

Madaxwayne Yuusuf ayaa sheegay in amniga magaalada Baydhabo laga dareemay maalmihii ugu danbeeyay khal khal ay ku hayeen malleeshiyaad ahaa kuwii magaalada horay u joogi jiray oo dib ugu soo laabtay markii mar laga saaray, wuxuuna ku wargaliyay beelaha Digil iyo Mirifle masuuliyiintooda ku jira dawladda inay hawshoodii gabeen oo loo baahnaa inay amniga magaalada hantaan maadaama ay ayagu marti galiyeen dawladda.

 

C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Baydhabo uu ku xiran yahay sumcadda gobolka iyo dadkaba , loona baahan yahay inay ammaanka gacan ku qabtaan , maamulna u sameeyaan gobolka Baay.

 

Guddiga Nabad galyada ,iyo odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle oo kulanka kala qayb galay madaxda dawladda ugu saraysa ayuu madaxwayne Yuusuf u sheegay inaysan malleeshiyaad magaalada qasi karin ayagoo daawanaya.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa qiray in ammaanku xumaa maalmihii ugu danbeeyay kadib markii magaalada Baydhabo ay kusoo qamaameen kooxo horay looga saaray, hase ahaatee Shariif Xasan wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo ciidamadaasi looga saarayo magaalada.

 

Shariif Xasan wuxuu soo dhaweeyay in magaalada Baydhabo loo sameeyo maamul buuxa ,oo gacanta ku qabta ammaanka Baydhabo , cidna aan uga haybaysan khal khal galinta ammaankeeda.

 

Raysulwasaare Geeddi oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa asaguna sheegay in magaalada Baydhabo waxyaabihii loo xushay ay kamid ahayd inay awood u leedahay inay marti galiso dawladda , loogana baahan yahay arintaasi inay rumowdo oo ammaanka magaalada gacan adag lagu qabto.

 

Kulankan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee muddooyinkan laga yeesho ammaanka magaalada Baydhabo.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAIDOA NEEDS ALOT OF WORK, IT'S LIKE A NO MAN LAND. THE PRESIDENT DON'T FEEL SAFE THERE I HEARD SO HE GIVE THE BAIDOA CITY LEADER 15 TO COME UP WITH AN ADMINSTRATION.I THINK THAT GREAT WHAT YOUR TAKE General Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Key discussion on security happens in Baidoa southwest Somalia

Baidoa 13 April, 06 ( Sh.M.Network) A discussion on Baidoa town security attended by the three top officials of Somali transitional federal government and members of the local Digil and Mirifle clans has taken place in the town on Thursday. The meeting which lasted for several hours and attended by Somali president Abdulahi Yusuf, premier Ali Gedi, speaker of parliament Sharif Hassan Sheik Adan and other members of Digil and Mirifle tribes was to focus on the insecurity in the town which has worsened for the past days.

Local clan chiefs, elders and religious men spoke at the session about the insecurity situation in Bay region and the easiest way to control it.

In an address at the meeting Somali president Abdulahi Yusuf Ahmed acknowledged for the first time that the security in Baidoa town got worsened expressing the need for establishing the security.

 

Mr Yusuf blamed the town’s insecurity on government members of Digil and Mirifle clans who were reluctant on bringing peace in the city.

 

President Yusuf, talked about the importance to have an administration for Baidoa town which is a seat of TFG, urging leaders of Digil and Mirifle in the government to form quickly administration.

 

"if you fail to forming administration for your region it would prompt that we make interfere into set up authority for you " he said to the officials of Digil and Mirifle clans.

 

Speaker of Somali parliament Sharif Hassan Sheikh Adan who was also spoken at the meeting narrated about the efforts of RRA members in the government towards the securing the town, saying that yesterday’s meeting of Digil and Mirifle officials have been agreed on building administration in Baidoa.

 

M.A.Farah

 

Source: Sh.M.Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this