Sign in to follow this  
General Duke

Government support growing in Mogadishu: detailed report+ Jeeri iyo Qubanaha maanta

Recommended Posts

SHACABKA MUQDISHO OO SOO DHOWEEYAY GO'AANADII BAARLAMAANKA SOOMAALIYA IYO ANSIXINTII CIIDAMO U SOO DIRISTA SOOMAALIYA EE MIDOWGA AFRIKA [Warbixin dheer]

 

jab_1.gif

 

Somaliweyn report

 

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia - 15/05/05

 

Muddo bil iyo maalmo ah ayaa ka soo wareegatay markii hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday ay u soo caroodeen magaalada Muqdisho oo xarun u ahayd, iyagoo markii ay yimaadeena Warbaahinta ka sheegay hadalo laga dareemi karo inay xanaaq iyo wax aanay raalli ka ahayn ay kala kulmeen madaxda iyaga ka sareysa, sida Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, taasoo rajo xumo ku sii abuurtay miradhalka Xukuumada Federaalka iyo sida ay awood ugu yeelan karto guud ahaan wadanka oo dhan shacabka Muqdisho oo markii horeba ay afduubka ku heysteen.

 

Wasiirada Ganacsiga, Dib u dhiska, Ammaanka iyo hub ka dhigista iyo maleeshiyooyinka iyo waliba Xildhibaano dhowr ah oo iyana magaalada Nairobi uga soo tegay mucaaradnimo soo jireen ah oo ay u qabaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa hore u soo raacay, kuwaasoo fariisin KMG ah ka dhigtay xaruntii Xisbiga ayaa shirar u socday muddo bil ku dhow kaddib maanta soo saaray go'aano ay ka mid yihiin:

 

1 Inay xareynayaan maleeshiyooyinka hoos yimaada.

 

2 Inay dibadda magaalada uga saarayaan maleeshiyooyinka iyo hubka ay heystaan, isla markaana xerooyin gaar ah ku ururinayaan.

 

3 In goobaha ay isbaarooyinku ka yaalaan magaalada Muqdisho ka qaadi doonaan iyo qodobo kale.

 

Mid ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo Muqdisho degan isla markaana magaciisa qariyay sababo ammaankiisa la xiriira darteed ayaa weriye ka tirsan Shabakadda Somaliweyn mar uu uga waramayay ololahan ay wadaan Wasiirada ka fallaagoobay Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya horena u ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ku dagaalamayay Muqdisho waxa uu sheegay in marka hore ay tallaabadani tahay mid laab la kac ah oo ku dhalisay hoggaamiyeyaashan markii laga hor yimid inay iyagu u meyriyaan tallaabada ay qaadayaan madaxda iyaga ka sareysa, taasina ay keentay inay u midoobaan sidii ay afka dhulka ugu gelin lahaayeen Xukuumada cusub haddii ay dalka timaado gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

"In kasta oo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho si aad ah uga dheregsan yihiin halka u dambeyn doonta ololaha ay ku xiiqeen hogaamiyeyaasha sida ay ku sheegeen inay ku nabadeynayaan caasimada Muqdisho, ayaa waxaan shacbiga kale ee ku dhaqan Caalamka waxaan u caddeyneynaa haddii aanu nahay aqoonyahanadii Muqdisho in shacabkeenu maanta u baahan yahay gargaar dhinaca nabadgelyada in lagu taageero Xukuumada Federaalka iyo sidii ay Muqdisho ku imaan lahayd, waxaana shacabka Soomaaliyeed kuwooda maskaxda laga qaldayo u sheegayaa inuu dhammaaday xilligii qabiil iyo qof jecleysi lagu dhaqmi jiray, loona soo jeestay in dib loo soo celiyo Qaranimadii iyo kala dambeyntii lagu yaqiinay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, KURSIGA NAMA DEEQEE CADAALADU HANA DEEQDO!" ayuu yiri Aqoonyahankaasi oo aan weydiiyay su'aal ku saasaneyd waxyaabaha ku kalifay inuu ka hor dhaco dadaalka ay guda galeen hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday.

 

"Waxaan aaminsanahay in 85-Tikniko ah oo ay hoggaamiyeyaashani iska soo ururiyeen aanay waxba ka qaban karin sugida ammaanka caasimada, waayo hoggaamiyeyaashan dantu mideysay waxay ku heshiin waayeen inay caasimada maamul u sameeyaan, waana sababta keentay in madaxda sare ee Xukuumada Federaalka ay runta indhaha ka saaraan hoggaamiyeyaashan waxayna baraarugeen markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf caddeeyay inaanu caasimada tageynin, isla markaana Xukuumadiisu aanay megen u noqoneyn maleeshiyooyinka beelaha, sidaas darteedna ay taageeraan go'aanka dalka lagu keenayo Ciidamo Afrikaan ah oo Xukuumada kala qeyb qaata fulinta qorsheyaasheeda kala duwan, taasna sida muuqata hoggaamiyeyaashani ma doonayaan, waayo haddii Ciidamo Afrikaan ahi dalka yimaadaan waxaa dariishada ka baxaya gorgortan dhinaca awooda ah oo ay la geli lahaayeen Xukuumada iyo Isbaarooyinkii kharashka faraha badan ka soo geli jiray oo isna Ciidamadani cagta marinayaan" ayuu sii raaciyay Aqoonyahankan.

 

Dhinaca kale inkasta oo qodobada ay ka soo saareen kulamadii baryahan u socday hoggaamiye kooxeedyadaasi aanay weli ficil u bedelin oo weli ku eg uun afka baarkiisa, ayaa hadana dadweynaha Muqdisho waxay arrintan ka bixiyeen fikrado dhowr ah, halka qaarkood ay kaba quusteen in hoggaamiyeyaashan ay u horseedaan tallaabo badbaado u noqon karta inta ka hartay gumucyada rasaastii ay isla dhacayeen muddo ka badan 13-sanadood, sidaas oo ay tahayna fikradaha labada dhinac ee shacabka ayaa iyagu marka loo eego kuugu muuqanaya kuwo isku dhow.

 

Labada dhinac ayaa mida hore fikradeeda ay ololahan ka socda Muqdisho ka aaminsan inay tahay dagaal siyaasadeed oo hoggaamiyeyaashan dantu bidday inay u boolo xoofteeyaan dadka reer Muqdisho ee niyad jabka iyo rajo xumada deriska u noqday iyo waliba inay qaldaan indhaha beesha Caalamkaka, mar haddii ay iyagu yihiin kuwa caqabada ku ah helitaanka Qaranimadii luntay ee Soomaaliya, xasiloonida iyo kala dambeynta ayna tahay wax iska cad in hoggaamiye kooxeedyadan iyo kuwo kale oo iyana baryahan afkooda ka dhowrsan waayay inay habeen iyo maalin ka dacaayadeeyaan FM-yada danaha gaar ahaaneed loo abuuray, walow inta badan Idaacadahaasi ay Mashruucooda gaarka ah ku soo darsadeen maalmahan inay buunbuuniyaan kooxaha fara ku tiriska ah ee ka soo horjeeda dib u soo celinta Qaranimadii Soomaaliyeed, waxaana la oran karaa dantoodu waaa isku mid kooxahan iyo kuwa milkida u leh Idaacadahan.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee dadka Muqdisho kuwodaa rajo xumada iyo quusta ka muujiyay dadaalada hoggaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muqdisho ayaa salka uga dhigaya sida ay buuq la'aan macquulka ku noqon karto haddiiba ay kooxahani dhab ka tahay hadaladooda sida ay caasimada Muqdisho uga fulin karaan howshan baaxada leh, mar haddii heshiiska ay qolka u soo xirteen uu iyaga ku kooban yahay, isla markaana aan laga qeyb gelin dhinacyada Xuseen Caydiid, Bashiir Raage, C/qaadir Beebe iyo maleeshiyooyin beeleedyo dhowr xarun isbaaro ku leh Muqdisho, waxayna dadka u kuur gala arrimaha siyaasadeed ay tallaabada hoggaamiye kooxeedyadan ku tilmaameen inay tahay mid aan loo fadhin.

 

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dadka reer Muqdisho welwelka iyo rajo xumada ay ku beereen qabqablayaasha Wasiirada noqday waxaa u barbar socday isla markaana rajo xumadaas ay qabeen ka difaacayay sida ay u soo dhoweeyeen uguna farxeen go'aankii Golaha Baarlamaanku ku gaaray labada qodob oo muhiim u ah Xukuumada Federaalka iyo dib u soo celinta Qaranimadii Soomaaliyeed kuwaasoo kala ahaa: In dalka la keeno Ciidamo 1700 Askari gaaraya kana socda dalalka Suudaan iyo Uganda iyo go'aankii kale ee Midowga Afrika ku ansixiyay kuna ogolaaday in Soomaaliya loo diro Ciidamadaasi, iyadoo wax ka yar 24-saac gudahood markii uu soo baxay go'aankii Baarlamaanka ay si aad ah u soo dhoweeyeen dadweynaha Muqdisho, waxaana mar aan la kulmay Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale [Koogaar] oo Guddoomiye u ah Golaha isku xirka bulshada iyo shacabka G/Banaadir si weyna looga yaqaan dalka uu ii sheegay in markii ay maqleen ay shacabku si aad ah ugu farxeen, taasoo uu sheegay inay shacabka Gobolka Banaadir sameyn doonaan bannaanbaxyo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin tallaabada horumarka leh ee ay hore u qaadeen labada Gole ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

 

Waxaa kale oo jirta iyana doodo kale oo ka imaanaya dhinacyada bulshada ku dhaqan G/Banaadir kuna saabsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xasan Sh. Aadan ku gooni yeelay inuu bannaanka ka istaago isla markaana ka caado yeesho inuu had iyo goor ka dhega adeygo dalabyada ka imaanaya Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ee looga baahdo inuu Baarlamaanku fuliyo howshiisa, hase yeeshee dooda arrintan ayaa isugu soo biyo shubatay inay shacabka Gobolka Banaadir yiraahdaan "Barasho wanaagsan Md.Shariif", oo markoodii hore u heysteen inuu labada Gole dhexdhexaad ka yahay, hase yeeshee ay cadaatay inuu dhinac u batay, markii loo fiiriyo tallaabooyin hore oo Shariifka taariikhda u galay, hase yeeshee ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho waxay si ka sii daran markii ay soo dhoweynayeen Ra'iisal Wasaarahooda u soo dhoweyn doonaan marka ay Xukuumadu u soo guurto caasimada dalka iyo imaatinka Ciidamada Afrikaanka ah, halka ay fareejada dhinaca kale u shidan doonaan kooxaha tirada yar ee baryahan ku owr kacsanaya heybta qabiil iyo inay maqaarka meelo daloola ka fiiriyaan halka ay ku jirto maslaxada arrimaha Soomaaliya.

 

 

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

 

jabriil@journalist.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jeeri iyo Qubanaha maanta; AAMIIN DHAHA DADWEYNOW !! iyo Sheekaysigii oday Nuur iyo adeer Axmed

- Sunday, May 08, 2005 at 22:52

 

AAMIIN DHAHA DADWEYNOW !!

 

Allow kuwii fursadii u dambeysay ee Federaalka ka faa’iideysta naga yeel…Aamiin.

 

Allow madaxda cusub ee Soomaalida kuwii Kitaabka ay ku dhaarteen ka dhabeeya ka yeel… Aamiin.

 

Allow dagaal oogayaashii hore ee hadda darajada helay kuwii daacadda ku dadaala ka yeel… Aamiin.

 

Allow shuushka iyo shakiga yar ee ka dhex jira labada Gole shafaacullaahi ka yeel… Aamiin.

 

Allow inta yar ee nabadda iyo nidaamka diidan kuwo naga qabta noo keen… Aamiin.

 

Allow beledka burburay ee Baadiyaha noqday bilicdiisa soo celi… Aamiin.

 

Allow intii qaxday ee qurbaha qaxootiga ku ah qoomki soo laabta ka yeel… Aamiin.

 

Allow hooyadii fanka iyo hanuuniyeyaashii Heegan ay dib noogu heesaan… Aamiin.

 

Allow Booliski budka sitay iyo bakooradihii barxaddii Yoobsan dib noogu soo celi… Aamiin.

 

Allow Jardiinki Jubba iyo jiifkii Curuba dib loo joojiyaa… Aamiin.

 

Allow Raadiyadan iska reed hadlaa hal run sheega nooga soo reeb… Aamiin.

 

Allow Maxkamado Garsoor iyo Markaatiyaal mudaca dib noogu soo celi… Aamiin.

 

Allow Xildhibaanada xafaarowga iyo xariiftanka ka xalaaley… Aamiin.

 

Allow Dunida iyo deriski noo dadaalay kuwi darajeeya naga yeel… Aamiin.

 

Allow Soomaalida silaca iyo seefta lagu sur goynayo saldanadoodii soo celi… Aamiin.

 

Allow Soomaalida soohdimaheeda sunta lagu shubaayo sharci ka ilaaliya noo sahal… Aamiin.

 

Allow adduunyiyo aakhiradeenaba noo gargaar… Aamiin.

 

ODAY NUUR IYO ADEER AXMED (Tuugti isbaarada u tiil…waa tashteen waana soo tageen)

 

Oday Nuur: Haye, Adeer Axmed ahaa ma nabadaa kuma lihiye xey tahay tuutahaan cadaaday ood soo gashatay?

 

Adeer Axmed: Tuutahaan waa astaanta heeganka ahe loo gelaayo nabadeynta Muqdisho.

 

Oday Nuur: Yaaya, ma nabadeynta Muqdisho oo isbaarooyin iyo dhaca ku soo badaayaanaa heegan loo gelaa.

 

Adeer Axmed: In howsha adag loo guntado iyo waliba daafaca Qaranka weeye in heegan loo galo oo loo halgamo.

 

Oday Nuur: Ma dowladda Muqdisho u soo socotaa caasimada laga difaacaa?

 

Adeer Axmed: Yaa…war waad ogtahay in xubnaha labada Gole ay magacaabeen 25-xubnood oo u gogol xaara nabadeynta caasimada.

 

Oday Nuur: Horta Istaadiyo Muqdisho iyo xarunta Xisbiga 12-ka April ma maalinta xooga dalkaa lagu xusaayay mise dhoolatuska hoggaamiyeyaasha Muqdisho tiknikada ku lahaa ka jiray?

 

Adeer Axmed: Haa, oo waliba waxaa lagu shirbay: Taageerayaashi heer Tigree…Waa tunteen waana toosiseen.

 

Oday Nuur: Dhinaca Safari Barkina waxaa looga shirbay: Tuugti Isbaarada u tiil…Waa tashteen waana soo tageen.

 

Adeer Axmed: Ka gudube waa maxay Ciidanka heeganka ee geeska Afrika?

 

Oday Nuur: Kuwaas Bishan dhexdeedaa arkeysaahe iiga waran dagaalada Gaalkacyaad ka war heysaahe?.

 

Adeer Axmed: Xabbad joojin baa lagu baaqay iyo in dagaalada la joojiyee mala socotaa in Ciidamada Dooxada Jubba heegan la geliyay?

 

Oday Nuur: Dooxada Jubba xoog uma helee ma fiirseysay ciyaarihtii dhex martay Chelse iyo liverpol?

 

Adeer Axmed: Chelse iyo liverpol-na waa maxay?

 

Oday Nuur: Meeqa sanaan wax baro ku lahaay, boobka iyo dhaca sii socomaayee iska jir Kaduudiyaha, jeebkana ha kuugu jirto dhowr Kun oo Gaari gacan kugu qaado.

 

 

Maxamed Xasan Jeeri

 

jeerigaarweyn@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

You seem to be enjoying or rather celebrating. What? I'm curious but enjoy it while it lasts.

 

Anyhow I'll make sure that I visit your adeero been a long time since I've seen him.Who knows I'm might fill Sharif's position :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I am enjoying what? Two articles you dont like and you mention my adeero, whats that all about. Have you anyhting to say about the articles, did you find them amusing or thought provoking were they any good?

 

Just posting any old nonsence wont do, dear as for my uncle he is the President of Somalia now you cannot just visit kapish ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D:D How do you know that your so called uncle is not mine too...so chill bro

 

And what makes you think i don't like your articles..cajiib.To answer your question I find them amusing just like all the rest of the stuff u post

 

About visiting him..lool.Thats all I can say about it because anything more will reveal my identity and I wouldn't want to do that ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Indeed we are going around in circles. Keep your identity not interested really ;)

 

As for the post what did you think of it? The first one about Mogadishu was quite interesting it blows away the myth that the people of Xamar are against the government and the parliment decesion with regards to troop deployment.

 

Whats your say on that or did you mistake this place for the general section :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The first article confirms what we all already thought ie the people want government but the warlords are in their way, unfortunately they have no power.

 

The second article is funny especially the dialogue kind of like the book 'Kaftandhable'

 

That should answer your question.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

general duke, u are aware that contraflow is a lady right?

 

than come on man, make ur move sxb! just look at the funny conversation between you two. hahaha damn icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed I know she is a sister brother Sky. I once mistook her for Jumatutu hiding under another name, learned from that mistake. :D

 

As for making moves, I wont get in your way ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

People of Mogadishu expressed today their view towards the rift in the government. If thousands of people had welcomed Shariif today ( which they didn’t do) that would mean most of reer Mogadishu supported the Shariif and his crew but it was also clear today that the people of Mogadishu by this I mean the majority of reer Mogadishu support Somali prime-minister Geedi even the warlords media tried to convince us that shariif’s visit to Mogadishu was a success but let be once honest with each other I was expecting a bigger welcome than the previous one in February actually I was expecting the biggest welcome of any official the last 20 year in Somalia it would had been the biggest day of shariif’s live but it ended ........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this