Sign in to follow this  
Saxardiid

IYADOON DADKA LEYSKU DILAN SOMALILAND HA LA BAABIIYO

Recommended Posts

IYADOON DADKA LEYSKU DILAN SOMALILAND HA LA BAABIIYO

 

Waxa cad in rag dalka somaliland ka taliyaa ayna jeclayn jiritaankeeda. Waxa iyana xaqiiq ah inaan dadweynahu dhankii loo eryaba u yaaci doonaan. Riyaale rag doortay iskamay dooran ee waa xeelad hoose oo lagu burburinaayo dalka. Bal isweydiiyo maxaa Riyaale, uu geeridii Cigaal laba wiig dabadeed ugu kacay Jabuuti. Maxuu ka keenay. Maxaa soo Celiyey Qaybe, Maxaa uu u dhoofay Cabdiqadir Jirde isagoo Jaamacad ka galay dalkan Ingiriiska.

 

Maxaa Ismaaciil ****** iyo Cawil wasiirada ugu culus ka dhigay. Maxay afkooda xumaha uga dhowri waayaan. Sow markay hadlaanba arinku ma aha isku *** beelaad iyo mid xisbi.

 

Maxaa UDUB ka dhigay ragii shalayto u ololaynaayey Somaliweyn. Maxaa Cismaan Kalluun soo ceshay, maxuu ula kulmay Qaybe.

 

Maxaa maxkamadda sare u dhiibay ninka shallayto ka tirsanaa maamulka Cabdillahi Yuusuf. Maxaa taliyaha biliiska ka dhigay nin ka tirsanaa Kooxda Carta.

 

Maxaa dilalka dalka ka dhacay cid uun loogu xukumi waayey.

 

Ma ogtahay in afhayeenka Suldaamada Koonfur u olaleeya ay Ismaaciil ****** horyowalaal yihiin, sidoo kale ma ogtahay in Cabdiqadir Jirde isna la horyowalaal yahay labadooda. Ma ogtahay in Qaybe iyo Cawil ilmaabti yihiin.M aogtahay in Wasiirka debedda Edna ay haysato jinsiyadda Jabuuti, kuna degto guriga madaxweyne.

Ma ogtahay in Riyaale iyo Geele ay isu abti yihiin. Ma ogtahay in afada Riyaale uu bti u yahay Wasiiska Hawlaha Guud ee Jabuuti.

a ogtahay in saanad iyo lacag la siiyey Cadde Muuse ay toos ugu gacan gashay Cabdillahi Yuusuf.

 

Ma ogtahay in Riyaale lacagta dawladda cidii uu doono siiyo bilaa xisaab. Ma ogtahay in la baabiiyey Hayada Hantidhowrka.

 

Maxaa loo eryey Taliyaashii ciidamada: Xasan Yoonis iyo Cabdisamed. Yaa lagu bedelay....Ma kula tahay iyadoo Laascanood lagu duulaayo in Abaanduulaha Ciidan noqdo nin degaankaas ka soo jeeda.

 

Hadaba aragti gaaban aan ku koobi waxa socda:

 

Arrinku waa Somaliland dab ha laga sudho meel kasta, ha kala cararto deedna IYADOON TASHAN HA KU DHACDO DABIN QORSHAYSAN.

Jabuuti waa u diyaar inay si hawl yar ku qabsato Saylac oy wax badan sheegatay.Riyaalena waa u diyaar inuu Boorame ciidan xoogan ku daafaco. Hadday hawshi si kale u dhacdo, maxaa ******** u diiday inay la bahowdo Jabuuti, sida Laas. ay ula bahowday Puntland.

 

Waa shax irmaan....dadkan wax yarbaa garanaaya...Haddaba intaan la burburin ee xoog la yahay dadku ha tashado. Dawladda maanta jirta waa mid meel waliba dhaamayso. Bal akhriso warbixinta Bankiga Adduunka. oo eeg sida Xamar oo dagaal maalin walba ka socdaa uga hormarsantay Hargeysa... Bal eeg inta Idaacad hor ah ka furan...bal u fiirso xakamaynta saxaafadda.

 

Waar amba dawlad tayo leh ha la helo, amba intaynaan burburin aan tashano.

 

 

Ahmed Mohamed Abdi

ahmedsomali1960@yahoo.co.uk

 

 

click here for full artical

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haaruun   

Waligaaba, XIN IYO XAASID badanaa. SomaliLand wey jireysaa, makarfoon qaado ama joornaalkasta ku soo qor....Yaase baabiin kara?..Is marji hee :mad: :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nasir   

This is a joke sxb no matter what you say somaliland is here to stay , so wakhtiga ha iska lumin oo ma ogtahay ha ku waalan waan ognay waan lasoconaa wana ku tageersanay

 

somaliland diidow

nafta waa

viva sl

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haaruun

Waligaaba, XIN IYO XAASID badanaa. SomaliLand wey jireysaa, makarfoon qaado ama joornaalkasta ku soo qor....Yaase baabiin kara?..Is marji hee

Not at all. why you think i'm xaasid iyo xin. This artical is written by somalilander who is very worried about the current political situation in somaliland. so accusation doesn't get you no where but try to respont the contents of the artical.

 

nasir

This is a joke sxb no matter what you say somaliland is here to stay , so wakhtiga ha iska lumin oo ma ogtahay ha ku waalan waan ognay waan lasoconaa wana ku tageersanay

sxb i must congrutulalte you for this post as you didn't put any offencive words. comeon sxb if you know all those things and accept them its good for you but others may disagree with you like the auther and may need more answers.

 

Both of you please click the link and check its authenticity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this