Sign in to follow this  
Liibaan

INDHACDE OO HANDADAY DADKII MUQDISHO

Recommended Posts

Liibaan   

INDHACDE OO HANDADAY DADKII MUQDISHO

 

 

dhawaan waxaa idaacada horn afrik barnamijkeeda qormada ku casuumeen

dagaal ooge indhacade oo ah ninka xooga ku haysta G/SH/HOOSE,isla markaana ciidankiisa biliqaysteen degmada jowhar iyo balacad.

 

dadkii barnamijka soo wacay markii khatka telfoonka loo furay ayuu qaarkood ku handaday inay joogin xamar iyo inay yihiin dad world lords ah maadama isaga ka soo horjeedaan.

 

waxaa dhacday in horn afrik ku jartay khadka gabar somaliyeed oo ka soo hadlaysay xafadda madiina markii ay hadalkeeda ku biloowday "[ waxaan ka codsanyaa madaxwaynha iyo DFKS '] ayaa khadkii lagu jaray.

 

indhacade oo aad uga carooday in uu ka baxao dhulka uu xooga ku haysto haday dacad ka tahay diinta uu u gargarayo ayaa ku jawabay inuu Marka ku dhashay

xoolo iyo beerana ku leeyahay taas oo caado u ah beenta uu markasta sheekto.

 

hada ka hor waxaa uu sheegtay inuu mulkiyedeeda leeyahay warshada Bastaddataas oo somali oo dhan ogtahay in dowladii somaliya la hayd.

 

dadkii indhacada aqoonta u lahaa waxay sheegeen in uu ah askari dabla ahmarkii danbena uu Haydda Care gaari u waday..isagoo ninkii agsimaha ka ahaa hey ada Care uu waday gaariga gaarka ah oo xaaska iyo ilmaha u qaada gurigana u soo adeega..ninkaas oo ahaa nin somali ah oo hada ku nool dibada.

 

waxaa kale uu indhacade been ka sheegay in uu la xiiriray madaxwaynaha taas oo markii aan baaray ay ahayd been abuur uu ka been abuuranayo Madaxda Qaranka.

 

Indhacade waxaba kama duwana kuwii ka horeeyey ee xamar iyo jowhar joogay ee sida tooska uga caytami jiray idacadaha taas oo ku tusaysa inaysan lahayn hadaf iyo siyasad toos ah...iyagoo cay aflagado iyo faan aan meela garayn caado ka dhigtay

 

waxa yaab ah in inadhacade uu sheektay inuu xukumi jiray magalada Balcad hadana xukumo isagoo qosol jees jees ah iyo kibir ku daray.

 

waxaa xaqiiq ah inay imaan doonto waqti la la xisabtami doono dable indhacdemana foga waqtigaas.

 

mahadsanidin

C/raxmaan Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Warlord Indhamadoobe (Sheekh Bililiqo): Bismilaahi Raxmaanu Raxiim waa idin salaamay Mudanayaasha iyo marwooyinka ka soo qeey'b galay dac-wadaan , waxaan salaan taa la mid ah u soo jeedinaayaa Garwade Shariif oo la rabo xaq iyo baadil in uu kala saaro , waxaan kaloo salaan galka iyo laabta ka soo goday u gudbinayaa Sheekh Mirato oo caqiidadisa iyo aqoontiisa u suura galisay in uu noqdo Gacan yaraha Garwade Shariif , Salaan ka bacdi waxaan Mudanayaal iyo Marwooyin idiin soo ban dhigi doonaa xaqiiq run ah , xaqiiqdaan oo cadeeyn doonta in dacwada lagu soo oogay dadkaan matalo in aay been tahay , ayna xaq u leeyihiin in aay gacanta ku haayaan meelaheey ka taliyaan , ma is weeydiiseen Mudanayaal iyo Marwooyin maxaa dhaliyay Kacdoonka Shacabka ee ka dhacay Muqdisho , marka laga reebo Shabakadaha xaq doonka ah ee runta sheega sida Shabeele , Horn Afrika iyo BBC laanteeda Af Soomaliga oo uu madaxda u yahay Sheekh Yuusuf Garaad oo dadweeynaha degan xamar faray in xaqa loo diriro , waxeey dadweeynaha ku nool xamar qaati ka istaageen hogaamiye meel kooban ka taliya , hogaamiyaashaan oo xamar u kala qeeybiyay goobo goobo , aayna jirin hal hogaamiya Xamar lagala tashan karo si aay nabad uga dhacdo , arintaan oo ku qasabtay in dadweeynaha ku nool xamar aay sameeyaan kacdoon looga dan leeyahay in Xamar gacanta u gasho hal Koox si maamul loogu sameeyo , Garwade Shariif dadkaan matalaayo ma heesato waxa heesta hogaamiyaasha Xamar ee kala qeebsan , arintaan oo u suura galisay in uu shaqsi gooni ah ka taliyo oo cid kale aay ku qabsan xukunkiisa , arintaan oo suurta galisay in Maxkamadaha Islaamiga ah oo aad adigu Garwade Shariif Madaxda u tahay aayna u soo fara galin dhulkaas , maadaama aa ka soo hor jeedeen Baadilka una dirireeseen xaqa , marka Garwade Shariif dadka la soo dacweeyay oo la rabo in sharafta laga xayuubiyo ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Shariif Cirfo oo ka taliya degmada Afgooye , Sheekh Shariif Indhacade oo ka taliya Degmada Marka iyo siinka dheer , ahna Milkiilaha Warshada baastada , Sheekh Shariif Dhuxuloow oo ka taliya degmada Baraawe iyo Sheekh Shariif Seeraar iyoSheekh Shariif Goobale oo ka taliya Kismaaya , Ashraaftaan oo culomo'udiin soomaaliyeed ah oo faafinaaya diinta islaamka , marka ma xaqbaa Garwade Shariif in Ashraaftaan dacwo lagu soo ooga ayagoo gudanaaya waxuu ilaaheey ku soo amray oo ah in aay gobaladaas ka taliyaan , waxaan kaa codsanaayaa Garwade Shariif in aad dacwada meesheeda ku xirtid , dadkaan dacweeynaaya Ashraaftaan matalana aad ku qasabtid in aay raali galin siiyaan Culumo'udiinka sharafta leh ee gobaladaas xukunta oomagacooda aay lu dheeleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inda Cade will not last long, he is a warlord and the worst kind, he occupies lands of innocent Somali's. His many claims of being a Shiekh or a business personality have been proven to be false...

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Indhacadde is a true Somali hero. We salute him and he deserves not only to rule Shabeelle where he is born and bred ( Qoryooleey) but to rule and occupy all Somalia. He will be soon crowned the de-facto ruler of Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A fanatastic contrast of opinions amongst the above posters,

cleansen your heart and mind brothers before you start to comment on what is best for the Somali people,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this