Sign in to follow this  
Xudeedi

“Rayaale Xoolahaa uu wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa xadhi

Recommended Posts

Xudeedi   

“Rayaale Xoolahaa uu wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa xadhig iyo in la dilo” Faysal Cali Waraabe

May 19th, 2009

 

“Dadkii ku-xumee u doortay ee Codka siiyay Rayaale ayaa maanta ugu liita”

 

Waxaynu u soo halgannay laba ujeeddo, ta hore oo ah in talada dalkeena aynu soo ceshano, mid kalena wuxuu ahaa in Dawlad Sunnaha iyo Kitaabka Alle samaysano. Maanta dalkeena Nabadi waa jirta, laakiin waxa caddaatay oo soo baxaysa in dadka dalka gacanta ku haya ay yihiin fadhato dalka fadhataysanaysa. Taa waxa daliil u ah, 300 oo sanno ayaa Xoolaha laga dhoofinayay Berbera, maanta waxa nasiib-darro ah in aanu hal neef ahi ka bixin oo Saylado kale oo ka fogfog ayay ka baxaan, waxaana masul ka ah dadka maanta gacanta ku haya. Waxaan ilaahay ka baryayaa in sanadkan-sanadkiisa Ilaahay ka xoreeyo umadda gacanta ku haya.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo M/weyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay hoggaamin-xumo iyo inay gabeen hawshii loo igmaday. Waxaanu jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay M/weyne Rayaale oo sheegayay in si joogto ah u kulmaan isaga iyo Faysal.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo shalay Waraysi gaar ah siiyay Telefishanka SLSC, ayaa hambalyo iyo bogaadin uu u diray Shacabweynaha Somaliland munaasibadda 18-ka May ka sokow, wuxuu ka hadlay xaaladda dalka ee waqtigan, waxaanu naqdiyay habkii loo Doortay Madaxweyne Rayaale, isla markaana wuxuu eedayn u jeediyay Wasiirada Xukuumadda Rayaale.

 

Waraysigaas ayaa wuxuu u dhacay sidan;

 

S: Guddoomiye, waxa jirtay in M/weyne Rayaale uu yidhi, Faysal waxaanu isu aragnaa si joogto ah, taasi ma jirtaa, sideedse u aragtaa?

J: M/weynuhu dalkuu xukumaa, mana nihin dhinacyo Hubaysane in aanu kulano way tahay, waliba markay arrimaha Qaranku taagan yihiin waanu u tagnaa, tan u dambaysay ayay ahayd markii uu khalkhaliyay Komishankii iyo Guurtidii ee uu ka samaystay Doorasho ilaa 29-ka October ah ee arrintu Cirka isku shareertay ee ay noqotay in Somaliland halkaa lagu gawraco oo aanu Anaguna kala noqono Kalsoonida (Rayaale), ayaanu mawqif istaagnay oo aanu ka xishoonay in aanu nidhaahdno Dawladdu ma jirto. Sidaa darteed, waxaanu ku nidhi, KULMIYE mawqifkiisii waanu ka soo celinay ee gar qaado Dunida wax waa lays waydaarsadaa oo waxani kuuma suurtogelayaan ee talo keen. Nasiib-darrose, Madaxweynaha waan aqaanaa oo tanaasulka wuxuu u yaqaanaa daciifnimo. Dastuurka wuxuu u yaqaanaa waxa uu jecel yahay, taasina waxay keentay in aanu u tagno Anagu iyada oo ay Guddidii dhexdhexaadintu nagu dhex jirto.

S: Had iyo jeer M/weynuhu wuxuu idinku eedeeyaa Xisbiyadiina Mucaaradka ah aqoon-darro Sharciyeed, sideed u aragtaan?

J:..Rayaale sidaan hore u sheegay dalka wuu isku duubay oo wuxuu leeyahay, Aniga iyo dalka na wada dila ama sidaan doono ayaan ka yeelayaa, mana dilayno dalka oo ma burburinayno..Waxaan a loo doortay ku-xumayn oo dadkii soo halgamay ayaa isku xumaynayay oo ku xumee ayuu ku soo dhacay, laakiin dalkan wuxuu gaadhsiiyay dhibaato weyn..balse, haddaynu sharci gaadhsiin wayno, Ilaahay SWT ayaa inoo hiilin..Horta waa mide, Daahir Rayaale 7-dii sano ee uu dalka haystay wax baa dalka ka sii dhacay. Balse, Anagu waxaanu idiinku bushaaraynaynaa in aananu wax idinka cunayn, Daaro ka dhisayn oo Dumarka aananu Dahabka ka iibsanayn oo aanu Agoonta iyo dadka ilaalin doono. Haddii maanta la kicin lahaa Wershadda Sibidhka Berbera intaas oo qof baa shaqo geli lahaa, waxay u fadhidaa waa Laaluush oo Mashruuc kaliya dalka ka hirgeli maayo haddaan Laaluush la bixin.

S: Waxa jiray Riig Biyo qodayay oo ay mar Rabshado ka dhaceen, kaas oo la sheegayo in aanu wax badanba qodin. Taa sideed u aragtaa?

J: Dadkii Been baa lagu wadaa oo waxa lagu wadaa Mijin Jaad ah iyo Telefishan been-been ah oo loo bixiyay TV-ga Qaranka, kaas oo hadda u baahan in tallaabo laga qaado. Laakiin, intaas waa wada been oo intan Sacabka tumaysaa waa wada been oo intii badnayd dadku way xanaaqsan yihiin. Haddii Xadhig la jiido, wuu go’aa ee waxaan rejaynayaa in aad Doorashadan aarsataan oo M. Siyaad Barre Xabbad baynu kaga aarsanaye, inaga oo aan is-dhibin Cod ku aarsataan oo aynaan u dhiiban talada Nin iimaankiisu yahay maxaad cuntaa oo aanu inoo talin…Rayaale daacad uma aha dalkan ee cawaaqib-xumada isaga, Caruurtiisa iyo reerkiisu siday noqdaan ayaynu arki doonaa, haddaanu anagu duudsiyayno iyo haddaanu run sheegayno Ilaahay wuu arki doonaa. Laakiin, dadkan wuu baabiiyay oo dalkani hoggaan ma leh, wax ka naxaya ma leh wax dano gaar ah u socda ma leh. Siyaasi ka naxayaa wuu yar yahay, Sheekh ka naxayaa wuu yar yahay, Suldaan ka naxaya wuu yar yahay. Nin u tegaya (Rayaale) oo leh Tuuladayda Dugsi ka dhis ma leh, Nin u tegaya oo leh Dekeddayda maxaad u xidhay ma leh.

S: Xil-ka-xayuubin M/weyne ayaad hore u soo qaadday, taas maxaad uga jeedday?

J: Horta, Dalka wuu kufsaday iyo sharcigii oo dhan..Dhaqaalaha wuu la dagaallamay, sababtoo ah maanta Ninka Somaliland ah ee soo samaysta waa la dilaa, ninka dhaqaalaha baabi’iya Dilmo ayuu mutaystay. Anigoon meel kale tegin Xoolahaa uu meel kale u wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa in Xilka laga qaado oo waliba la xidho oo Maxkamad la taago la dilo. Laakiin, dadkeedii iyo waqtigeedii ayaan la joogin. Nin ka maanta dhaqaalihii kaliya ee aynu haysanay u joojiyay mushqaayad awgeed ee maanta Xoolaheenii bari iyo Galbeed u kala dhaqaaqeen ayaa u wayn oo Sharciga iyo Dastuurka uu jebiyay ayaa Xilka looga qaadayaa. Beentuu sheegay M/weynuhu ee uu yidhi 300-Milyan oo Dollar ayaa Wershado lagu dhisayaa ayuu ku mudanayaa, beentuu sheegay ee uu yidhi Derejo ayaan u samaynayaa Ciidanka ayaa xilka lagaga qaadayaa, beentuu sheegay ee uu yidhi Lacagtaan Burco kaga bedelayaa ayaa lagaga qaadayaa xilka…laakiin, Baarlamaankeedii ma joogo, Guurtideediina ma joogo ee waxa jooga waxaan waxba ahayn oo aan dadka ka naxayn, laakiin waa layska daba tegayaa. Haddii layska iloobana, Ilaahay baan iloobayn Jariimada ay Rayaale iyo dadka ku xeersani ka galeen dalkan. Inta taageertaana way la qaybsanayaan oo inta yar ee Shaannida ka cabta ee tidhaahda Xisbi Hebel baanu ka soo baxnay.

S: Faysal, waxa jirta haddaad Telefishanka daawato dad loo sacabbo-tumayo oo la leeyahay Xisbiyadii UCID iyo KULMIYE waa laga dareeray, sideed u aragtaan?

J: Waxaasi waa lagu maan-qamaaminayaa, Umaddu maaha afarta qof ee maalintaa Jaadka loo qaadayo ee umaddu waa Umaddaa gaajoonaysa ee Biyaha u baahan. Waxaan soo maray Guryo inta la soo raray oo ay soo guureen, Dumarkii Guryihii u dhisi kari la’yihiin Gaajo.waa Umaddaas kuwa lagu xisaabtamayaa ee maaha kuwa Mijinta Jaadka la siiyo ee yidhaahda Xisbi Hebel baanu ka soo baxnay. Waxa weeye, dhalinyarta Jaamacadaha ka baxay ee Badda galaysa, waa Hablaha yaryar ee tegay ilaa Libya ee dhexda lagu kufsaday. Waa kuwaas kuwa maanta dadkoodu Codka bixinayaan, nin leh maanta maxaan ku qayilaa Codk bixin maayo. Ilaahay waxaan ka baryayaa in dalkeena hoggaan wanaagsan keeno, waxaanan ballan idiinku qaadayaa in aan Ictiraafka sanad gudihii ku keeno.

S: Laakiin, waxa la leeyahay Faysal iyo Siilaanyo toona ma soo baxayaan?

 

J: Waxa weeye, maalintii dhawayd ee Ina Rayaale la dooranayay dee Cilmi iyo taariikh fiican toona laguma dooran, waxa lagu doortayna waxay ahayd uun, dad baa lagu xumaynayay, dadkii ku xumaynayay maanta iyagaa u liita oo dadkii oo dhan baa wada xumaaday. Kuwii Codka siiyay ee lahaa yaanu Hebel soo bixin, iyagaa maanta ugu liita oo waxa laysku haystaa, waar yaa meesha keenay. Waanad arki doontaan Codayntee, haddii maanta UDUB Borama lagaga badan waayo, I tuurtuur. Markaa arrintu kaligii maahee, Rayaale oo kaliya yaan la qabsanin, intaas oo Wasiir baa jooga oo aan waxba tarin. Bal eeg Caqli-xumaantooda, Nin baa Xisbi ka soo baxay baa sheeko laga dhigayaayoo, Shan Wasiir baa soo fadhiisanaya. Miyaanay ka fiicnaateen iyaga oo 5-ta Wasiir intay soo fadhiistaan waxay qabteen sheega..Wax kale iska dhaafoo, Dawladdani 4 sanno ayay Biriij dhisi kari la’dahay. Anigu haddaan M/weyne iyo ku-xigeenkiisii ahaan lahaa, ismabaan soo sharaxeen. Maanta maxay M/weyne Rayaale iyo Dawladdiisu la shir imanayaan. Wasiiradiisu maxay la shir yimaadeen, Wasiiradu waxay ka shaqeeyaan reer Hebel soo qabo…Bal waa tane, Ciidamada uu berri (maanta) Salaanta ka qaadanayo ee uu yidhi Derejaan siinayaa, waa bilaa derejo..Bal waa kane, Somaliland sida ay maanta Jabuuti yeeshay inta la yeelo, Wasiir waliba ha soo bandhigo wuxuu qabtay. Bal waa kane waa M/weynee, Aniga oo Murashax ah Dood ha ila soo galo oo sidii Bush iyo Kerry u doodayeen, ha iila doodo oo wuxuu dalka u hayo ha soo bandhigo. Maaha, kolba in uu yidhaahdo, orda oo reerkiinii Qaad soo sii.

 

 

Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The only question is why have the heavyweights not done anything about these constant Muggings?

We only get the opinions of the featherweights on SOL who are clearly afraid of Riyaale wrath to do anything. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The shame is the SNM folks and its leaders wherent even invited in the festivities in Hargeisa. It was a new 18may style with Riyaale feat Maryan Mursal :D:D

 

I hope they make her the new personal Al Fanaan of Xisbul Udub :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I am not sure what is the point of all this 'mugging' talk. Kulmiye is a party based entirely on the personality of its leader. A leader so old, he was actually around the first time Somaliland got its independence!

 

For the sake of politics, democracy and the long-term welfare of SL, I hope they never win. Give me the mugger any day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Besides this what Somaliland.org wrote about the long held ambitions of Riyaale

 

Warqad Sir Ah Oo Xaabsade Qoray, Taso Ka Turjumaysa Qorshaha Somaliweyn Ee Xukuumadda Md Rayale

 

Source

 

I think he recruited Maryan Mursal to help him Sing Somaliland away and crown him the next Somali governor of Waqooyi Galbeed:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Pirateboys you're suppose to be good at cheap Pr stunts. Is this really the best you can come up with? fake laughters dont do anything to change the course of SL. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this