Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Minister of education visits Mudug region

Recommended Posts

Gaalkacyo: Wasiirka Waxbarashada Puntland oo kormeer ku tagay Xarunta Nabadd & Horumarinta Waxbarashada ee gobalka Mudug.

29. december 2009

 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarinta Puntland oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay socdaal shaqo ku marayay gobalka Mudug ayaa maanta soo afjaray socdaalkiisa, isagoo maanta markii ugu dambeysay waqti badana ku bixiyay booqashada Xarunta Nabadd & Horumarinta Waxbarashada ee gobalka Mudug, oo ah goob ay wax ku bartaan dadka aan awoodin in ay iska bixiyaan Lacagaha dugsiyada lugu barto, una badan Hablaha gobalka Mudug, gar ahaana magaalada Gaalkacyo.

 

Madaxa ugu sareeya ee Xaruntaasi oo ah Xaawo Aaden Maxamed (Camay) ayaa wafdiga wasiirka ku soo dhaweysay xarunta nabadda iyo horumarinta ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo tafaasiilaad dheeri ah ka bixisay xarunta iyo waxqabadkeeda.

 

Xaawo Aaden ayaa sheegtay in xarunta la furay waqti hore oo ay furan tahay mudo ka badan 10 sanno, isla markaasna ay mudadii ay joogeen ay wax badan ka qabteen dhanka Waxbarashada iyo sidii ay meel wanaagsan usoo gaari lahaayeen Hablaha aan heysan lacagaha ay wax ku bartaan.

 

Madaxa Xarunta Nabadda iyo Horumarintu waxa ay sheegtay in ay hada maamulaan Dugsiyo badan oo ay ka dhiseen xarumaha gobalka Mudug badankooda, isla markaasna ay doonayaan in ay soo baxaan Gabdhaha yar-yar ee aysan dadkoodu awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha dugsiyada wax looga barto, waxa ayna sheegtay in ay hada hayaan gabdho badan oo baranaya qeybaha kala gedisan ee Waxbarashada.

 

Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Dr, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo la hadlay Ardayda gabdhaha ayaa usheegay in aysan Wasaaraddiisu waxba ka hagran doonin, isagoo si bayaan ah usheegay in ay ku faraxsan tahay Wasaaraddiisu in ay gabdhuhu gaaraan meel wanaagsan.

 

Juxa ayaa kula taliyey dhamaanba waalidka Soomaaliyeed in ay si siman wax ubaraan gabdhaha iyo Wiilasha ay dhaleen, isagoo intaasi ku daray in laga tago wali fikrada la aaminsan yahay oo ah in aan gabadha iyo Wiilka aan loo simin Waxbarashada.

 

Wasiirka Waxbarashada oo qeyb-qeyb usoo maray Xarunta Nabadd & Horumarinta Waxbarashada ee gobalka Mudug, ayaa mahad celin balaaran ujeediyey maamulka Xaruntaasi oo uu sheegay in ay boos weyn hayaan, ayna maskax wanaagsan iyo wax barid wanaagsana ay wadaan.

 

Wafdiga Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarinta ee Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey booqanayay gobalka Mudug badankiisa, ayaa soo dhameeyey socdaalkooda, waxa ayna dib ugu laabteen Caasumada Puntland ee Garowe, oo uu sheegay Wasiirku in ay shaqooyin badan ku dhowrayaan.

 

Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in ay hada Wasaaraddiisu siiso mushaaraad in ka badan 400 oo macalin, isagoo tibaaxay in ay waqti kasta dadaal dheer ugalayaan sidii loo heli lahaa Macalin tayo wanaagsan leh, maadaama uu sheegay in aysan jirin Macalimiin wanaagsan, hadana ay korar baaxad weyn leh ku socoto Waxbarashada Puntland & guud ahaan Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

WAR LA XIRIIRA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this