Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Inda'ade says Shabelle radio is behind YESTERDAY'S shelling of civilians in Mogadishu

Recommended Posts

Barakac saakay ka bilowday degmooyinka Waqooyi ee Muqdisho iyo Yuusuf Indhacadde oo duqeymihii shalay ku eedeeyay Shabelle

 

Barakac baahsan ayaa saakay ka bilowday degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho iyadoo wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Sheekh Yuusuf Indhacadde uu duqeymihii shalay ku eedeeyay Shabakadda warbaahinta Shabelle.

Kadib markii shaley Dagaalo iyo Duqeymo sababay qasaaro culus oo soo gaarey dad rayid ah ay ka dhaceen xaafado kamid ah Degmooyinka C/asiis iyo kaaran islamarkaana ay ku dhexmareen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo ka tirsan Xaratakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa saakay xaafadahaasi qaarkood waxaa ka bilowday barakac baahsan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmooyinka Kaaraan iyo C/asiis waxaa saaka halkaasi ka jira xaalad deganaansho oo aan cago badan ku taagnayn iyadoo saakay waaberigii mar kale uu halkaasi ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyey ciiidamada Dowlada KMG iyo Kuwa xarakatul shabaabul mujaahidiin wallow aan la ogeen qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Dadka ku nool degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Shabelle u sheegeen in saakay halkaasi uu ka bilowday barakac balaaran oo ay sameynayaan dadkii fara ku tirska ahaa ee ku harsanaa degmooyinkaasi kadib markii shaley dad fara badan oo rayid ah ay ku dhinteen madaafiic ku dhacdey degmooyin kamid ah kuwa waqooyi ee magaalada Muqdisho sida uu shabelle u sheegey mid kamid ah dadka deegaankaas.

Wararka qaar ayaa sheegay in ay sii kordhayaan qasaarihii ka dhashay duqeyntii iyo dagaaladii shalay galinkii dambe ka dhacday Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho waxaana saakay la sheegayaa in xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ay yaalaan ilaa 11 qof oo ku geeriyooday madaafiicdii shalay kuwaasi oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah sida Shabelle uu u sheegay mid ka mid ah waxgaradka ku nool degmada Yaaqshiid.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashandhiga dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo xaley Markii dagaaladaasi ay joogsadeen la hadlayay Shabelle ayaa sheegay in uu ka xunyahay qasaaraha soo gaaray dadka rayid ah isagoo intaasi ku daray in saxaafada ay u soo bandhigi doonaan maxaabiis iyo meydad uu sheegay in ay ka qabteen dhinacyadii la dagaalamay, waxaa uuna tilmaamay in dagaaladii shalay ay ka gaareen guulo militari sida uu hadalka u dhigay.

Mar Shabelle ay weydiisay Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Madaafiic culus oo ciidamada Midoga Africa ay ku garaaceen Xaafado ay degnaayeen dad rayid ah oo kuyaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayuu sheegay in madaafiicdaasi ay ka dambeysay Idaacada Shabelle sida uu Sheegay isagoo tilmaamay in Madaafiicdaasi ay Shabelle hagaysay islamarkaana Shabelle ay tahay Warbaahin laheysto sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmooyinka waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu qasaaragha badnaa ee Mudooyinkii ugu dambeeyay soo maray Magaalada Muqdisho iyadoo dhinacyadii dagaalamay ay wali u diyar garoobayaan dagaalada inta badan ay ku waxyeeloobaan dadka rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this