Sign in to follow this  
Gabbal

Ethiopia lay a siege to Balanbale; is invasion of Galgadud and Guri-El the objective?

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee Maanta Soo Galay Balanballe Oo Caawa Ku Hoyday Isla Duleedka Balanballe

Aug 13,2006

by Balanballe, Gedo News Network

 

Iyada oo maanta ay ciidamo ethiopian ahi soo dhoobteen Degmeda Balanballe ayaan hadana waxaan la ogayn sababta rasmiga ah ee ay ciidamadaani daamacsan yihiin ama ay ku soo galeen balanballe iyaga oo aan cidna kala arinta soo gelista deegaanka Balanballe.

 

Ilaa maanta waxaa socday wadahadal dhex maray waxgaradka Balanballe iyo Ciidanka Ethiopian-ka ah laakiin waa la isku mari waayey arinta soo gelitaanka waxayna ciidamada Ethiopian-ku cadeysteen inay doonayaan in la siiyo fariisin ciidan ka dhigtaan Balanballe, laakiin arintaas ayay ka diideen waxgaradka Balanballe.

 

Waxayna ku adkaysteen inay laabtaan ciidamadaan Ethiopian-ka ma ahane inaysan arin kale oo aqbali karayn, sikastaba ha ahaatee wax is afgarad ah kuma dhamaan wadahadaladii maanta labada dhinac dhex maray dhinac walbana wuxuu ku adkaystay wixii uu rabay in dhinaca kale ka yeelo.

 

Waxaana caawa ay ciidamadii Ethiopianku ku hoydeen meeshii ay maanta ka soo dageen Balanballe oo ah duleedka magaalada dhanka galbeedka, arintaan ayaa dad badani ka dayrinayaan iyaga oo ka cabsi qaba inay ciidamada Ethiopian-ku damacsan yihiin inay weerar ku qaadaan deegaaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel oo 60-km dhanka koonfurta ka xigta Degmedda Balanballe ayaa sheegay inay ka jiraan diyaar garow ku saabsan sidii deegaanadaas uga diyaargaroobi lahaayeen inay soo galaan Ciidamada Ethiopianka ah ee maanta soo galay Balanballe, dadka arimahaan la socda ayaa waxay sheegayaan inay keeni karto fudaydka ay ciidamada Ethiopianku ugu xadgudbaynaa dadka deegaanadaan inay keento in lagala hor yimaado isdifaac iyo dagaalo.

 

Axmed Max'ed, Balanballe, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay waadooyinka soo gala wadada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

 

August 13- 2006 HornAfrik, Muqdisho, Somalia

 

Sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen goob joogayaal ku sugan degmada Balanbal kuwaas oo diiday in la magacaabo sababao amaankoooda la xiriira ayaa sheegay in maanta magaalada dhowr jiho ka dageen ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka.

 

Ciidamadan ayaa magaalada ka soo galay dhanka galbeed gaar haan ceelka Kooshin loo yaqaan ee duleedka magaaladaas, iyadoo ciidamdaaas isku qeybiyey Saddax qeybood qeyba ka mid ah ciidamada aya ku sugan wadad isku xirta Guri ceel iyo Balanbal.

 

Sidoo kale, qeyb kale oo ciidamadan ka mid ah ayaa degay dhanka Barri ee magaaladaas gaar ahaan magaalada Caabud waaq iyo Balanbal iyadoo kuwii kale ay fadhiyeen aagii ay ka soo galeen oo ah galbeedka wadadaas.

 

Ciidamdan ayaa u muuqda kuwa guud ahaan gooyey saddaxda wado ee soo gashay magaaladaas.

 

Telfoonada magaalada ayaa weli shaqeenaya inkasta oo ay adag tahay in dadka hadlaan sababa la xriira cabsida ciidamdaas waxa ayna dadka deegaanka xaqiijiyiin in odayaasha deegaanka ay ku baxeen ciidmadaas Itoobiyaanka ah mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay weli.

 

Ciidamda Itoobiyaanka ayaa weli wax dhibaato ah u geysan dadka deegaanka ku dhaqan hase ahaatyee waxaa saaka hakad galay gaadiidka magaaladaas aadi jiray oo ka imaan jiray qeybaha kale ee magaalooyinka gobolka Galgaduud.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa dhawaan degaanka Laasacaano oo 90km u jirta deegaanka Caabud waaq ku laayey dad Soomaali ah.

 

Ma cadda ujeedada ciidamada Itoobiyaanka ay halkaas u yimaadeen waxaana arrintan ay ku soo beegmeysaa xilli saraakiisha Itoobiyaanka ay sheegeen inay qabteen 13 ka mid ah kooxa mucaaradka kuwaas oo ay sheegeen in xuduuda Soomaaliya ay ka soo tallaabayeen.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maalmahan dhaqdhaqaaq xoogn ka waday qeyba ka mid ah gobolka Galgaduud iyadoo arrintan ay ku soo beegmeysa xilli ciidamda maxkamadhaa ay ku sugan yihiin deeganka Galinsoor oo wax yar u jirta halka ay koo joogaan ciidamda Itoobiyaanka qeyba ka mid ah gobolkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdi Waal oo sheegtay inuu isaga hogaaminayo Ciidamadda qabsaday,Itoobiyaana ku jirin.

Xeraale , Isniin August 13, 2006

Waagacusub.com

 

laba kun oo ka tirsan Ciidamadda Itoobiya iyo boqol iyo konton Maleeshiyo Soomaali ah ayaa la wareegay maanta gacan ku heeynta degaanadda ,Xeraale,balanbale iyo bele hoowd,sida ay Waagacusub.com u xaqiijiyeen ganacsato iyo culumaa'udiin ku sugan degaanadaas.

 

Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaan Cabdi Waal ,kana mid ahaa Isbahaysiggii laga eryay Muqdisho ee la dagaalanka Argagixisadda oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay ayaa sheegtay inuu isaga hogaaminayo Ciidamadaas qabsaday ,Xeraale iyo balanbale,wuxuuna meesha ka saaray inay la socdaan kumanaan ka tirsan ciidamadda Itoobiya.

 

" Anigga ayaa hogaaminayo Ciidamadda ku sugan Xeraale iyo balanbale,ujeedkeenana wuxuu yahay sidii aan u soo qaban lahayn Argagixisadda mayalka adag ee ku dhuumaaleeysaneeysa gobolka Galgaduud" sidaasi waxaa Waagacusub ugu waramay Cabdi Waal oo sheegtay inuu joogo meel lagu magacaabo Bele hoowd.

 

Inkastoo Cabdi waal ku andacoonayo inaysan Itoobiyaan ahayn ciidamadaas,hadana dadka socotadda ah iyo ilaha xog ogaalka ah ayaa xaqiijiyay inay Itoobiyaan yahiin Ciidamadda qabsaday degaanadaas,waxayna qaateen taarkii heloow heloowda ee yiil balanbale.

 

Ciidamadda Itoobiya ee qabsaday balanbale waxay qalqal xoogan geliyeen degmadda guri ceel ee gobolka galgaduud,waxaana la hadal hayaa inay ku wajahan yahiin ,baro ay ku sugan yahiin Ciidamadda Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.

 

Dahir Abdulle Alasow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Cabi Waal iyo the tabloid waagacusub cantar-baqashkoodu meel dhiga bal. Dadka degan Balanbale ee la la hadlay waxay yiraahdeen Itoobiyaanka dhib dadku meysan u geyn ciidane degmada meysan lasoo gelin balse waxay doonayayaan inay dadku degan Balanbale ka dhaadhiciyaan qorshahooda ay la damacsanyihiin degmada iyo dadku Guri-Ceel. Taana waa lagu gacansayre.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Generale-

 

Balanbale is not the objective. If there are places that need defending, they are those exact places the Islamic Courts has jurisdiction starting from Guri-El.

 

The Ethiopian strategists have realized Balanbale can make it easy or hard for them to see through their objective. It is why they are still trying to persuade the people of Balanbale to their despicable intentions towards fellow neighbors, Muslims, and Somalis. So far the people of Balanbale have more then refused and are continuing to insist the Ethiopians go back over the border or come under-attack not only from Cabudwaq tribal miltias but also coordinated defense from all the people of Galgaduud since this aggression is clearly directed towards others.

 

 

Negotiations are still underway to ending this so far non-hostile incursion in a peace manner. The Ethiopians have all left the areas they settled yesterday and are now encamped towards the western entrance of the city towards Ethiopia while the negotiations are underway.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

the ethiopian will not go as far as Guriceel and they do not discriminate civilian and army forces. they kill everyone in there target and burn villages. there are no national army either if you smart the only thing you can do this time, is save your town. the court understand the ehtiopian army are savage and they do not want deal with them. They will go around near the cost line.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Axmaaradu waa laga tashaday.

 

The court and people of Guri-El along with some Cabudwaq and other Galgaduud elements have built a dufays at the town of Bali-Mareere located between Balanbale and Guri-El.

 

The people of Galgadud are prepared to defend themselves if things take a wrong turn. But so far the negotiations seem to be holding up.

 

Axmaaradu maxay tahay haday Yahuudu wax qaadi wayde?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^

 

We need to take a step back, they the Ethiopians will suffer if they continue such agression.

 

I call on all Somali's to denounce such acts, and to support the people of Balanbale..

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by HornAfrique:

Negotiations are still underway to ending this so far non-hostile incursion in a peace manner.

Non-hostile? You make sound as if Meles sent shoulder-wiggling girls to do a little dance for you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this