Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Pakistan , Indonisa, UAE, Turkey and Saudi-Arabia...

Recommended Posts

Jowhar:Wadamada Islaamka ah oo ogolaaday inay dib boorka uga jafaan safaaradaha ay Soomaaliya kulahaanjirtay dalalkooda.

 

- Wednesday, September 28, 2005 at 16:17

 

Jowhar(AllPuntland)- Waddamada Islaamka ayaa waxay soo dhaweeyeen fikrad ay hor dhigtay dawladda FKGS oo ka dalbatay inay dib u furaan safaaradihii Soomaaliya ee dalalkooda ku yaallay.

 

 

 

Wasiiru dawlaha arimaha dibadda dalka Soomaaliya Ibraahim Sheekh Cali (Jeebbo) , ayaa saxaafadda uga waramay halka ay marayaan xiriirka dawladda Federaalka ah ee wadamda Islaamka ah .

 

 

 

Md: Jeebbo wuxuu sheegay socdaal ay ka soo noqdeen oo ay ku tageen dalka Yaman ayna uga soo qaybgaleen shir ay isugu yimaadeen wadamada Islaamka oo ka dhacay magaalada Sanca, wuxuuna sheegay in ay u bandhigeen dawladaha Islaamka in dalka Soomaaliya la caawiyo.

 

 

 

Wasiiru dawluhu Wuxuu kaloo carabka ku dhuftay inay ka dalbadeen dalalka Islaamka inay dib u furaan safaaradihii ay dalalkooda ku lahayd dawladda Soomaaliya..

 

 

 

Masuuliyiin ka socotay dalal ay kamid yihiin; Pakistan , Indonisa, UAE, Turky , iyo Sucuudiga ayaa wasiirku sheegay inay kulamo saacado socday la qaateen.

 

 

 

Dhammaan dalalkan uu wasiirku ka dhawaajiyay ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan u dayactiri doonaan safaaradihii Soomaaliya uga furnaa dalalkooda.

 

 

 

Mar uu ka hadlayay wasaarad arimo dibadeed ahaan sida loo taageeray dawlddiisa ayuu sheegay in wadamada Islaamku inay 100% taageereen inay dhinac walba ka caawiyaan Soomaaliya.

 

 

 

Wasiirku ma uusan sheegin xilliyada la furayo safaaradaha , hase ahaatee wuxuu sheegay in dhammaan wadamada islaamka ah ay u sacabba tumeen khudbadihii ay jeediyeen.

 

plate.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this