Sign in to follow this  
MoonLight1

Hizbul-Islam, Qaybdiid, Siciid dheere, Amnisom JOIN THE BATTLE.

Recommended Posts

Dagaal Dib uga qarxay Isgoyska Fagax Illaa Baar Ayaan, Iyo Taliyayaasha Ciidamada Dowladda C/Qeybdiid Iyo Saciid Dheere oo lagu wareejiyey Maamulka Guud ee Dagaalgelinta Ciidamada Dowladda. breakingNews.Muqdish o,09,May,2009,Sabti,

 

 

(Hillaac.net) Dagaal Xooggan oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan Gaadiidka Tiknikadda ahna loo adeegsanayo ayaa ka billowday Inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax illaa Baar ayaan Degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho, Dagaalkan oo u dhaxeeya Xoogagga Al-Shabaab iyo MMIS Garabka ku Biiray DKMG ah ayaa haatan si toos ah uga socda Isgoyska Fagax, Saldhigga Yaaqshiid, Hotel Cali Mahdi, iyo Baar ayaan, Waxana la sheegayaa in Dagalka ay Billaabeen Gawaari Tikniko ah oo Weerar Toos ah ku soo qaaday Xoogagg ku sugnaa Saldhigga Yaaqshiid oo Iyagana Heegan Culus ku jiray.

 

Dagaalka ayaa Goobo hor leh ku fiday Iyadoo Xoogag Cusub oo Labadii Maalmood ee Hore aan Dagaalka ka Qeybgelinna ay haatan Toos ugu Jiraan Dagaalka, Waxana soo baxaya Warar sheegay in Ciidamadii Kooxda Embagathi ee C/Qeybdiid iyo Saciid Dheere ay haatan Dagaalka soo galeen Iyagoo loo Fuliyey Go'aankii ay ku Adkeysanayeen ee ahaa in Iyagu ay bixiyaan Amarrada Dagaalka Ciidamada Maxaakiimtana la hoos keeno Maadaama ay Iyagu yihiin Taliyayaasha Ciidamada.

 

Dhanka kale Waxaa iyana Wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay billaaben Madaafiic ay ku Bartilmaameedsanayaa n Xarumaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Shabaabka Iyagoo Dagaalka dhanka Madaafiicda kaga jira Illaa iyo Haatan.

 

Xoogagga Xisbul-Islaam ayaa Iyaguna Ciidamadooda u soo dhaqaajiyey Dhanka Furumaha Dagaalka Madaama Dagaalku haatan uu Ballaartay Qolo Walibana ay Xulufadeedii soo kaxeysatay, Waxana Warar Goor dhaw na soo gaaray ay sheegayaan in Degmada Afgooye ay Saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbeen 16 Tikniko ah oo ay leeyihiin Ururka Xisbul-Islaam si ay uga Qeybqaataan Dagaallada Ballaartay ee Maalintii Saddexaad ka socda Magaalada Muqdisho oo haatan Ciidamada AMISOM iyo Koobiga ay sida tooska ah u soo galeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dayniile.com

 

Xoogaga Xisbul Islaami ee garabka Xasan Daahir ee ka amar qaata dowlada Eratareya ayaa dagaalka ku soo biiray wax yar ka hor iyagoona maal mahaan ku baaqaayey in colaada la joojiyo

 

Xisbil islaami ayaa dagaal xoogan xiligaan kula jira xoogaga Maxkamdaha oo maal mahaan dagaal xoogan kula jiray xoogaga Alshabaab.

 

Dagaalka ayaa la dhihi karaa in uu aad u baxad weynyahay waxaase laga cabsi qabaa sida lagu yaqaano dagaalada in ay qaab qbaiil isku badalo madaama jirin xiligaan si kale oo dagaal lagu sii wado karo madaama Sheiikh iyo shedaan ay aad u aminsan yihiin dhanka qabiilka

 

Dagaalka oo ka bilaawaday Fagax ayaa ku soo faafay dhanka isgooska Baar ayaan waxaana xiligaan waran wadooyinak meydad u badan xoogaga dagaalamaayo waxaana la dhihi karaa dagaalkaan waa mid u muuqda mid soo saraayo ceebaha wadaada xiligaan xukun doonka noqday waxaana la dhihi karaa dagaalada xiligaan ka jira Muqdisho kuwii uu Nabigau naxariis korkiisa ha haatee yiri ka haajira dagaalada fidnada qolo waliba ay iyadu xaqa sheeganeysa

 

 

Xoogaga Islamiyiinta oo laga kala xuku Buuraha Afganistaan ,Eratareya iyo Itoobiya waxaana la dhihi karaa dagaalada Islaamiyiinta u dhaxeeya waxaa xal uu ka gaari karo oo joojin karo markay is fahmaan sedexdaasi qolo ee isdiidan qolo waliba ay dhanka kale wax ka eegeysa

 

dayniilecom@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The war is getting uglier and more complicated, bury in mind the Ahlusuuna Waljamaca guys are observing and waiting for their turn to join the battle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ameer   

This is very sad story, the sheikhs turn warlords.The war against Ethiopia was reasonable, but who in the earth is invading their country now and who are they fighting against.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its the fcuking dumb Al-shabaab that hve refused peace talks.

 

The blood of everyone is on their hands and they must be crushed for somalia to progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this