Sign in to follow this  
Kamaavi

Qosolka Altixaad Ma Baroor Ba Ka Danbayn Doonta?.

Recommended Posts

Kamaavi   

t6xo3b.jpg

 

(Sawirkan waxaa leh Dhanaan News)

 

Magaalada Godey waxaa ku sii qul qulayaa madax masuuliyin ka tirsan Urur waynaha Altixaad kaas oo sannadkii 1993 u kala bur buray koox koox, Ururkaas ayaa sannadkii 2006 magaca badashay wuxuuna la baxay Jabhada Midowga Soomali Galbeed, hadafka Ururkaas ay dadka u sheegeen ayaa ahaa inay u dagaalamayaan Islaanimada Iyo Gobanimada Ogadeeniya, balse hab dhaqan ahaan dadka mudo ka shakiyeen kadib markii ay ku furaan dacaayado Jabhada ONLF ee ka dagaalamaysay Ogadeeniya mudada 20 Ku dhow, iyagoo hadalka ka soo yeeray ahayd ONLF waa cilmaaniyeen midaas la mid ah ONLF waa Gaalo. Diinta Islaamku in qof Ashhaadanaya lagu tilmaamo cilmaani waa wax aan ka wada dharagsanahay.

 

 

Farxada Iyo murugado waa wax Ilaahay bini'aadamka ku beeray oo ku xiran dareenka qofka bini'aadanka ahi leeyahay ee saameeya is badalka dunida iyo mida gaar ahaaneed ee shaqsi, dadka ku nool Gobalka Godey ayaa inta badan saadaal ka baxinaya imaanshaha xubnahan soo gaaraya magaalada Godey.

 

Saadaasha ayaa inta badan ah mid negative ah diidmo ah oo ay ku tilmaamayaan in wax wada xaajood ah uusan suura gal ahayn inuu ka dhex dhalan karo odoyaashan ka yimid dacalada qaarada Afrika kuwaas wadamada ay ka yimaadeen ka ahaan jiray qaraabo goys wada xin badan oo bulshada aan soo dhex galin iyo meel ummada danteeda looga arrinsan.

 

 

Mid ka mid ah dadka ku nool Godey oo aan la xariirnay aya yiri, ma u malayn meel qofka yimaada la diiwan galin oo magaciisa galayo liiska Korneelka sirdoonka u qaabilsan Godey in qof soo dhawayn qof walba wuxuu ka baqayaa in liiskaan uu galo waxaana ooga digaynaa inta aan waxba ogayn inay ogaadaan.

 

ONLF maxay ka faa'iday xaroonshaha asxaabtan?

 

 

Wax oogu badan ee Jabhada ONLF Ka faa'iday ayaa ah :

 

1- Xubanaha Jabahada ONLF oo halgan xoogan cagta sii saaray

 

2- Shacabka Ogadeeniya ee qurbaha oo dhaqaalaha laba jibaaray

 

3- Dacaayadii ONLF ka dhanka ahayd oo maanta dhamaatay

 

4- Jihaadkii ONLF ee la beenaynayay oo xaqiiq Noqday

 

5- Islanimada ONLF ee dadka wis wis laga galiyay oo xoogsatay

 

6- Kalsoonida Shacabka ONLF oo sii xoogsatay

 

7- Itoobiya oo qirtay in awooda ONLF wali maqan tahay oo heshiis ay rabaan

 

8- Gudoomiyaha ONLF oo si Madaxwaynimo logu soo dhaweyay magaalada Altixaad ay ka qaxeen ee Cape Town.

 

9- Soomalidii magac Somali Galbeed lagu khalday oo soo baraarugtay

 

10- Dadkii dhuuman jiray oo dhan oo banaanka yimid.

 

Isku soo duu duuboo dadka ku nool gobalka Godey ayaa aaminsan in qosolkan ka danbayn doonto baroor.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Beentii Soo Afjarmatay, iyo Shabakada,Wararka ee Afka Carabiga, ee Qawiim Warbixintii Ururkii Isdhiibay,

 

Shabakadda Qawim ee bishii 3xaad uu Ibraahim dheere ku yidhi waan jihaadayaaye i taageera ayaa ka qortay maqaal dheer waxan loogu yeedhay heshiiska ka dib markii laga sal gaadhay beentii loo sheegayay umadda. Cinwaanka maqaalka oo ah ( آفاق السلام في منطقة أوجادين) Saadaasha nabadeed ee gobolka Ogadeenya (Peace prospects in Ogadeenya), ayuu qoraaga wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday in laba qof un ay runta ka sheegeen arintan. Wasiirka Warfaafinta Gumaysiga iyo Hogaanka Arimaha Dibadda ee JWXO.

 

Wasiirka warfaafinta Gumaysiga Itobiya ayaa isaga ugu horeynba sheegay arinta siday u dhcaday markuu yidhi;

 

وفي الوقت الذي قالت فيه الجبهة إنها إنما فعلت ذلك استجابة لرغبة إثيوبية معلنة بعد عقدين من القتال المتواصل، أعلن وزير الإعلام الإثيوبي أن ما حدث لا يعدو أن يكون استسلاماً من الجبهة لحكومة بلاده التي وصفت هذه الجماعة المناهضة لها بالإسلامية المتمردة، والتي كانت تعتزم مهاجمة شركات النفط والغاز الناشطة في إثيوبيا، وها هي بمقتضى الاتفاق، قررت، بحسب الرواية الإثيوبية، وضع السلاح والالتزام بالدستور لتتحول إلى حزب سياسي.

 

Oo macnaheedu yahay;

“ Marka ay jabhadda (UWSLF) leedahay waxaan sidan u yeelnay iyadoo ay Itobiya cadaysay inay rabto wadahadal nabadeed ka dib markaan 20 sano dagaal kula jirnay, wuxuu Wasiirka Warfaafinta Itobiya shaaca ka qaaday inaysan arintan dhaafsiisnayn inay jabhadaas isu soo dhiibtay xukuumadda dalkiisa oo ku tilmaantay kooxdan inay ahaayeen koox islaamiyiin ah oo falaagowday, oo doonaysay un inay weeraraan shirkadaha baara shidaalka ee Itobiya ka dhex shaqaynaya. Waana sidaa heshiiska. Waxay go’aansadeen inay hubka dhigaan oy u hogaansamaan dastuurka Itobiya noqdaana xisbi siyaasi ah.”

 

Waxaa kaloo runta ka sheegay Hogaanka Arimaha Dibadda JWXO oy soo xigtey shabakadda ereyadiisii doodii Jazeera;

 

الجبهة الوطنية لتحرير أوغادين، إحدى أهم الجبهات المقاتلة لتحرير الإقليم، لا تنظر لهذه المسألة بهذه الصورة، بل تعتبر هذه الاتفاقية بين طرفين يائسين، فالحكومة فشلت في نشاطاتها وهي تريد أن تظهر شيئاً ما يخدمها في الانتخابات في مايو المقبل، وأيضاً الجبهة المتحدة هي منظمة ميتة لم يعد لها وجود ولم يعد لها أنصار، من وجهة نظر الجبهة الوطنية، بالإضافة إلى أن وزير الإعلام الإثيوبي قال رسمياً في مقابلة له أن الجبهة المتحدة لتحرير الصومال الغربي استسلمت ووافقت على الدستور وبنوده.

 

Macnaha waa sidan;

 

" Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeenya oo ah jabhadda ugu muhiimsan ee u halgamaysa xoreynta wadankaa, arinta heshiiskan sawir ka duwan ayay ka bixisay. Waxayna uba aragtaa heshiiskan la sheegayo inuu yahay mid u dhexeeya laba dhinac oo liita. Xukuumadda Itobiya oo ku fashilantay hawlgaladeedii oo doonaysa inay wax un tusto dadweynaheeda xiliga doorashada soo socota ee Maayo, iyo Jabhadda Midowga oo ah urur dhintay oo aan jirin lahayna taageerayaal. Arinta dhabta ah waa aragtidaa jabhadda ONLF oo loo geeyay hadalka rasmiga ahee uu wasiirka warfaafinta Itobiya sheegay inay isa soo dhiibtay UWSLF oy ogolaatay dastuurka Itobiya wuxuu qorayo.”

 

Waxaa maqaalka uu aad uga xogwaramayaa xaaladda ka jirta dalka Ogadeenya taariikh ahaan iyo halgan ahaan, wuxuuna xusay in dastuurka Itobiya uu qirayo xaqqa aaya ka tashiga shucuubta ilaa heer go’itaan, hadana aysan dawladda Itobiya u ogolayn shacabkaasi xuquuqdiisa inkastoo gobolka Ogadeenya uuna sinaba uga tirsanayn Itobiya.

 

Waxaa la yaab leh Itobiya inay ku andacooto in xaqqa aaya-ka-tashiga ee dastuurka ugu yaala ay tidhaahdo waa arin ay ONLF oo kali ah wadato, siduu lahaa Dirir wasiir beenaadka u adeega gumaysiga ee ku kufriyay taariikhdii umadiisa.

 

Waxaa hubaal ah inay soo gudhay beentii loo sheegayay qaar ka mid ah shacabka Ogadeenya ee lacagaha looga guranayay umadaha Islaamka.

 

Waxaa inoo Soo Turjumay oo inoo Soo Diyaariyay, Wakalada wararka ee

 

ONA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this