Sign in to follow this  
Che -Guevara

Shabaab iyo Xisbul Islaam oo heshiisyo horu dhac isku afgartay

Recommended Posts

Dhinaca kale Ururka Xizbul Islaam Afhayeenkooda Sheekh Maxamed Macalin ayaa dhinaciisa sheegay in ay isku afgarteen gudiyo labo dhinac ah oo ay u diraan Kismaayo si khilaafaadka loo xaliyo, waxaana uu qodobada ay isla garteen ka mid ah

1:-In gudi loo saaro Xalinta wixii dhacay.

2:-In wixii dhacay ee Khilaafaad ah loo bandhigo Shareecada Islaamka.

3:-In la iska kaashado cadowga Alle lagana hortago lala siiwado jihaadka lagula jiro.

 

 

Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbul Islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo heshiis ka gaaray qilaafkii iyo dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa duleedka Kismaayo.

Posted: 10/7/2009 6:34:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

 

Ururka Xisbul Islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta waxaa ay gaareen heshiis lagu dhamaynayo qilaafaadkii iyo dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa duleedka Kismaayo.

 

 

 

Madaxa Siyaasadda iyo gobolada ee xarakada mujaahidiinta AL Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in wadahadalkii dhawaan u socday xarakada mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam uu xiligaan marayo meel miro dhal ah.

 

 

 

Waxaa uu sheegay Sheekhu in qodobo dhowr ah ay ka soo baxeen wadahadalkii xisbul Islaam iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in la isku afgartay inta badan waxaana qodobadaasi ka mid ahaa qodobadaan hoos ku qoran.

 

 

 

1:-In gudi loo saaro Xalinta wixii dhacay.

 

2:-In wixii dhacay ee qilaafaad ah loo bandhigo Shareecada Islaamka.

 

3:-In la iska kaashado cadowga Alle lagana hortago lala siiwado jihaadka lagula jiro.

 

 

 

Dhanka kale xogyahaha Xafiiska warfaafinta Ururka Xisbul Islaam Sheekh Max’ed Macalin Cali oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa isnna dhankiisa waxaa uu sheegay in wadahadalkii dhexmaray xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Xisbul islaam uu mira dhalay islamarkaana qilaafaadkii jiray loo saaray gudi uu sheegay in ay ku sii wajahanyihiin magaalada Kismaayo oo ah halka ay markii hore ka bilaabatay rabshadu.

 

 

 

Xogyahaha ayaa saxaafadu waxaa ay weydiisay in ay ka mid yihiin waxyaabihii la isla soo qaaday Sheekh Axmed Madoobe oo xarakada Mujaahidiintu ay sheegen in uusan ka mid aheeyn Ururka xisbul Islaam,Isagoo Sheegay in haatan arinkaasi la xaliyay islamarkaana Sheekh Axmed Madoobe loo aqoonsaday in uu xisbiga ka tirsanyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Che -Guevara:

I don't think TFG supporters saw this one coming.

You bet..! the TFg saw this coming though.

 

Digniin!!! Maxaase ka jira in heshiis Beenaad dhex maray Alshabaab iyo Xisbul Islaam?

Published: 7 October 2009

KN:Heshiis dhex maray labada Xarako ee dirirtu ka dhex socoto ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay masuuliyiin ka kala socotay labada garab ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

 

Heshiiska oo ka koobnaa sadexda qodob ee hoose ayay KismaayoNews ugu yeertay ”Heshiis Beenaad” ama ”Heshiiska Maaweeliska”. Inta aynaan u galin sababta aan ugu dooranay magac bixintan, heshiisku wuxuu u dhignaa sidatan;

 

1- In Gudi loo saaro xalinta wixii Dhacay

 

2- in wixii dhacay ee Khilaafaad ah loo bandhigo Shareecadda Islaamka, Maadaama Alle SW uu na leeyahay فإنتنازعتمفيشئ 1601;ردوهإلىاللهوا 04;رسول ))

 

3- in la iska kaashado Cadowga ilaahay lagana hor tago Mu’aamaraadka uu Maleegayo Baryahan”.

 

Marka aad qodobada heshiisku ka koobanyahay eegto kuma jiro oo meelna lagagama soo hadal qaadin wax xabad joojin ah. Sida aan wada ogsoonnahay xabad ayaa ka dhex socota labada garab saacad kastana waxay galaafanaysaa nafta dhalin badan oo qiimo ugu fadhida bulshada iyo jihaadkaba, talaabada ugu horeeyana waxay tahay in xabadda la joojiyo.

 

Haday daacadnimo ku dheehantahay heshiiska waxa ugu horeeya ee la isla gaadho wuxuu ahaan lahaa badbaadinta baaqiga hadhay oo waxay isla qaadan lahaayeen xabad joojin bilaa shuruud ah, qodobada kala markaasay iman lahaayeen.

 

Sow hadaba heshiisku Been iyo Maaweelo noqon maayo marhadii wiilashii oo wali xabaddii isku dhilaya laga hadlayo gudi saarid iyo wada shaqayn, mise madaxda labada urur way hurdeen oo haday soo baraarugeen.

 

Dagaalka ka dhex socda labada garab waxaa u dhamaanaysa maalintii 8aad, waxayna u muuqataa in heshiiska ay maanta isla gaadheen madaxda labada Urur uu ku salaysanyahay 8-da maalmood ee dagaalku socdo ka hor. Malaha waxay joogaan todobaad ka hor oo dadka way ka danbeeyaan, hadiise ay dadka ka danbeeyaan iska daa dad iyo dal dhan e, siday ku maamuli karaan dhalinta dirayska ku taagan ee qoriga jeeni qaarsan.

 

Xaqiiqda dacarta ka kharaari waxay tahay; Madaxda labada Urur way ka dharagsanyihiin xaaladdu meesha ay marayso iyo waxa jira intaba, wayna la socdaan cawaaqib xumida ay dhali karto dhalinta isku baaba’aysa basle sidaasay xal u arkeen wax ku kalifayba. Heshiiska ay sheegayaanna waa afka baarkiisa ee shacabbow haku dagmina.

 

Koleey Soomaalidu waxay hore u tidhi "hadaad aragto laba qof oo is haysta ama is dili, midkood baa wax aan la isku ogayn meesha soo galiyay ama ka saaray". Waxaa kale ooy Soomaalidu tidhaah "garri laba nin kama wada qosliso" oo laba ruux oo is qabsaday mid uun baa gardaran.

 

KismaayoNews waxay in badan ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadaan safka Muqaawamada la midayn, taasoon in badan ku celcelinay balse aan dhag jalaq loo siin, wixii aan ka digi jirnayna wakaas dhacay. Hadaba waxaan mar kale u digaynaa Shacabka Soomaaliyeed, waxaanan leenahay ka fogaada goobaha, magaalooyinka iyo tuulooyinka ay wada joogaan labada xarako una qaanshaysta barakac iyo qax hor leh. Waa hadaan Alle sahlin oo boggooda burcad isu marin dadkaan warmaha iskula haliilaya.

 

Bun markii la waayo badalkiisaa la helaaye, hadii ay idiin digi waayeen madaxda labada urur oo runta idiin sheegi waayeen, KismaayoNews ayaa runta idiin sheegaysa oo labada Xarako go'aan waxay ku gaadheen inay birta iska waraabiyaan mid dhaxal idiinku hadhaba.

 

Guntii iyo gabo-gabadii, KismaayoNews waxay aad uga walaacsantahay wadada lagu sii carraabinayo ubixii mudada dheer la soo barbaarinayay iyo sida loo gudoonsanayo in la gunaanado midhihii dacwada iyo Jihaadka ee Gayiga Soomaaliyeed.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

1:-In gudi loo saaro Xalinta wixii dhacay.

 

2:-In wixii dhacay ee qilaafaad ah loo bandhigo Shareecada Islaamka.

 

3:-In la iska kaashado cadowga Alle lagana hortago lala siiwado jihaadka lagula jiro.

Rag dagaalamayaa wax ay isku afgartaan maaha waxani ,,,,,

 

loooooooooooooooooooooooooool@in la iska kaashado cadowga Alle ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this