Sign in to follow this  
Nomadic Activist

Maamulka hore iyo Maamulka cusub ee Beledweyn speak about the recent incident

Recommended Posts

Maamulkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay ineysan oggolaan doonin iney soo dhex maraan waxa ay ku tilmaameen ciidamo beeleed hubeysan.

 

July 29, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Maamulkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin iney soo dhex maraan waxa ay ku tilmaameen ciidamo beeleed hubeysan, tan iyo inta ay dowlada DFKMG Soomaaliya ay hehsiis dhab ah ka gaareyso.

 

Hadal heynta kusaabsan joogitaanka ciidamo katirsan Puntland ee soo gaarey deegaanka Feer Feer kuwaasoo mudooyinkanba ka jirey gobolka Hiiraan, iyadoo mas’uuliyiinta gobol kaasi ay siyaabo kala duwan fikrado uga qabaan ciidamadaasi, ayaa kadib isku dhici shaley dhex marey ciidamo ka yimid Feer Feer iyo maleeshiyo ka amar qaata maamulka gobolka Hiiraan, waxey muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan ciidamadaasi, oo iyagu wararka sheegaya iney kusii jeedaan degmada Jowhar oo uu ku sugan yahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

Cabdulaahi Cabdi Cali “Koofi†oo kamid ah maamulka gobolka Hiiraan oo u waramayey iddaacada HornAfrik ayaa sheegay ineysan xiligan diyaar u aheyn iney oggolaadaan ciidamo uu ugu yeerey kuwa beeleed, oo ay isticmaalaan amaba dhexmara gobolka Hiiraan, tan iyo inta laga helayo ciidamo qaran iyo dowlad mideysan oo si wada jir ah shacabka ugu hawl gala.

 

Tan iyo intii ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi uu magacaabey guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ayaa waxaa yimid khilaaf ba’an oo dhex marey xubnaha labadda gole ee jooga magaalada Balad Weyne iyo maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ay soo baxeen mas’uuliyiinta sheeganaya maamulka gobolka in iyaga loo doortey, waxaa ayna sheegeen iney shir ay ku yeesheen magaalada Balad Weyne ay go’aan ku gaareen ineysan dooneyn iney soo dhex maraan ciidamo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawhar - 29.July.2005 Guddoomiyaha cusub ee ay dawladda federaalka Soomaaliyeed u magacawday gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar ayaa war uu ka soo saaray magaalada Jawhar, ku sheegay in aan gobolka Hiiran laga hor istaagi karin ciidamada Puntland oo uu ku tilmaamay guddoomiyuhu “ciidan Soomaaliyeed oo hawlgal qaran ku jira, gobolka Hiiraanna aan laga xiginâ€.

 

Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ciidan Puntland ah oo ka gudbi lahaa gobolkaas si ay u gaaraan magaalada Jawhar, ay dabley hubaysani u gashay dhexda.

 

Yuusuf Axmed Hagar waxaa uu sheegay in uu Hiiraan yahay gobol Soomaaliyeed oo ay cid kastaa imaan karto, ayna jiraan dad doonaya in ay khalkhal iyo mugdi geliyaan taabba galnimada dawladda federaalka Soomaaliyeed waxana uu sheegay in laga guulaysan doono aakhirka.

 

Ma uu ka hadlayey guddoomiyenimadiisa, waxaa uu sheegay in ay tahay mid sharci ah dadweynaha gobolka Hiiraanna ay taageersan yihiin.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this