Sign in to follow this  
General Duke

Secesionist lose two vehicles to Puntland...THREATS

Recommended Posts

M/Ku Xigeenka SL Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Shir Jaraa'id Qabtay : Haddii Gaadhigii Aan La Soo Celin Waxaanu Ku Soo Celin Tallaabo Militery

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 24 June, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta xafiiskiisa wuxuu ku qabtay shir jaraa'id oo uu kaga waramay dhinacyo badan gaar ahaan gaadhigii tiknikada ahaa ee shallay laba askari oo ka tirsan ciidanka Qarranka gaar ahaanna kuwa ku sugan aagga Adhi Caddeeye ula fakadeen dhinaca Puntland, iyo arrinta Muddo kordhinta golaha guurtida.

 

 

M/ku xigeenka SL Axmed Yuusuf Yaasiin

Ugu horayn Madaxweyne ku xigeenku wuxuu aad ugu dheeraday arrinta muddo kordhinta golaha guurtida oo uu ku tilmaamay inay ku timid baahi balaadhan oo dalku u qabay maadama la soo maray sannaddo is xig xiga doorashooyin tallan taali u dhacay, Axmed Yuusuf Yaasiin M/weye ku xigeenka oo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi "Horta annagu haddii aanu cid daynayno golahii hore ee wakiiladda ayaanu dayn lahayn oo UDUB aqlabiyad balaadhan ay ku lahayd, waxaynu soo gallay doorashooyin is xig xiga 2001 ilaa 2005, waxaanu markaasi iskugu nimid golaha xukuumadda oo ah golaha qarranka, dabadeed waxaanu eegnay in xitaa markaynu qabano ta guurtida waxaa inoogu xigaa yahay tii deegaanka iyo tii madaxtooyada oo afar bilood kala danbeeya, waxaanu markaasi isla qaadanay in ay lagama maarmaan tahay, tahayna arrin qarran (National Issue) inaanu wakhtiga golaha guurtida dib u durkinaa, iyadoo duruufo dhaqaale jireen, iska dhaaf dal curdin ah oo aan la aqoonsanayne kuwa horumaray ayaanay ka suurtagelin in doorashooyin is xig xiga sideena oo kale la qabto, waxaanan leeyahay annagu wax dan gaar ah oo aanu ka leenahay ma jirto, haddii aanu cid daynayna dee golahii hore ee wakiiladda ayaaba nooga kheyr badna oo aqlabiyad aanu ku lahayn waanad ogaydeen xukuumaddu go'aanka weyn ee ay ka qaadatay" ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin M/ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

M/ku xigeenka Mudane Yaasiin oo ka hadlaya Qodobka khilaafka dhaliyey ee Code:19 ama xeer 19, ayaa wuxuu ku tilmaamay mid aan sifo sharci ah markiisa horaba ku imanin "horta waxan ay leeyahiin xeer 19, maaha xeer ee waa qodob duruufi keentay, waxaanan bildhaan idinka siinaya markii golahii hore ee wakiiladdu ansixiyey xeerkani waxaa loogu kordhiyey iyaga oo waxaa isticmaalay golaha guurtida, wakhtigaasi anigu 10 bilood ayaan golahii hore ee wakiiladda ka soo maqna, waxaa jirtay markii xeerkaasi soo baxaayey kumuu jirin 9 qodob oo tallo ahaa isla markaana xukuumaddu soo jeedisay, balse waa qodob ay wateen niman markaasi golaha wakiiladdii hore ku jiray oo dabada ka waday, waxaanu muddo laba cisho gudaheed ah si deg deg ah looga gudbiyey seddexda golaba, waxaad halkasi ka dareemaysaan inuu ahaa qodob dabada laga waday oo la dedejinaayey isla markaana danno gaar ah lagu watay, waana xaaran in la yidhaahdo Xeer maadama aanu wadan sifahii xeer ku dhaqan galaayey waa qodob" ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin M/ku xigeenku.

 

Dhinaca M/ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu ka hadlay arrinta Soomaaliya iyo wajiga ay gashay, wuxuuna usoo jeediyey dhinacyada kala duwan ee Somaliland inay taxadar weyn ka muujiyaan isla markaana Ood la iskaga dhigo masiibaadka ka socda Muqdisho, "markaan ka hadlayo arrintaasi waxaan u jeeda Qaddiyadda Somaliland waa muqadas dhiig u daatay, masiibaadka ka socda muqdisho inaga ayey saamayn inagu yeelanayaan, waana inaynu ood iskaga xidhna" ayuu yidhi Mudane Yaasiin, M/ku xigeenku, isagoo ka hadlaya labadii askari ee dhawaan kala fakaday ciidanka Qaranka ee ku sugan Aagga Adhi Caddeeye Gaadhiga tiknikada ah wuxuu ku eedeeyey in kooxo ku xidhan maxaakiimta islaamku ay lacag badan ku khasireen sidii loo kala furfuri lahaa ciidanka Somaliland ee ku sugan xuduudka, wuxuuna u jeediyey Maamul Goboleedka Puntland digniin kama dambays ah "Haddii la soo celin waayo gaadhigaasi tiknikada ah iyo labadii askari waxaanu ku soo celin doona tallaabo militery" ayuu yidhi Axmed yuusuf yaasiin.

 

Mar saxaafaddu wax ka weydiisay inay xidhiidh la sameeyeen dhinaca Maamul Goboleedka ******teeniya ee Puntland wuxuu sheegay in ay dedaal wadaan odayaasha iyo madax dhaqameedyada jiidaha gobolka Sool, isla markaana ay ka sugayaan jawaab.

 

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 

Somaliland.Org, Hargeisa

 

diridhaba@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka SL Ee Ku Sugan Adhi Caddeeye Oo La Fakaday Gaadhi Tikniko Ah Iyo Wasiirka Gaashandhiga Oo Digniin Diraya

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 23 June, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

Ciidanka Somaliland Ee Ku Sugan Adhi Cadeeye Oo Heegan Sare La Geliyey

Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Qarranka Somaliland kuwa ku sugan xuduudka Somaliland ee Adhi Caddeeye ayaa shallay gelinkii danbe waxay ciidanka kala fakadeen Gaadhi nooca tiknimada ah oo uu ku rakibanyahay qoryaha lidka diyaaradaha iyo ciidanka ee loo yaqaano (Dhishiike), Sidaasi waxaa goor dhawayd khadka telefoonka ugu xaqiijiyey Somaliland.Org Wasiirka gaashandhiga Somaliland Jaamac Gaas Mucaawiye oo hadda ku sugan magaalada Burco.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in labadani askari ay ugala fakadeen gaadhigani tiknikada ah ee uu qorigu ku rakibanyahay dhinaca maamul goboleedka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay khaayimul qarran, Mudane Mucaawiye wasiirka gaashandhigu wuxuu digniin u diray Maamulka Puntland isagoo ka dalbaday inay sida ugu dhakhsaha badanleh u soo celiyaan gaadhigaasi iyo labadaasi askari haddii kale ayuu yidhi wasiirku waxaanu u qaadanayna in Maamulka Puntland ka danbeeyo, isla markaana ay bilaabeen xaalad abuur, daandaansi iyo faragelin, Wasiirka Gaashandhiga Jaamac Gaas Mucaawiye wuxuu sheegay haddii Maamul goboleedka Puntland ay sida ugu dhakhsaha badanleh ugu soo celin waayaan gacanta Somaliland gaadhigaasi iyo labada askari in ay qaadan doonaan tallaabo ku haboon, balse wasiirku tafaasiil kama bixinin tallaabadaasi nooca ay noqon doonto.

 

Wararka aanu khadka Telefoonka kaga helayno magaalada Adhi Caddeeye iyo Caynabo ee gobolka Sool ayaa tibaaxaya in ciidanka Somaliland ee jooga aagaasi la geliyey heegan sare isla markaana ciidanku ay gooyeen ama joojiyeenba dhamaanba waddadii isku xidhaysay labada dhinac, iyagoo baadhitaan xad dhaaf ahna ku bilaabay gawaadhida iskaga gooshaysa magaalooyinka Caynabo iyo Adhi Caddeeye, Tiknikada ku sugan dhinaca adhi caddeeye ayaa iyagana la geliyey heegan aad u sareeya.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 

Somaliland.Org, Hargeisa.

 

diridhaba@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

well this time, the warnings are coming from the Defense Minister and not from the Sports Minister!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

well this time, the warnings are coming from the Defense Minister and not from the Sports Minister!

loooooooooooooool Nuune, this time they mean business! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this