Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Shacabka Somaliland deggenaansho ha muujiyaan: Dogobka xaabo yaan lagu kordhin

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-07-29 (Hadhwanaagnews) Xaaladda dalka ee siyaasadda gurracan ku jira ayaa waxa ka faa'idaysan kara cadaw badan oo u arka arrinta maanta inna hortaal mid ay goldalool ka helaan.

 

Taa macneheedu maaha in dalku ku jiro maalin qadhaadh oo siyaasaddu cakiran tahay. Waxase haboon sidii la innagu yaqaannay inaynu ka faa'idaysanno taariikhdii qadhaadhayd ee inna soo martay oo aynu tanna ku dhaafno adkaysi, isku duubnaan iyo wada shaqayn.

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa 'Hangaraarac lug uma dhitiyo', shacbiga Somaliland na siyaasiyiin la aamusiiyo, ama dastuur qabyo ah oo kolba qolo u tarjumato u baabi'imayso. Way ka diga rogan, waanay dhaafi marxalladdan oo noqon doonta mid turunturro lagu dhaafo.

 

Mucaaridku waa shaqadooda inay dawladda eedeeyaan oo waa jiritaankooda xaqa ah. Waa inay khaladka dawladda sheegaan. Waxase aynu dhammaan isku raacsannahay in nidaamka la ilaaliyo.

 

Dawladdu beryahanba umay dhaqmayn si xil kasnimo leh. Waxabad mooddaa in laga maskax badiyay oo go'aamada dalka lagu maamulayaa ee qallooca ay ugu talo galeen in mucaaridku ka faa'idaysto. Waayo waxa aad u batay falalka niyad jabka leh ee ay ku hagayaan dalka.

 

Tusaale ahaan ururkan Qaran ee la xidhay dawladdu ma isweydiisay inay yihiin Xisbi sharciyaysan oo siyaasadeed mise waa koox isu timi oo gudanaysa xaqa ay u leeyihiin inay is abaabulaan?

 

Haddii ay dawladdu gacanta ku hayso doorashadii oo aan magaca Qaran aanay u oggalayn in lagu daro liiska doorashada, cid u codayn kartaana aanay jirin, malaha waxa haboonayd inay ha iska hadlaane ay iska deyso oo aanay xadhig ku degdegin.

 

Qolada Qaran ayaa iyaguna ka badbadiyay. Waxay ka faa'idaysanayaan asal xumaanta dastuurka dalka ee qalfoofka ah ee aan si hufan u qeexnayn.

 

Waxay dawladda maroojinayaan gacanta si khasab loogu oggolaado inay xisbi siyaasadeed noqdan. Mayse isweydiin in dadka Somaliland 97% u codeeyeen Dastuurkan qoraya in Saddex xisbi keli ahi dalka sharci ahaan ka jiri karaan.

 

La iskuma diidana in DAstuurka dalku u baahanyahay dib u eegis oo ay qodobo badani isburinayaan, hase yeeshee ma haboona in xoog wax lagu doono. mana wanaagsana in sharciga laga sarreeyo oo qof kastaa wuxuu doono ku kaco.

 

Haddaba shacabka Somaliland waxa la gudboon, intaanayyaa tollaayeey beegsan oo aanay caadifadi qaadin, bal inay arrimaha dhuuxaan danta dalkana k afikiraan. Ilaaliyaan nidaamka kala dambaynta oo u daayaan odayaasha, abwaanaaninta, cuqaasha, iyo wax garadku inay arrimaha murugsan ee dalka xal u helaan.

 

Horaynu arrimahan iyo kuwo ka gurracanba xal ugu hellayn innagoo danteenna guud eeganayna, waxana hubaal ah inaynu markan iyo markaleba sidii la innagu yaqaannay reer Somaliland, ay arrimaha xaaladdani keentay la xallin doono.

 

Tifatiraha Hadhwanaagnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

No they are not .... he's just warning against any chaos that this issue might cause in the near future. Some ppl are crazy and that should not affect the stability.

 

good timing ........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this