Sign in to follow this  
Cowke

Shabab Says Somaliland Election Is Haram

Recommended Posts

Cowke   

Muqdisho:"Doorashooyinka Somaliland waa kuwo Baadil ah oo diinta ka fog"Amiirka Dhaqdhaqaaqa Alshabaab.

24. juni 2010

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Dhaqdhaqaaqa Alshabaabul-Mujaahidiinta ayaa canbaareyn usoo jeediyey Doorashooyinka Somaliland,waxayna xaradakadu sheegtay in ay yihiin kuwo ka fog Diinta Islaamka & kitaabka Munsalka ah,iyadoo mas'uuliyiinta Alshabaab ay ka digeen Doorashooyin ay lug ku leeyihiin hay'ado dadka gaalaysiiya islamarkaasna aysan diinteenu ogolayn,waxayna shacabka Somaliland Dhaqdhaqaaqu u sheegtay in ay ka fogaadaan goobaha Doorashooyinka Maamulka lamagacbaxay Somaliland oo ay howlgalo ka fulin karaan.

 

Amiirka guud ee Xarakada Alshabaab Sheekh Muqtaar (Abuu Subayr) oo xalay soo saaray Cajilad Maqal ah oo 26-daqiiqo soconaysa ayaa baadil aanan diinta Islaamka wax lug ah kulahayn ku tilmaamay Doorashooyinka maamulkaas,wuxuuna sheegey in ay kamid tahay Barnaamijyo ka dhan ah Diinta Islaamka oo ay ururo dadka gaaleeya ka wadaan wadamada Islaamka gaar ahaan wadanka Soomaaliya oo ay ka faa'iidaysanayaan dawlad la'aanta ka jirta waqtigan,wuxuuna sheegey in ururkiisu ay ka digayaan dhicitaanka doorashooyinkaas.

 

Sheekh Abuu Zubayr oo hadalkiisa inta badan adeegsanayey Aayado Qur'aan ah,Xadiisyo & Qisooyin ayaa waxaanan ka marnayn tixo gabayo ah oo uu ku caanbaxay intii uu xilkan hayey,wuxuuna muujinayey sida aysan Doorashooyinkaas diinta wax lug ah ugu lahay,wuxuuna ku tilmaamay ku "Daaquud" ah oo haboon in laga fogaado maadaama ay ku lugleedahay kalmada Dimuquraadiyada oo ah mid aanan diinta wax lug ah kulahayn,wuxuuna tix gabay ah ku mujiyey waxa ay Somaliland ugu yeerto Aqoonsiga oo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah.

 

"Dad haduu islaam yahay *dibnaha ka ashahaataan

Mu’miniin ku doodaan *wixii daa’im faray iyo

Diintana ilaawaan *durbaan uu ibleys sido

Dirirada ku dheelaan*duuflaal ku baaqiyo

Dalaal iyo wax lagu lumay*ay daba raqleeyaan

Xukumada kusoo daga*dambigeeda uu dhalo

Diintay ku taalaa *duna laguma dhaafine

Miyaasbe hoosna loo dayin*miyaan daa’inkeyn oran

Duul haduu icaasiyo*duqeyda ay xilsaaraan

Waa jeedal daranoo*iyagii dib ula dhaco

Dal dal ee xabsiga geey*dila iyo rasaas mari

Iyo horiya daba diid"Auu ku yiri tix gabay ah oo kamid ah hadaladii Xigmadaysnaa ee uu khudbadiisa kusoo daray amiirku.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

killing innocent people is haram

 

suicide is haram

 

blowing up people for no reason is haram.

 

calling muslims kufaar is haram

 

cutting hands and legs withough proper trail is haram.

 

digging graves of the long dead is haram

 

blowing up mosques is haram

 

whipping people for any little reason is haram

 

associating yourself with extremist deviants is haram.

 

constantly causing miss chief and mayhem in the land is haram

 

deviding muslims into sects is haram

 

.....

.....

......

.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

Oh The Irony! Somebody, somewhere, has a divine sense of humor

 

Al-sheydamin waxeey rabaana weey xaarantimeeyeen dilka dhaca boobka iyo Rajabeetada oo naagaha laga furana waa xalaalesteen

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this