Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Party leader of NW Somalia comments of TFG fued..

Recommended Posts

SL: Khilaafka DF oo laga hadlay

28 Oct 28, 2010 - 6:37:20 AM

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Sh. Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, isagoo sheegay inuu yahay khilaaf ku saabsan awood-bursi.

 

Faysal Waraabe, wuxuu sheegay in khilaafkaas uu daba joogo khilaafkii uu isku casilay Ra'iisul wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, isagoo xusay inay ula muuqato in khliaafkan uu meesha kaga bixi doono Madaxweyne Sh. Shariif.

 

"Haddii Sh. Shariif gacmaha loo qabtay Ra'iisul wasaarihii hore uuna taas isku casilay ma dhacayso in Shariif Xasan gacmaha loo qabto, balse isaga ayaa meesha ka bixi doona" ayuu yiri Faysal Waraabe.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa sheegay in Sh. Shariif uu doonayo inuu isagu awooda dalka oo dhan uu isku koobo, balse taas aanay beesha caalamku ka yeelayn, ayna ka hortagayaan inta aanu awooda oo dhan maroorsan.

 

Khilaafka u dhexeeya Sh. Shariif iyo Shariif Xasan, oo horay saaxiibo u ahaa, ayaa gaaray heer ay beesha calaamku faragelin ku sameyso, si ay u qaboojiso khilaafka, balse lama oga wixii kasoo baxay kulan dhexmaray Augustine Mahiga iyo labada Shariif.

 

Madaxweynaha Somalia iyo Gudoomiyaha Barlamanaka, ayaa isku khilaafay qaabka codka kalsoonida ah loogu qaadayo Ra'iisul wasaaraha cusub ee uu laba todoobaad ka hor soo magacaabay Madaxweyne Sh. Shariif.

 

Gudoomiyaha UCID, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uusan waxba ka qaban arimaha dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka, isla markaana uu ku dhameeyay waqtiga muran kala dhexeeyay xubnaha ku hareeraysan ee talada la wadaaga.

 

Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda DF ayaa wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo laba garab u kala jabay, iyadoo koox ka mid ah ay qabto in codeynta laga dhigo gacan-taag, halka kooxda kalena ay qabto inuu ahaado qarsoodi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa sheegay in Sh. Shariif uu doonayo inuu isagu awooda dalka oo dhan uu isku koobo, balse taas aanay beesha caalamku ka yeelayn, ayna ka hortagayaan inta aanu awooda oo dhan maroorsan.

:D , priceless, at least he knows his country and is against the President 'In awooda dalka kaligiis isku koobo' lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

i know why you call him the cheif clown, i know you sh**t your pants when this man speaks, why would you post his comments if you didnt think they were important, again we see the typical BAX BAX LANDER qualities, making others look inferior to boost their own weak pathetic ego's.

 

saxib wake up to the real world, you live in the american projects, a nation of refugees on food stamps, who's other relatives sleep outside the kenyan and ethiopian american embassies waiting to leave the failed state of Somalia.

 

I have probably been to bosaso more times then you, and i have only been once, wasnt much (walahi you should organise a food donation waa lagu ducayn laha saxib walahi).

 

This is Somaliland saxib, the mightest Somali state today, give respect to were its due thats the rule of men,

 

but we see another bax bax lander quality again. dont worry what ever helps you sleep at night. :D:D

 

saxib ma iska daya ...saaas ba galay !!! :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garissa pisses on Hargeisa and you know that Saxib, don't come here and try all that. (and even Garissa is shit compared to how real cities are supposed to look like).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this