Sign in to follow this  
Xudeedi

Sanaag: Ilka Jiir Promises To Reform Puntland's Policy Towards Sanaag and Haylaan(pic

Recommended Posts

Xudeedi   

DAAWO SAWIRADA----Wasiirka arimaha Gudaha Puntland GEN. Ilka Jiir Oo Meel Fagaare Ah Kula hadlay Shacabka Magaalada Badhan.

 

ee68a9df1200997b07be8fb0bbdb9f29_L.jpg

 

Badhan:- Wasiirka arimaha gudaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac (IlkaJiir) ayaa maanta waxaa meel fagaare ah kula hadlay dadweyne aad u fara badan oo ku sugan magaalada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag sida uu noo soo tabiyay wariyaha Idaacadda SPR Siciid Axmed Baxwal oo Halkaa kusugan.

 

Hadal kooban uu wasiirka dadkii isu soo baxay uu jeediyay ayaa waxaa u sheegay in ay maalmahaanba u joogeen magaalada Badhan sidii shacabkeeda loogala shaqayn lahaa arimaha nabad galyada caafimaadka waxbarshada iyo sidii maamul logu samayn lahaa gobolkaa.

 

Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale uu dadweynaha Magaalada Badhan uuu sheegay in isaga iyo wasiirada ka socda Puntland ay maalmahaanba wadeen kulamo ay laqaadanayeen waxgaradka gobolkaa ayna komeero kusoo mareen dhamaan magaalooyinka uu ka kooban gobolka Sanaag ee xaruntiisa ay tahay Magaalada Badhan ayna kalka hadlaynay ayuu yiri amaanka dagaanada gobolkaa uu ka kooban loo xoojin lahaa iyo waliba horumarinta gobolka.

 

Wasiirada iyaguna halkaa ka hadlay ayaa waxaa mid ahaa wasiiru Dowlaha aminga qaranka. Kan Madaxtooyada iyo xildhibaano oo dhamaantood u mahadceliyay shacabkii ka soo qayb galay kulankaa isu soo baxa ahaa.

 

Somali Public Radio(SPR)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Shir looga hadlaayay arimaha

gobolka Sanaag ayaa saaka ka dhacay degmada Baran ee xarunta gobolka

Sanaag,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin kala duwan.

 

 

Masuuliyinta

kasoo qaybgashay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha

Puntland Jeneraal Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka jiir,Wasiiru dowlaha

amniga Cali Saalax Xamari,Wasiir kuxigeenka dekadda Abshir Siciid

Saalax,Xildhibaano iyo maamulka gobolka Sanaag oo uu horkacaayay

Guddoomiyaha gobolka Maxamuud Siciid Nuur,waxaana goobjoog ka ahaa

sidoo kale Odeyaal,Haween iyo Ururada Bulshada rayidka.

 

Kulanka

ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Odeyaasha iyo Nabadoonada oo ku

dheeraaday amaanka guud ee gobolka iyagoo soo jeediyey in maamulka iyo

dadweynaha ay isaga kaashadaan sugida nabadgalyada guud taasna ay tahay

arin muhiim ah.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur

oo isaguna halkaas si kooban uga hadley ayaa sheegay in amaanka gobolka

iminka ay tahay mid wanaagsan isla markaana maamulka iyo shacabka ay

isaga kaashadeen.

 

Wasiiru dowlaha amniga Puntland Cali Saalax

Xamari ayaa halkaas kasoo jeediyey khudbad uu kaga hadlaayay muhiimada

ay leedahay in lagu noolaado amaanka,wuxuuna sheegay bulshada oo dhan

looga baahanyahay in maamulka ay gacan ka siiyaan sugida amaanka soona

sheegaan wax weliba ay ka shakiyaan.

 

Wuxuu ku eedeyey Saxaafada

in ay buun buuniyaan siduu sheegay waxyaabo aan loo baahnayn,isagoo ugu

baaqay dhamaan bahda Saxaafada in ay maamulka kala shaqeeyaan arimaha

amniga.Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Gen.Cabdulaahi Ilka

jiir oo ku dheeraaday khudbada ayaa sheegay in socdaalka ay ku joogeen

gobolka ay dhowaan soo gaba gabaynayaan,wuxuuna xusay in hadafka ay u

yimaadeen gobolka ay ku guuleysteen una u hirgelay.

 

Xildhibaano

ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ka qaybgalay kulan kana soo jeeda

gobolka ayaa ugu baaqay maamulka iyo shacabka in ay ka shaqeeyaan

horumarka gobolka.Masuuliyinta ka socota Dowladda Puntland ee ku

sugan gobolka Sanaag ayaa ujeedka koowaad ee halkaas u tageen ay ahayd

in ay ka hortagaan sanaadiiqda doorashooyinka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Shirkan oo saaka barqadii ka dhacay Magalaad Badhan ayaa waxaa looga hadlayey amuuraha gobolka sanaag sida Adeegyada Aaasaasiga ah ee lagama maar maanka h ee ay kamid yihiin Nabadgalyada Caafimaadka Waxbarashada iyo dhamaan waxkasta oo hurumar u horseedi kara guud ahaan Gobolka

munaasibadan oo ahayd mid si heersaraa loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay masuulyiin fara badan ay ka mid yihiin wasiiro xildhibaano aqoonyahano ururada bulshada rayidka

Masuuliyinta kasoo qaybgashay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha Puntland Jeneraal Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka jiir,Wasiiru dowlaha amniga Cali Saalax Xamari,Wasiir kuxigeenka dekadda Abshir Siciid Saalax,Xildhibaano iyo maamulka gobolka Sanaag oo uu horkacaayay Guddoomiyaha gobolka Maxamuud Siciid Nuur,waxaana goobjoog ka ahaa shirkaan Odeyaal,Haween iyo Ururada Bulshada rayidka.

kulankaan ayaa ugu hoorayn waxaa ka hadlay nabadoonada iyo odayaasha gobolka ee ku sugan degmada badhan waxayna ku nuux sadeen inlaga wada shaqeeyo waxkasta oo hurumar u sababi kara gobolka

Sido kale wasiirka arimaha gudaha dawladahab hoose iyo huruimarinta reermiyiga ee dawlada puntland oo khudbad dheer ka jeediyey shirkan ayaa ku nuuxnuuxsaday ugu horayn inlaga wada shaqeeyo amniga gobolka islamarkaana wuxuu ka war baxiyey mudadii dheerayd oo ka maqnaa dalka in uu maqnaa gobolka iyo guud ahaanba waxkastoo hurumar u kenaya gobolada puntland,

Wuxuuna ka codsaday shacabka in lala shaqeeyo cid kastoo waxka qabaynasa gobolka sida hay ,adaa maxaligaa iyokuwa caalamiga ,

Wasiirka oo ku dheeraaday khudbadiisa ayaa waxa uu sheegay in ay guul ka gaareen safarkii ay ku marayeen gobolka dhowaana ay soo gaba gabayn doonaan safarkooda,

Masuuliyiinta kale kulankaan ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiru dawlaa amniga cali saalax xamari,wasiir kuxigeenka dekadda abshir siciid saalax ,gudoomiyaa gobolka sanaag maxamuud siciid dabayl, iyo xildhibaano oo dhamaan tood bushada ku booriyeen bulshada sidii looga wada shaqaynlahaa hurumarka gobolka iyo adkaynta amaankiisa,

Masuuliyiintan oo horay uga soo kicitimay magalada garoowe ee xarunta dawlada puntland islamarkaana ahaa laba qaybbood iyagoo isu qaybiyey gobolada sanaag iyo haylaan ayaa ujeedka safarkooda waxa uu ahaa sidii loo wacyi galinlahaa shacabka ku dhaqan deeganadaas.

 

Nimco Muse

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Credit should go to the people of Sanaag and western Bari for sustaining peace and economic progress.

 

If Gen. Ilka-jir can harness the security system by building the Naval base in Laasqoray as planned, it will be great accomplishment for him.

Besides building local governments, he also needs to consolidate the police and army in Sanaag region as one strong unit with UNDP's help. I think clan militias should be disbanded. I'm sure their concerns can be changed for the better once they come to believe the integrity and transperancy of the administration.

With strong security infrastructure in place, sustainable economic development ensues.

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

The future president of puntland in the making and i see the characteristic of a genuine leader in this man... Good job General Ilka-jir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Despite the many obstacles and blockade barriers, the general's effort in reforming the region with litle resources should be noted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this