Sign in to follow this  
General Duke

Yusuf Geedi watch a footbal match. Banadir V Shabeele Central

Recommended Posts

Jowhar:Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha Soomaaliya oo galabta ka qaygalay cayaar dhex martay gobollada Banaadir iyo Shabeellada dhexe.

- Wednesday, July 27, 2005 at 17:54

 

Jowhar(AllPuntland)- Stadiumka kubadda cagta magaalada Jowhar waxaa galabta ka dhacday cayaar xiiso badan xambaarsanayd oo dhex martay wiilasha gobolka Banaadir iyo kuwa gobolka Shabeellada dhexe.

 

Cayaartan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed , raysulwasaaraha Prof Cali Maxamed Geeddi , guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dalxa , guddoomiyahaha gobolka Banaadir iyo sidoo kale daawadayaal aad u badan.

 

Cayaartan oo kusoo gabo gabowday Labo gool oo ay latimid kooxda gobolka Banaadir iyo hal gool oo ay latimid kooxda Shabeellada dhexe ayaa waxaa hadal gaaban u jeediyay dadwaynihii kasoo qaybgalay madaxwaynaha iyo raysulwasaaraha.

 

Prof: Cali Maxamed Geeddi oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahanyahay in la tayaysiiyo Sportiga dalka Soomaaliya , loona baahanyahay in cayaarahan oo kale mar walba la qabto.

 

Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa hadal gaaban u jeediyay daawadayaashii cayaartan , wuxuun xusay in arimaha ammaanka ay fursad u tahay cayaarahan la qabanayo oo dadku ay is dhex galayaan.

 

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in dawladdu ay bartanka uga jirto hawlihii ay bulshada u qaban lahayd ee ay kamid ahayd sugidda ammaanka.

 

Ugu danbayn madaxwaynuhu wuxuu billad sharafyo kala duwan guddoonsiiyay cayaar yahannadii kasocday gobolka Bannaadir oo cayaartan ku guulaystay.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Those are nice pictures.Soccer has always provided the only glint of hope among the carnage in war tone countries.How about a soccer game between the warloads and all the peace loving people of Somalia?. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this