Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: [Update]Ahlu Sunna militia join governemnt get 5 ministers no PM

Recommended Posts

Ahlu Sunnah oo dalbatey Ra'isal wasaaraha Somalia

17 Feb 17, 2010 - 4:19:19 AM

 

Warar laga helayo shir qarsoodi ah oo uga socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia xubo ka tirsan ururka Ahlu Sunah wal-jamaca iyo Dowladda Federalka ayaa sheegaya inuu marayo meel xasaasi ah.

 

Xogaha kasoo baxaya kulankaan ayaa sheegaya in ururka ahlu-sunah Waljamaca dalbadey in Xukuumadda DFKMG ah laga siiyo Xilka Ra'isal Wasaaraha Somalia iyo Lix Wasiir oo muhiim ah.

 

Waftiga Dowladda Federalka matalaya ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Maaliyada Shariix Xasan iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Absirizaq Jurile iyo Xubin ka tirsan Barlamanka Somalia ahna la taliyaha Sheekh Shariif Mustafa Dhuxulow halka dhinaca Ahlu Sunah uu horkacayo Sh. Ma'alin Maxamud Sh. Xasan.

 

Wadahadaladaan ayaa la rumeysan yahay iney dabada ka riixayaan wadamada daneeya arrimaha Somalia gaar ahaan midowga Afrika kuwaasoo raadinaya in uruka ahlu-sunah Waljamaca lagu soo daro dowladda inta aan la qaadin weeraro la filayo in lala beegsado ururada mucaaradka.

 

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Sh. Shariif iyo Abdirizaq Jurile oo ah Wasiirka Boostada ay u kala ololeynayaan qofka noqonaya Ra'isal Wasaaraha Somalia kaasoo ka imaan doona dhinaca Ahlu Sunah Waljamaca.

 

Wadamada dariska la ah Somalia islamarkaana wel-welka ka qaba awoodda sii baalaraneysa ee ururka Al-Shabab iyo Hisbul Islaam ayaa dalbanaya in la mideeyo dowladda Federaalka ah iyo Ahlu Sunah Wal-jamaca iyada oo ay jiraan khilaaf iyo kala shaki u dhaxeeya labada dhinac.

 

Dowladda Sheekh Shariif madaxda ka yahay ayaa shaki weyn ka qabta awooda gobolada dhexe ay ku yeelanayaan uruka Ahlu Sunaha Wal-jamaca oo dagaal kula jira Al-shabaab iyo Hisbul Islaam iyada xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in dowladda Federaalka ah ka dambeysay in Ahlu-sunah laga qabsado Hiraan kadib markii khilaaf ka dhex-abureen xoogagii ku mideysnaa la dagaalanka mucaaradka.

 

Lama oga halka uu ku dhamaanayo wadaxajoodka Shariif Xasan kula jiro ururka Ahlu Sunah Waljamaca iyada warar lagu kalsoon yahay sheegayan inuu in muddo ah ka shaqeynayey sidii loo badali lahaa Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashid oo kasoo jeeda gobolada Puntland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlusunna ask for Somalia PM position in talks with govt

17 Feb 17, 2010 - 9:02:52 AM

 

Somalia's pro-government Islamist group Ahlu Sunnah Wal-Jamaa is reportedly negotiating for the position of the country’s premier in the on-going talks with the UN-backed transitional federal Somali government.

 

Officials from both sides are holding preliminary talks in the Ethiopian capital Addis Ababa, and according to sources, the talks' theme has changed from discussions on how best to integrate their forces and face their common enemy, Al-Shabaab and Hizbul Islam to negotiations on power sharing.

 

The government side is led by Finance Minister Sharif Hassan Sheikh Adan, Postal and communication minister Abdirisaq Osman Hassan (Jurille) and political advisor to the president lawmaker Mustaf Ahmed Dhuxulow (Dhegdher).

 

Confidential sources say the meeting, which is strongly backed by concerned parties led by African Union including neighboring countries, is meant to push for the inclusion of Ahul-Sunnah into the fragile government.

 

The sources add that Finance Minister Sharif Adan and his Postal and communication counterpart Jurille are engaged in campaign to drum up support for their different successors of the Premiership position with all going for officials from Ahlu Sunnah.

 

Sheikh Adan is said to be uncomfortable with current Prime Minister Omar Abdirashid Sharmarke who hails from Somalia’s Puntland state.

 

However, the strengthening of Ahlu Sunnah's power, a group which only took arms after Al-Shabaab desecrated the tombs of their important sheikhs, poses the biggest nightmare for Sheikh Sharif's government.

 

The fragile government is reportedly mulling over plans to curb the supremacy of the group once the other Islamist groups are eliminated out of the political scene.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good on them, now how do you reconcile the Suffi groups with Sharif Ahmed, Janagow & Co.

 

This is interesting news if its true, then the central regions can be brought under a single admin..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka uga socda Addis Ababa Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah oo maalmaha soo socda natiijo rasmi laga soo saarayo.

 

Shirweynaha magaalada Addis Ababa uga socday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa ku dhow in maalmaha soo socda laga gaaro is afgarad buuxa, iyadoo labada dhinac ay marba marka ka dambeysay ay isaga soo dhowaanayaan sidii hore.

 

Ilo war gal ah ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com in wada hadalka labada dhinac u socda ee galay mudada labada todobaad uu marayo heer gabo gabo, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda natiijo rasmi laga soo saaro.

 

Shirkan oo si aad ah looga ilaaliyay in warbaahinta wax ka ogaato ayaa waxaa goob joog ka ah diblomaasiyiin caalami ah oo ka socota Beesha Caalamka, kuwaasoo xilligan daneynaya is afgarad dhex mara labada dhinac.

 

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Maaliyada oo hormuud u ah Wafdiga Dowladda ayaa lagu wadaa inuu saxiixo heshiiska, halka wafuuda culus ee ka socda Ahlu Sunah shirkaas uga qeyb galaysa ee uu horkacayo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ay iyana saxiixi doonaan.

 

Is afgarad aan wali la shaacin ayaa laga gaaray qodobka Milateriga, oo ah in labada dhinac iskaashi buuxa ka wada sameeyaan la dagaalanka Kooxaha ka soo horjeeda, in la isku daro Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunah ee Gobolada Dhexe iyo in Dowladda KMG ay ku caawiso saanada milateri.

 

Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in wada hadalka oo ah mid qarsoodi ah aad dhegta loogu taagayo, natiijada ka soo bixi karta, hase ahaatee waxaa jira tuhun laga qabi kari in ay marka lagu dhawaaqo heshiiskan in ay dhacaan mucaaradyo, sida horayba u dhacday mararka ay labo koox heshiis gaarto ay ka soo baxaan kuwo gaar ah oo naqdiya.

 

Qodobka Siyaasada ayaa wali is afgarad laga gaarin, waxaase muuqata in labada dhinacba uu jiro isu soo dhowaansho, taasoo suura gal ka dhigi karta in ay heshiis buuxa ka gaaraan, waxaana qodobka uu qeexayaa in labada dhinac ay awood qeybsi ku yeeshaan Dowladda KMG, waxaana la filayaa in Ahlu Sunah ay ugu yaraan xilal culus ka hesho Xukuumada KMG.

 

Shirkan ayaa aad uga duwan shirarkii hore, waxaana agaasinkiisa yahay mid ay Beesha Caalamka ay wado, waxaana muuqata in maalmaha soo socda ka soo baxayaan heshiisyo rasmi ah oo labada dhinac ay ku kala saxiixdaan.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Not really, Ahlu Sunna are stronger than Sharif Hotel, hold more territory and are being supported by the Ethiopians. It was a matter of time they undertsood their importance..

 

Interesting analysis in Garoweonline today..will post it here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This has been in the works for some time. But there are fundamental disagreements in terms of the suggested power-sharing scheme that is being suggested .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

Sherban, this is the crux of the matter. Ahlu Sunna claims to be above clan, and the tfg is based on clannish formula therefore it matters great deal which region the pm comes from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

This is big news.

It is not and it does not weight more than the paper it is written on - but then again let Duke and cohorts get excited about the whole farcical fiasco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don’t like Ahlusuna but as long as they destroy Al-shabaab I welcome them.

 

Note - Ahlusunnah is divided into two camps. The Galguduud camp who recently elected a leader in Caabudwaaq and the Mogadishu camp who also have their own leader so this will complicate the situation even further !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo la sheegay inay heshiis awood-qaybsi ah ku gaareen dalka Itoobiya

 

Khamiis Feb 18, 2010 (HOL) - Sida ay maanta baahisay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga Dowladda Soomaaliya iyo Urur diimeedka Ahlusunna Waljamaaca ayaa shir qarsoodi ah oo ay ku lahaayeen dalka Itoobiya ku gaaray heshiis hordhac ah.

 

Heshiiskan ayaa Ahlu-Sunna u qoondeynaya shan wasiir iyo hal wasiiru-ddowle . Ugu yaraan mid kamid ah wasaaradahan, waxay noqon doontaa mid kamid ah wasaaradaha loo yaqaanno heerka koobaad, oo kala ah: wasaaradaha arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, gaashaandhigga ama maaliyadda.

 

Wafdiyada labada dhinac matalaya ayaa wuxuu shirkoodu socday laba todobaad oo xiriir ah, iyadoo heshiiskan oo hordhac ah uu nqonaya kii ugu horreeyay oo ay isku afgartaan labada wafdi oo ay kala hoggaaminayaan Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan iyo Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo ka mid ah madaxda Ahlusunna.

 

Sidoo kale heshiiska ay dowladda iyo Ahlusunna gaareen ayaa dhigaya in la isku dhafo ciidamada, lana ballaariyo Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda ka kooban 550-xubnood, iyadoo aan la sheegin tirada lagu kordhinayo.

 

Dowladda Soomaaliya wafdigeeda ayaa la sheegay inay ka ogolaadeen Ururka Ahlusunna in la siiyo saddex safiir, sidoo kalena ay helaan taliye ku xigeennada ciidamada kala duwan, sida Booliiska, Milateriga iyo Asluubta, la iskuna daro labada ciidan.

 

Heshiiskan ayaa haddii uu hirgalo wuxuu Ahlusunna ka dhigayaa kooxdii seddexaad oo ka mid noqota Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu doortay shir ka dhacay dalka Jabuuti sanadkii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sherban Shabeel:

So duke you wouldn't mind if Sharmarke was replaced by an Ahlu Sunna commander?

I dont much care adeer, its just ammusing that these clowns are wasting time on power sharing when they have not won the war yet.

 

Sharmarke is also not that important, nor is Sharif, we are already seeing the end game.

 

Ahlu Sunna's importance comes from the taming and setting up of an admin in central Somalia. That would be a key to solving Somalia's problem.

 

Juje again angry at the Duke, why? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale heshiiska ay dowladda iyo Ahlusunna gaareen ayaa dhigaya in la isku dhafo ciidamada, lana ballaariyo Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda ka kooban 550-xubnood, iyadoo aan la sheegin tirada lagu kordhinayo

Now we will have a Parliment of 1100MP's...The Djibouti blue print for success.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this