Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar:World Bank, AU,EU,Arab League IGAD reps hold talks with TFG

Recommended Posts

040805_beesha_Caalamka.jpg

 

 

Jowhar: Wafdi ka socda midowga Yurub , midowga Afrika , qaramada midoobay iyo Baniga adduunka ayaa goor dhow ka dagay Jowhar

- Thursday, August 04, 2005 at 10:39

 

Jowhar(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta ku meel gaarka u ah Dawlada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhow qiyaastaa 11:00 barqanimo ay garoonka diyaaradaha Jowhar kasoo dageen wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka.

 

 

 

Wafdigaasi ayaa waxay isugu jiraan xubno ka socda qaramada midoobey (UN), Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU) Bankiga Aduunka (World Bank) iyo wakiilo ka socda dalal dhowr ah.

 

 

 

Wafdigaasi waxaa si diiran magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyay xubno ka socda labada gole ee dawladda iyo sidoo kale maamulka gobolka Shabeellada dhexe.

 

Wafdigan caalamiga ah oo ka kooban 18 hey’adood ayaa Ra'iisal wasaare Geedi uu u magacaabay gudi ka mid ah golaha xukuumadiisa oo la xaajooda, gididaas oo ka kooban 8 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiiru-dowlayaal iyo wasiir xigeeno si ay wafdigaasi ula xaajoodaan.

 

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, C/risaaq Juriile ayaa laga soo xigtay in ujeedada wafdigaan ay ku jirto una wayn tahay sidii beesha caalamku ay gacan u siin lahay hawlaha dib u dhiska Soomaaliya isagoo xusay in daraasad lagu samayn doono dib u dhiska dalka Soomaaliya, taasi oo ay xaga maalgalinta daraasadaas ay kala qeyb qaadan doonaan dawlada hey’adaha caalamiga .

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka oo ku shiraysa magaalada Jowhar

Jowhar:- Beesha Caalamka ayaa maanta lagu wadaa in shirkoodii ugu horeeyey ku yeeshaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka.

 

Shirkan ayey kasoo qeyb gali doonaan wafuud ka kala socda hay'adaha caalamiga ah iyo ururada matalayey beesha caalamka shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Kenya.

 

Madaxda ka kala socota:

 

IGAD

Midowga Afrika (AU)

Midowga Yurub (EU)

Jaamacada Carabta

Bangiga Adduunka (World Bank )

Qaramada Midoobay (UN)

 

iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe si ay shirkaasi uga qeyb galaan.

 

Guddiga Beesha caalamka oo ah mid lagu dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya wakhtigii uu socday shirka dib u heshiisiinta soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay shir noocaan ah ku yeelanaya dalka Soomaaliya gudihiisa.

 

Shirkan ayey ka qeyb geli doontaa dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Madaxda matali doonta Dowlada ayaa waxaa kamid noqon doona:

 

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Juriile

 

Wasiirka Xuquuda Aadanaha iyo Arrimaha Bulshada Xuseen Ceelaabe Faahiye

 

Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar

 

Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta Mowliid Macaane

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Ibraahim Maxamed *****

 

Wasiiro Dowle Cabdulaahi Azhari

 

Wasiiro Dowle Farxaan Axmed Cali

 

Wasiir kuxigeenka Horumarinta Haweenka iyo Daryeelka Qoyska Sahro C/qaadir C/raxmaan

 

Guddigan dowlada ka socda ayuu shalay magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi.

 

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka maanta ka dhacay jowhar ayaa ah sidii taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed loogu fidin lahaa dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa asagu markii hore lagu xiray in dowlada Soomaaliya ay u guurto dalka gudihiisa si markaa ay beesha caalamku u aragto tilaabooyinka ay qaaday xukuumada Federaalka.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wufuud ka kala socota QM, Midowga Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka degey magaalada Jawhar

Jawhar - 04.August.2005

 

 

Wafdigan oo ahaa kii ugu caalamisanaa ee ilaa iyo haatan gaara magaalada Jawhar oo fariisin u ah dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa ka kala socda Qaramada Midoobey, Baanka Adduunka iyo Midowga Afrika.

 

Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay kulamo kula yeeshaan magaalada Jawhar, madaxda ugu sarsarraysa dawladda federaalka Soomaaliyeed, waxana wafdigan ka mid ah; Danjie Kiblegat oo arrimaha Soomaaliya.

 

Ujeeddada safarka wufuudan ayaa waxaa ugu weyn sidii dalka dib loogu dhisi lahaa iyo dib u heshiisiinta golayaasha dawladda federaalka Soomaalyeed waxanay daraasad ku samaynayaan dib u dhiska dalka

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

 

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magacyada Wakiiladii Caalamka ee Maanta ku shiray Jowhar

 

Gudigii caalamiga ahaa ee CMC iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda ugu horeeyay ka dhacay magaalada jowhar oo ah xarunta waxaa soo dhaweeyay furitaanka shirkaas iyo imaanshaha Guddiga Jowhar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalmiga C/risaaq juriile iyo gudoomiye k/xigeenka barlamaanka prof. Dhalxa iyo xubno kale oo isugu jiray wasiiro wasiiro k/xigeen ayaa uga qeybgalay Soomaaliya shirka, in kastoo markii dambe shirka ku soo hareen deeqbixiyaasha Caalamiga.

 

Wafdiga ka socday hey’adaha 18-ka koobnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan:

 

1- Cristian Balslev oo ka socday Olsen Unicef

 

2- Eric Baume oo ka soda EU

 

3- Moe Husien UNDP

 

4- Isabel Candela oo ka socda EC

 

5- Amp. Maxamed Cali Foum oo ka socda AU

 

6- Priya Gajarat oo Bankiga Adduunka ka socotay

 

7- Maxwell Gaylard oo UN ka Socda

 

8- Amp Kipligat oo wakiil u ahaa dowladaha IGAD iyo dalkiisa Kenya

 

9- Cabadalla Mubaarak oo ka socday Jaamacada Carabta

 

Iyo safiiro ka socday wadamada ka tirsan qaarada yurub

 

Shirkan ayaa looga hadlayay wixii dowladda u qabsoomay tan iyo markii ay dowladda u soo guurtay gudaha dalka soomaaliya iyo wada qorsheynta dalka soomaaliya sidii loo hormarin lahaa.

 

Ugu horeyn waxaa shirkan furay ra’iisul wasaare geeddi oo isagu safar gaaban shirka ku yimid iyadoo laga codsaday inuu shirka furo isla markaana hadalo gaaban uu ka jeediyo shirka wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay beesha caalamka iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha ah isagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo had iyo jeer gacan ka geysta barnaamijyada loogu gar gaarayo ummada soomaaliyeed.

 

Intaasi kadib waxaa warbixin guud ah wafiga u gudbiyay wasiirka qorsheynta iyo uskaashuiga caalamiga c/risaaq cismaan xasan juriile oo isagu gudoomiye u ahaa xubnaha shirka kala qeyb galayay

 

Juriile oo marka uu shirka dhamaaday u waramay saxaafada ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen ilaa fara qodob kuwaas oo ahaa warbxin ay wafdiga ka siinayeen waxyabahii u qabsoomay dowladda intii ay dalka ku sugneed iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee dowladda

 

Wuxuuna sheegay juriile in qodobo ay ka mid yihiin qorshaha barnaamijka mucaawinada la siinayo soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota iyo qorsheynta barnaamijka dib u dhiska soomaaliya

 

Ugu dambeyntii waxa ay wafdiga u ambabexeen magaalada Nairobi oo aheyd halkii ay ka soo hayaameen waxaana la shaaciyay in ay wafdigan ku soo laaban doonaan magaalada jowhar 18-ka bishan.

 

C/Casiis xasan Max’ed (GOLF) Googooye16@hotmail.com

Midnimo jowhar

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

Jowhar: Wafdi ka socda midowga Yurub , midowga Afrika , qaramada midoobay iyo Baniga adduunka ayaa goor dhow ka dagay Jowhar

Can you ration the quota please..! It is not healthy to consume all this baseless lies at once.

Bisinka iyo Tabarak...weji adaga..! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ As always there is more to come, make sure you dont get into shock. :D

 

Wafti ugu heerka sareeyey ee Ka socda Beesha Caalamka oo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar

Posted to the Web Aug 04, 15:24

 

 

Muqdisho:-Wafdi heer caalami ah oo ka socda beesha caalanka ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe,iyadoo ay halkaasina ku sugan yihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo R/wasaare Geeddi.

 

Waftigan oo ka kooban ilaa 18-hay’adood oo ka kala socda Jaamacadda carabta,Qaramada Midoobay,Midowga Yurub ,Midowga Afrika,Wakiilo iyo Hay’ado Calami ah oo ka socda caalamka ayaa ujeedada socdalkoodu waxa uu yahay sidii ay beesha caalamka gacan uga geysan laheyd Dib u dhiska dalka.

 

Waftigan ayaa sidoo kale waxaa safarkooda ku wahelinaya Mr.Batwell Kibligat oo ahaa gudoomiyihii shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida loogu qabtay magalada Nairobi ee dalkasi Kenya,kaasoo lagusoo unkay Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya ee uu Madaxda ka yahay Mudane C/lahi Yuusuf Axmed.

 

Kibligat oo markii uu kasoo degey Garoonka Jowhar saxaafadda u waramayey ayaa sheegay in ay ujeedada safarkoodu uu yahay sidii ay usii wadi lahaayeen islamarkaana ay taageero caalami ah ugu fidin lahaayeen Dowladda Somaliyeed.

 

Waftiga oo haatan ku sugan xarunta Hay’adda UNICEF ee Jowhar ayaa waxaa ay kulamo ay albaabada u xiran yihiin la leeyihiin Wasiiro ka tirsan Dowladda oo gaaraya ila 7-Wasiir oo uu hogaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga calamiga ah C/risaaq Jurille,oo uu maalintii shalay aheyd uu R/wasaare Geeddi u magacaabay in ay qaabilaan Waftigan ka socda Beesha Caalamka,waxana la filayaa markii ay kulankooda dhamaado in ay saxafadda la hadlaan islamarkaana ay uga warbixiyaan arrimihii ay kawada hadleen.

 

Waftiga ayaa markaa ka dibna la kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed,oo ay ugu tagi doonan Xarunta uu Jowhar ka deggan yahay iyagoo ka dibna u ambabixi doona magaalada Nairobi oo ay markii horaba kasoo kicitimeen.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya yimaadaan tan iyo markii Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya lasoo dhisay, Xubno caalamiya wadanka Soomaaliya.Sidoo kalena waa markii ugu horeysay oo muddo 15-sano ka dib ah, ay soo gaaraan Soomaaliya xubno caalamiya,tan iyo intii ay burburtay Xukuumaddii Dhexe ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceel)

Puntlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

^^^ As always there is more to come, make sure you dont get into shock.
:D

Looooool....! This does not shock me sxb, cause I know it does not amount anything more than the paper is written on it.

But since you are into to supplying info..care to tell me more about the intereaction that occured amid the Governor of Banadir Cadde and Jurrile the minister of International Co-operation..?

Plus the dilema and the hamper of things in Hiiraan region , and the unreliable and changing habits of your host in Jowhar... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ You seem to ignore the big events, world donnor bodies coming to the new Capital of Somalia. Yet you concentrate on the hearsay and laymen talk.. :rolleyes:

 

The important thing here is that the government ha skept the support of the international community at the same time gaining a foothold in Southern Somalia.

 

The Hiiraan issue and the one about Cade are yet another example of the tireless spining of the warlord media. they make an ant into an Elephant every two hours. Hiiraan is being threatened by the warlords in Xamar and their lackey Omar Hashi Adan, however do not mistake in the end reason will prevail throught Somalia.

;)

 

Now let me provide you with more info on todays important development, see how safe Jowhar is :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Sxb...I knew you will take it as a jibe, but trust me it was serious questions posed to you. So get rid of the shield for once and answer my questions. I might take your negative answer if it is more convincing than the 'yobson' Times as you say. OK..!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amp. Kipligat oo sheegay in beesha caalamka ay bilaabi doonaan sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen dib u dhiska dalka soomaaliya

 

Amp. Pathwel kipligat oo ka mid ahaa xubnihii maanta soo gaaray magaalada jowhar ayaa sheegay in ay tahay labo arrimood oo waaweyn oo uu ku farxay mid waxa ay tahay buu yiriiAmp. Kipligat in dowladii lagu soo dhisey dalka Kenya ay haatan ka howl galeysa dalkeedii hooyo ayna marti u ahayn haatan dalka Kenya iyo in wafdi heer caalami ah ay maanta la kulmeen xukuumnada federalka Soomaliya.

 

Waxa uu xusay amp. Kipligat in wafdigan ay ahaayeen kuwii garab taagnaa gacana ka geysanayay sidii uu u taaba geli lahaa shirkii ummada soomaliyeed mudada dheer u fadhiyeen gudaha dalka Kenya.

 

Waxa uu sheegay Amp. kipligat in beesha caalamka ay bilaabayaan haatan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib udhiska dalka soomaaliya,wuxuu kaloo sheegay Amp. kipligat in aysan ahayn haatan mid ku cusub dunida in dhibaatooyin ay dhacaan balse waxa uu sheegay inloo baahan yahay oo qura in laxalliyo dhibaatooyibkaa ee kaliya loo baahan yahay in la wada hadlo. Amp. kipligat waxa uu ku celceliyey in ummada soomaaliyeed ay luga heeda isku taagto ay u tahay horumar dhamaan wadamada ku jira urur goboleedka IGAD.

 

Waxa uuu hoosta ka xariiqey Amp. Kipligat in dhamaan dalalka ka mid ah IGAD ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo xasiloon Soomaliya oo horumarsan sababtoo ah buu sheegay in Soomaliya haddii ay horumarto dalalka IGADna hormarayaan. Waxana uu qirey in mar walba dalalka IGAD ay garab taagan yihiin ummada soomaliyeed ayna diyaar u yihiin inay la garabgalaan ummada soomaliyeed sidii loo xalin lahaa mashaakilaadka soo wajaho.

 

Ambassador Kipligat oo ka mid ah wafdiga saaka soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in socdaalkoodu uu ku saabsan yahay sidii ay beesha caalamku u sii wadi lahayd kaalmadii iyo garab istaagidii ay xukuumada fedralka la waday tan iyo shirkii soomaalida ee ka dhacay dalka Kenya.

 

Ambbasador Kipligatwaxa uu xusay in booqashada Jowhar ay ku yimaadeen uu yahay mid lagu farxio,ayna doonayaan sidii ay beesha caalamka uga qeyb qaadan lahaayeen dib udhiska dalka soomaaliya iyo soo celintii adeegyadii bulshada

 

Dhanka kale waxaa sidoo kale hadalo gaaban ka soo jeediyay markii uu shirku idlaaday Mss Priya oo ka socotay Bangiga Adduunka waxayna sheegtay Mss Priya in kulankii ay la qaateen guddidii ka socotay xukuumada federalka uu ahaa kulan wax ku ool ah uuna ku dhacay jawi wanaagsan ,waxayna xustay inkulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah u yeeshaan beesha caalamka iyo xukuumada federalka uu ahaa mid ifinaayo taageero loo fidiyo dowlada taageeradaas oo isugu jirta mid dhow iyo mid dheerba ee mustaqbalka ah,waxaana intaa raacinayaa ayay tiri in si loo sii wado wada xaajoodyada caynkan ah ay dib u soo laaban doonaan muddo labo toddodaab ah kadib.

 

Waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh soo jeediyay u qeybsanaha isku dubaridka deeqaha caalamiga ah ahna madaxa hayadda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee Soomaaliya Maxwell Gaylard waxana uu sheegay Gaylard inuu ku faraxsan yahay in wadhadaladii maanta ayla yeesheen xukuumada federalka uu ku dhacay jawi is afgarad uuna rajeynayo in mustaqbalka beesha caalamka ay sii wadi doonaan caawinta iyo kaalmada ay siinayaan shacabka soomaaliyeed.

 

FG:- Fadlan dhowr xuquuqda sawirada

 

C/Casiis xasan Max’ed (GOLF) Googooye16@hotmail.com

Midnimo jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

I guess you have no questions.. Let me put this to you, what do you think of the progress of the TFG since relocating to Jowhar??

Null & void.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ good answer never the less bro...

 

Wakiilada Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka oo maanta ku shiray Jowhar

Posted to the Web Aug 04, 09:25

 

 

Gudigii caalamiga ahaa ee CMC iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda ugu horeeyay ka dhacay magaalada jowhar oo ah xarunta waxaa soo dhaweeyay furitaanka shirkaas iyo imaanshaha Guddiga Jowhar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalmiga C/risaaq juriile iyo gudoomiye k/xigeenka barlamaanka prof. Dhalxa iyo xubno kale oo isugu jiray wasiiro wasiiro k/xigeen ayaa uga qeybgalay Soomaaliya shirka, in kastoo markii dambe shirka ku soo hareen deeqbixiyaasha Caalamiga.

 

Wafdiga ka socday hey’adaha 18-ka koobnaa ayaa waxa ay kala ahaayeen sidan:

 

1- Cristian Balslev oo ka socday Olsen Unicef

2- Eric Baume oo ka soda EU

3- Moe Husien UNDP

4- Isabel Candela oo ka socda EC

5- Amp. Maxamed Cali Foum oo ka socda AU

6- Priya Gajarat oo Bankiga Adduunka ka socotay

7- Maxwell Gaylard oo UN ka Socda

8- Amp Kipligat oo wakiil u ahaa dowladaha IGAD iyo dalkiisa Kenya

9- Cabadalla Mubaarak oo ka socday jaamacada carabta

10- Safiiro ka socday wadamada ka tirsan qaarada Yurub

 

Shirkan ayaa looga hadlayay wixii dowladda u qabsoomay tan iyo markii ay dowladda u soo guurtay gudaha dalka soomaaliya iyo wada qorsheynta dalka soomaaliya sidii loo hormarin lahaa.

 

Ugu horeyn waxaa shirkan furay ra’iisul wasaare geeddi oo isagu safar gaaban shirka ku yimid iyadoo laga codsaday inuu shirka furo isla markaana hadalo gaaban uu ka jeediyo shirka wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay beesha caalamka iyo hey’adaha deeq bixiyeyaasha ah isagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo had iyo jeer gacan ka geysta barnaamijyada loogu gar gaarayo ummada soomaaliyeed.

 

Intaasi kadib waxaa warbixin guud ah wafiga u gudbiyay wasiirka qorsheynta iyo uskaashuiga caalamiga c/risaaq cismaan xasan juriile oo isagu gudoomiye u ahaa xubnaha shirka kala qeyb galayay.

 

Juriile oo marka uu shirka dhamaaday u waramay saxaafada ayaa sheegay in ay wafdiga kala hadleen ilaa fara qodob kuwaas oo ahaa warbxin ay wafdiga ka siinayeen waxyabahii u qabsoomay dowladda intii ay dalka ku sugneed iyo dhaqdhaqaaqa shaqo ee dowladda.

 

Wuxuuna sheegay Juriile in qodobo ay ka mid yihiin qorshaha barnaamijka mucaawinada la siinayo soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota iyo qorsheynta barnaamijka dib u dhiska Soomaaliya .

 

Ugu dambeyntii waxa ay wafdiga u ambabexeen magaalada Nairobi oo aheyd halkii ay ka soo hayaameen waxaana la shaaciyay in ay wafdigan ku soo laaban doonaan magaalada jowhar 18-ka bishan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this