Sign in to follow this  
General Duke

Backlash against Nur Cade begins

Recommended Posts

Qaar kamida mudaneyasha barlamanka DFKMG oo ugu Baaqay In ay Iscasisho...

 

Ayadoo Maal mihii ugu Dambeeyay ay Qaar ka Mid ah Mudane yaasha Baarlamanka Soomaaliya ay ka hadlayeen War Bixin ay Soo Gudbisya Gudiga Maaliyada Ee Baarlamanka ayaa Maanta ku dhowaad 30 Mudane oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya Waxa ay Mudane Yaasha Baarlamanka u Soo gudbiyeen Qoral Qeexayay In Markaasi Xukuumada DFKMG ah ay ku Fashilantay Qaabka Maaliyada Ee Qaranka Islamarkaana looga Baahan Yahay in ay Xilka Isaga Degto.

 

Xildhibaan Adrabaca Sh/Maxamed oo ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa Waxaa ay Xildhibaanadaasi u sheegtay in looga Baahan Yahay in ay Go’aan ka Qaataan Xukuumada FKMG ah Ee Soomaaliya oo ay ku Tilmaamtay in ay Tahay Mid Masuuliyad ay ka Saarneyd in ay Ilaaliso Howlaha Qaranka Islamarkaana dayacday .

 

Xildhibaanada Sidookale Waxaa ay ugu Baaqday Madaxweynaha Soomaaliya C/lahi Yuusuf Axmed in uu Aqristo Warbixinta ay Soo Gudbiyeen Gudiga Maaliyada Kadib Markii ay La Soo Xisaabtameen Xubnaha Maaliyada DFKMG ugu Qaabilsan .

 

Si kastaba ha ahatee Qoraalka mudane yaasha Baarlamanka DFKMG Loo Jeediyay oo ka Hadlayay Arimo Farabadan ayaa Waxaa la gu Wadaa in maalin nimada Sabtiga Soo socota Mudane yaasha ay ka Doodidoonaan si ay Go’aam uga Soosaaraan .

 

C/fitaax Amiin Max’med

SBCInternational- Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaal baarlamanka ka tirsan oo ugu baaqay ra’isul wasaare Nuur Cadde in uu is casilo.

 

In ka badan 30 mudane oo ka tirsan baarlamanka federalka Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay ra’isul wasaaraha dowladda Nuur Cadde in uu is casilo,iyagoo usoo jeediyay eedeymo dhowr ah oo ay ka mid tahay fadeexad dhinaca maaliyada ah iyo in ay dowladiisu ku fashilantay arrimaha amaanka.

 

In ka badan 30 mudane oo ka tirsan baarlamanka federalka Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay ra’isul wasaaraha dowladda Nuur Cadde in uu is casilo,iyagoo usoo jeediyay eedeymo dhowr ah oo ay ka mid tahay fadeexad dhinaca maaliyada ah iyo in ay dowladiisu ku fashilantay arrimaha amaanka.

 

Qoraal ay maanta saxaafada usoo bandhigeen mudanayaal gaaraya 32 mudane ayaa waxaa uu ku eedeeay dowladda Nuur Cadde dhowr arrimod ,waxaana uu qoraalkaasi u qornaa sidan:

 

Kadib markii aan dhageysanay doodo hore iyo aragtidii xildhibaanada baarlamanka federalka ku meel gaarka ah ee ku wajahan fadeexadda ka taagan maaliyada iyo dakhliga dowladda,waxaan soo jeedineynaa qodobada kala ah:

 

1-in uu baarlamaanka federalka ku meel gaarka ahi u aqoonsado fadeexada uu soo bandhigay guddiga maaliyada iyo lacagta iyo hantida qaranku in ay tahay fadeexad maaliaydeed oo ay si wadar ah u gashay xukuumada federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed.

 

2-In uu barlamaanka federalka ku meel gaarka ahi fasoxo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hey’adaha garsoorka iyo hey’adaha kale ee shaqada ku leh ilaalinta hantida qaranka in ay qaadan talaabo kasta oo sharciga waafqasan oo lagu baarayo cid kasta oo ku lug leh fadeexada maaliyada.

 

3- Si ay u suuragasho in ay hey’adahaasi sharciga iyo kuwa ilaalinta iyo daba galka hantida qaranku u fuliyaan waajibaadkooda sharciyeed waa in la siiyo ciidan iyo taakuleynta ay u baahdaan.

 

4- maadaama ay xukuumadu ku fashilantay in ay dhameystirto qaab dhismeedkeedii ,in ay sameyso miisaaniyad iyo in ay xakameyso xaalada amniga oo boob dhaqaale iyo nabad geliyo xumo ay soo kordhisay waa in ay si deg deg ah isu casisho,madaxweynaha jamhuuriyada federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliyana waxaan ka codsanaynaa in uu is casiladaas aqbalo.

 

Ra’isul wasaaraha ayaa horay loogu eedeeyay arrimo badan oo ay ka ka mid tahay in wixii ka dambeeyay markii uu talada la wareegay ay sii laba jibaarmeen kooxaha argaixisada iyo nabad diidka,uuna ka gaadbiyay wax qabadkii looga baahnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Nuur Cadde oo loo gudbiyay Baarlamaanka

31. Juli 2008

 

 

Baydhabo(AllPuntland)-Waxaa maanta xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay shir guddoonka kulamada Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde, kadib kulan manta Baarlamaanka ay yeesheen oo ka dhacay Baydhabo.

 

Kulankii maanta Baarlamaanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa gacanta loo saaray mooshin ka dhan xukuumadda Nuur Nuur Cadde taasoo ay soo gudbiyeen 31 Mudane oo ka careysan qaabka ay xukuumadda u shaqeyso iyo eedeymo ay u soo jeediyeen.

 

Mooshinkan ayaa waxaa uu ka dalbanayaa xukuumadda Nuur Cadde in ay iska casisho xilka maadaama ay ku fashilantay soo gudbinta miisaaniyada iyo qarashaadka kale ee dowladda, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay ku takri fal dhaqaale soo galay Dowladda Soomaaliya.

 

Waxaa la filayaa in mooshinkan uu noqdo mid ay ka doodaan Baarlamaanka iyadoo xukuumadda ay inteeda badan ku sugan tahay magaalada Muqdisho, waxaana haatan taagan khilaaf ka dhex jiro xubnaha Golaha Wasiiradda kaasoo ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Maxamed Dheere.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this