Sign in to follow this  
xiinfaniin

Kismayo port besieged by militia!

Recommended Posts

Kismaayo (30 May 07), Waxaa shalay casar gaabadkii xanibay hawlihii ka socday dekedda Kismaayo oo ay ku xidhnaayeen ilaa iyo 6 doomood oo u rarnayd ganacsatada gobolka isla mar ahaantaan banaanka uga soo caydhiyay shaqaalihii dekedda maleeshiyada gacanta ku haysa maamulka magaalada Kismaayo.

 

Maleeshiyaddan oo ka cadhaysan mushaar la'aan ay ahaayeen intii ay gacanta ku hayeen magaalada Kismaayo iyo 2-dii bilood ee ka horaysay ayaa shalay ku amray shaqaalihii dekeddu inayna soo shaqo tagin ka dibna xidhay dekedda ayagoo waliba ku hanjabay inayna dib danbe u ogolaanayn inay dekeddu shaqayso tan iyo inta laga siinayo mushaaradooda oo dhawr jeer oo horana balanqaadyo loo sameeyay ayna waxba ka hirgalin.

 

Maleeshiyadan xanibtay hawlihii ka socday dekedda oo ah tan ayadu gacanta ku haysa maamulka dekedda iyo kan garoonka diyaaradaha ayaa ku tilmaamay waxaan loo dulqaadan karin, lana aqbali karin inaan ilaa hadda wax mushaaraad ah aanaan ka helin dekedda iyo garoonka oo si caadi ah u shaqaynaya.

 

Waa markii labaad ee maleeshiyada gacanta ku haysa Kismaayo ay xanibaan hawlaha ka socda dekedda ayadoo bishan 13 keediina ay xidheen, balse dib loo furay kadib markay balanqaadyo ka heleen maamulka dekedda. Maleeshiyadan ayaa sidoo kale ayagoo ka gadoodsan warar sheegayay in dekedda mushaar laga siiyo maleeshiyada Buuloguduud ee ay iska soo horjeedaan ayaa todobaadkii hore banaanka uga baxay magaalada ayagoo ku hanjabay inay weerar ku qaadayaan Buuloguduud hadii aan sida ugu dhakhsiinyaha badan mushaar loo siinin.

 

Xaaladda nabad galiyo ee magaalada Kismaayo ayaa ka sii daraysa ayadoo ay jiraan dhac iyo boob loo gaysto bulshada rayadka xiliyada habeenkii isla markaana hadh cad la dhaco gawaarida raaxada. Waxaa sidoo kale magaalada ka jirta cabsi ah inuu dagaal ka qarxo xili kasta oo dhex maro maleeshiyadda gacanta ku haysa iyo maleeshida ku sugan magaalada banaan keeda.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The elders of the militias in control of Kismaayo have made it a noble habit of giving some of the port money to the displaced militias in Buulogaduud as form of appeasement and garnaqsi. Yaan laka xumaan bay islaahaayeen. However, they have done that to the marginalization of their own men.

 

This is a way to express their frustrations and according to parliamentarian Cabdirashiid Xiddig (Afmadow/Dhoobley constituency), who is the TFG's envoy to the city, they have every right to do so.

 

Maleeshiyooyin Ka Caraysan Mushaar La'aan Oo La Wareegay Dekadda Kismaayo

May 30,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Ciidamo gadoodsan oo Mushaar doon ah ayaa gudaha u galay dekadda caalimaga ah ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay joojiyeen dhaqdhaqaagii ganacsiga ee dekadda. ciidmadaan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa hawada u ridaya xabadaha ka dhaca qoryaha Lidka dayuuradaha. Waxaana ay diiden in dadku ay galaan ama ka baxaan dekadda oo xilliyadaan oo uu soo dhaw yahay Bad xiranka uu mashquulkeedu badan yahay.

 

Maareeyaha Dekada Kismaayo Deeq Caabi Xasan ayaa sheegay in ciidamadaan aysan waxaba u dhimin qasnadaha Dekada balse ay la wareegeen guud ahaan dekada ayna cayriyeeen Ilaalada gaarka ah ee dekadda. Caabi waxaa uu qiray in Ciidamadaana ay xaq u leeyihiin mushaarkooda, balse waxaa uu dhaleeceeyay tallaabooyinka soo noqnoqda ay ku qabsadaan dekadda oo haysa adeega qaranka sida uu warka u dhigay.

 

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo goor dhaw shir jaraaid ku qabtay Hotelka Maridian ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaan ay gar u leeyihiin xirashada dekadda
, waxaana uu sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay lunsadeen maaliyada ka soo xaroota dekadda ayna yartahay inta loo diro dhinaca wasaarada Maaliyada. “ waxaan aaminsanahay in lacag lunsashada ka socota dekada iyo iyagoo waayay mushaarkoodii ay xaq uga dhigayso Ciidamada in ay xiraan dekadda”
ayuu yiri xildhibaanka oo ka soo jeeda Degmada Badhaadhe una jooga Kismaayo xalinta khilaafaadka ka aloosan.

 

Aqoonyahan iyo odayaal ayaa waxaa ay ku hawlan yihiin ka soo saarida dekadda maleeshiyaadkaan oo ka wada tirsan guutooyinka koowaad iyo seddexaad ee xooga dalka ee ku kala tagay colaad salka ku haysa qabyaalad.

 

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

What wrong with this roaming and uruly militia, no wonder they couldn't stand the return of law and order, I guess the good old days of JVA is hard to let go...

 

Give us the "XAQ BAY ULEEYIHIN" style yaa Horn, of course they do :D ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

This militia is really silly! Why shut down the very source of revenue and yet complain about lack of salaries? How would that solve the problem? Why not collect port duties instead, and let the business flow continue if it controls the city, as it does by all accounts?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dekedda Kismaayo oo dib u howl-gashay ka dib markii laga qaaday maleeshiyadii qabsatay

 

Click here to find this article in English

 

Mogadishu 31, May.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha iyo waxgaradka beesha **** ayaa ku guuleystay in ay dib u furaan dekedda magaalada Kismaayo oo kooxo dableey ah u xirneyd.

 

Dib u howl-galista dekedda magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay ka dib markii odayaasha dhaqanka ay ku guuleysteen in ay ku qanciyaan maleeshiyooyinka qabsaday dekedda in ay dib ugu laabtaan xeryihii ay ka soo baxeen.

 

Warar ku dhow dhow odayaasha ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyinka loo sameeyay balanqaadyo lacageed.

 

Saraakiisha hogaamineysay dekedda magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay ishortaageen howlaha shaqo ee dekedda magaalada Kismaayo ka dib markii ay waayeen musuhaaraadkooda muddo bilooyin ah.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo howlaha shaqo ee dekedda magaalada Kismaayo ay ishortaagaan maleeshiyooyin sheeganaya lacago mushaaraad ah oo ka maqan.

 

Click here to find this article in English

 

Max'ed Axmed

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Ma laga qaaday Malayshiyadii? lol Good news, Laakiin what is the point? Kolay Barri ayay kulaabanayaanee, ileen isma celin karaanee waa wax loo bartayee?

 

N/AA just guess when will they move in again? or will this time be somewhere else, perhaps the Airport or the main Market the Old Style Isbaaro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this