Sign in to follow this  
Siciid1986

War-degdega Golaha Guurtida Oo Maanta Isku Farasaaray Muddo Kordhinta Hortaala

Recommended Posts

Hargaysa(Waaheen)Gac anka hadal iyo cay ayaa lagu soo gabagabeeyay fadhigii Golaha Guurtida ee maanta kadib markii muran ka dhashay soo jeedin uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku dalbaday in arrinta muranka muddo kordhinta loo talo badsado oo fadhiyo danbe la isugu yimaado,taasoo markaliya circa ku shareertay xaaladii golaha

 

Golaha ayaa u kala jabay laba kooxood oo ay midi diidan tahay soo jeedinta Guddoomiyaha qolana taageertay.

 

Qolada ka hor timid soo jeedinta Guddoomiyaha ayaa waxay ku eedeeyeen inuu inqilaab wado oo aanay ahayn in dib loo dhigo Go’aanka Golaha maadaama ay keeni kari waayeen Xisbiyadu talo lagaga bixi karo xaalada taagan oo ay u arkaan in muddada loo kordhiyo xukuumadda talada haysa, halka kooxda kale ee taageertay soo jeedinta Guddoomiyuhu sheegeen in loo baahan yahay inaan lagu degdegin arrinta ee loo talo badsado

 

Si kasta ha ahaatee soo jeedinta Guddoomiyuhu waxay markiiba abuurtay tuhun isa soo tarayay oo lagu eedaynayay Saleebaan inuu maleegayo laba fursadood mid uun oo ta kowaad tahay inuu isku wado kursiga halka aragtida taa la mid ka ahi Saleebaan u argot inuu Xisbiyada Mucaaradka ah lugta u qabanayo xukuumadda oo uu la sugayo Go’aanka Golaha inay ka horeyso Maamuus ka xayuubinta ay wadaan Golaha Wakiiladda taasoo ay ku doonayaan in talada lagaga tuuri karo Madaxweynaha

 

Arrintan waxa isla markiiba qaylo dheer maanta ku weeraray odayga ugu da’da weyn Golaha Xaaji Cabdi Waraabe waxaanu ku tiraabay soo jeedinta Guddoomiyuhu inay tahay inqilaab oo aanay yeelayn in dib loo dhigo talada Goluhu leeyahay isl;a markaana aan cid danbe lagala tashanayn awooda Dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

 

Xildhibaan Dheeg ayaa isna isaga oo cadhaysan ayaa cod dheer ku yidhi Guddoomiye maxidhi kartid Golaha, ciyaalkan aad noo soo dirtayna waxba naga qaadi maayaan halkani waa Hargeysa oo waxba nagaga qaadi maysid

 

Xildhibaan Cawil oo ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageerayay Guddoomiyaha ayaa Xaaji Cabdi Waraabe si ba’an u weeraray waxaanu sheegay inaan maanta laga yeelayn in muddo kordhin la sameeyo, waxaanu intaa u raaciyay inaanay soconaynin mardanbe masiirka ummadda in la iibsado

 

 

Markaliya ayaa waxa ka aloosmay madashii in gacanta la isula tago oo lababa meel isku qabsadaan, balse Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Siciid Timaweyne ayaa la hadlay xildhibaanadii waxaanu ku qanciyay in golaha laga baxo oo la ixtiraamo soo jeedinta, waanay ka aqabaleen

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Xildhibaan Dheeg ayaa isna isaga oo cadhaysan ayaa cod dheer ku yidhi Guddoomiye maxidhi kartid Golaha, ciyaalkan aad noo soo dirtayna waxba naga qaadi maayaan halkani waa Hargeysa oo waxba nagaga qaadi maysid

That is an awfull sign. Ilaahayaow dadkan Haqa fahamsii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this