Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Yaa is gaaray...

Recommended Posts

Salaan dhamaan.

 

Awoodooda sadex bilood xataa ma dhameysan, dadkii inay karbaashaan iyo caburiyaan ayeeba keeneen.

 

Wax awalba dad maleeshiyo iska ahaa, oo diin aqoontooda eber iska ahayd, islamarkiina 'wadaad' iska dhigeen waxee ahaayeen banaanka ayeeba iskaga soo baxdaa.

 

All this happened the last few past days.

_________________

 

Xaawo Ciise Wehliye oo ka socotay Hay'adda IIDA oo hoos tagta Dalladda Haweenka COGWO ayaa madashii shirka ka soo jeedisay hadal isugu jiray dhaliil iyo talo, waxayna ugu horeynta Maxkamadaha ku eedeysay in ay waddooyinka Muqdisho ku daadiyeen dhalinyaro isku heysta Qori iyo Garbaash, kuwaasi oo aan wax nidaam ah lahayn, "maalin dhaweyd aniga oo socda agagaarka Baar Ubax ayaa waxaan la kulmay Wiil dhalinyaro ah oo garbaash la dhacaya Nin la ii sheegay in uu ku qaldamay Wadada oo uu seed uusan lahayn ka dhigtay gaari uu watay, ninkaas markii uu ka xanuunsaday garbaashkii lagu dhuftay wuxuu isku dayay in uu ninka qoriga ka boobo, hayeeshee waxaa isugu tegay ciidamadii maxkamadda, weyna kaxeysteen, ilaa iyo haatan ma aqaano sheekada ninkaas meesha ay ku dameysay" ayay tiri Xaawo Ciise oo maxkamadaha kula talisay in ay nidaamkaas wax ka bedelaan.

 

Dhacdooyinka noocaas oo kale ah in ay dhici karaan waxaa garawshiyo ka bixiyay Shiikh Aadan Cilmi oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada, wuxuuna sheegay in maalin dhaweyd ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dhacday dhacdo tan ay Xaawo sheegtay la mid ah, wuxuuna intaas raaciyay in ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degeen Haweeney iyo Gabdho ay dhashay oo Xamar booqasho u yimid, kuwaasi oo sida uu maleeyay laga keenay Dalalka Reer Galbeedka balse Dubai looga soo labisay xijaab aysan aqoonin sida loo qaato. Shiikhu wuxuu sheegay in gabdhaha markii ay garoonka ka soo degeen ay mid ka mid gambadii madaxa ugu xirneyd ka dhacday kadibna uu askari ku sugnaa garoonka uu gabadhii Garbaash u baaciyay dabadeedna uu ku yiri "Naa is-astur", hayeeshee ay gabadhii ku tiri kalmad caay ah oo af-ingiriis ahayd, taasi oo haddii askariga aqooni lahaa ku kalifi lahayd in uu xabad ku dhufto.

 

Hiiraan.com

__________________

 

"Maxaakiimtu ma ahan in ay ku mashquulaan, habar gurbaankeeda iyo Wiil food ka jaridiise ee waa in ay..."

 

Aqoonyahankan waxa uu sheegay diinta Islaamku in ay tahay nasiixo, sidaasi daraadeed waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dhlinyarada qaarkood ay karbaash iskala dhacaan dadka, waxaan haboon buu yiri hadii ruuxu uu qaldan yahay in la saxo lana waaniyo.

 

Soomaaliweyn.com

__________________

 

Isu soo baxyo Alla Bari ah oo Ciidamada Maxakiimta Islaamiga Rasaas ku fureen

 

Kadib markii habeenkii xalay ahaa bisha Madoobatay waxaa mar kaliya Xaafadaha Magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbaxayo Ilaahay lagu toogayay ama bannaanbaxyo Alla bari ah, hase ahaate markii dadweynihii isu soo baxay ayaa waxaa caqabad ku noqday Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho.

 

Xaafadaha Boondheer,Siinay, Wardhiigley, Shibis ayaa laga maqlayay dhawaaqa rasaasta ka dhacda qoriyaha fud fudud,waxayna diideen Maleeshiyaadka Maxkamadaha in la bannaanbaxo oo Ilaahay la tuugo.

 

Midnimo.net

__________________

 

Warar deg-deg ah oo ka imaanaya degmada Jowhar ee Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Idaacadii degmadaas albaabbada la isugu dhuftay, waxaana xiritaanka idaacadda ay ka dambeysay amar ka soo baxay Maamulka Makamadaha ee ka jira Gobolkaas.

 

Maamulka ayaa waxay horay ugu amreen shaqaalaha Idaacadda Jowhar inaysan sii dayn karin wax heeso Jacayl ah isla markaana ay sharciga hor keeni doonaan wariyihii ama farsamo-yaqaankii isku daya inuu saaro hees jacayl ah noocay doonto ha ahaatee.

 

Buntilaanboost.com

________________

 

Degmada qadiimiga ah ee X/weyne oo ay ku taala shineemada caanka ah ee Supper ayaa laga joojiyey daawashada aflaanta hindiga ah & ciyaaraha, kadib markii maxkamada Islaamiga ah ee degmooyinka X/weyne & X/jajab ay ku wargeliyeen dadka shida shineemooyinkaasi in aan la shidi karin shineemadaasi & kuwo kale ee ku yaala degmadaasi ee la sameeyey xilliyadii dagaalada sokeeye.

 

Dhinaca kale, howlgal ay sameeyeen ciidanka maxkamada Islaamiga ah ee X/jajab & X/weyne ayey albaabada isugu dhifteen shineema Afrika & shineemo Apollo oo ku wada yaala xaafada Gaheyr ee degmada X/jajab, waxaana shineemooyinkaasi u daawasha tegi jiray dhalinyaro, dumar & caruur xiiseeya daawashada aflaanta hindiga & ciyaaraha.

 

Dayniile.com

_________________

 

Gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho kuwaasoo hase ahaatee joojiyey heesihii iyo muusikadii ay shidan jireen inta ay ku guda jiraan hawsha rarida rakaabka ee gaariguna uu socdo, ka dib markii darawalada gaadiidka dadweynuhu ay ka baqeen ciidamada maxaakiimta ee fadhiya inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho oo iyagu horey darawalada digniino ugu siiyey inaysan shidi karin wax heeso ah oo hadiiba ay wax dhegeysanayaan uu u banaan yahay dhegeysiga Quraanka iyo cajaladaha kale ee diiniga ah.

 

Xarardheere.com

________________

 

Taloow yaa u sheego amar ku taagleen inay shaqeyn weysay labaatan iyo kow sano xukuumad xoog ku socotay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rasuulka SCW wuxuu yiri, "qofkii idinka mid ah oo xumaan arko, haku reebo gacantiisa, haduusan awoodin, afkiisa, haduusan awoodin, qalbiga haka naco, taasina waa iimaanka qeybtiisa ugu hooseysa".

 

Marka MMA qofkii diinta u gargaaro inaad dacaayad kula dhaqaaqdid, oo xitaa karbaashkii yaraa ee dadka lagu toosinayay aad toosh ka daba qaadatay, waxaan rajeynayaa inuu ilaahey xaqa ku tuso, oo danbigaaga iyo ceebtaada kuu asturo, waliba maalin aan maanta aheyn oo aad wax ku asturo u baahan tahay.

 

Cajiib!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Taloow waxee sameyn doonaan ayaa sugaa markii la gaaro bisha barakeysan ee soonka nagu soo foodleh.

 

Already couple weeks ago, they forcefully shut down some tukaamo ku yaalay xaafada Yaaqshiid, including Suuqa Bacaadlaha, because of salaada jimcaha la joogay.

 

Wey ogaan doonaan inay Soomaalida the docile reer Sacuudi ahayn, and a fierce independent people yihiin by nature.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

I don't beleive a word they say for those "Gaala Raaca ah, dimoqraadiyad iyo freedom of speach bay qalad kafahmayn, markaas ayay waxay ku andacoonayaan waa nala caburiyay iyo kaa laga dhacay that is all bullshiidh..you either take the diinta sida ay tahay or refuse like the kufaar, wax ka dhaxeeyo ma jiraan, kuwa soo report-garaynaayana waa calooshood ku dhaqaystayaal ee kacagi u cadahay. Ppl need to learn the sharia law and take as it is, gaalaraacnimada iyo daba u dhaqidda reer galbaydu waa in dadku iska deeyaan diintana sida ay tahay u qaataan period.

 

 

Nabad iyo Caano y'all:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this