Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Faroole Vs the Nairobi Group

Recommended Posts

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/Raxmaan Faroole ayaa shaaca ka qaaday in laga hortago maamulka la baxay SSC oo uu sheegay inuu caqabad ku yahay labada maamul ee Somaliland iyo puntland isagoo intaasi ku daray in Deeqaha caalamiga ah iyo kuwa horumarinta samafalka ahna la gaarsiiyo walaalaha Somaliland.

 

C/raxmaan faroole oo iminka ku sugan magaalada Nairobi ee wadankaasi Kenya ayaa maanta shir jaraa,id ku qabtay hotelka uu ka degan yahay magaalada Nairobi ayaa ****olka ka qaaday inay tahay mid mugdi gelinaysa gooni isu taaga Somaliland islamrkaana caburinaysa danaha iyo siyaasada puntland maamulka ay wataan dadka uu ku sheegay kuwa ka baxsaday mandaqada puntland oo ula jeeday Hogaan dhowaan lagaga dhawaaqay magaalada Nairobi kaasoo loogu magac daray Hogaanka badbaadinta SSC.

 

Sidoo kale madaxweyne faroole ayaa si weyn usoo dhoweeyey in la gaarsiiyo deeqaha samafalka iyo weliba kuwa horumarinta maamulka Somaliland islamrkaana carabka ku qabtay inay dowlada dhexe ee KMG ahna ka dalbadeen arintaasi

 

"Waa in walaalahayaga Waqooyi galbeed wax laga siiyaa deeqaha Caalamiga ah ee dawladda dhexe hesho, haddii kale waxaanu noqonaynaa kuwo bakhayl ah “

 

Dhinaca kale hogaamiyaha maamulka puntland c/raxmaan faroole ayaa waxaa hadalkiisu kusoo beegmaya xili la hadal hayo in heshiis dhex maray labada maamul ee Somaliland iyo puntland taasoo ay mudo ka badan 8-sano ku muransanayeen gobolada u dhexeeya labadaasi maamul ee sool ,sanaag iyo cayn oo la sheegay in maamulka Somaliland ay uga tanaasuleen maamulkii hore ee puntland ee uu hogaamiyaha ka ahaa Gen, cadde muuse xirsi islamarkaana ay saxiixeen in goboladaasi kamid noqdaan maamulka Somaliland .

 

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

oodweyne

 

sxb kuwan yar yar hala hadlin waxa baryahaaba ka goay canaboodhiiye. markaa indha ha wada casaaday siday shaah bigaysa u cabayeene :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this