Sign in to follow this  
Rokko

Ciidamada Soomaliland oo xiray isu socodka Sool iyo Togdheer

Recommended Posts

Rokko   

Ciidamada Soomaliland oo xiray isu socodka Sool iyo Togdheer

(Horseednet on Tuesday, February 17, 2004 - 11:35 AM)

 

gaadiidka2004.JPGCiidamada dalka la magac baxay Soomaliland ayaa xanibaad kusoo rogay gaadiidka wadada u dhexaysa degaanka gobolka Sool iyo gobolka Togdheer.

Wararka ka imanaya degaanka tuulada Yagoori ayaa sheegaya in fariisimada ciidanka Soomaliland ay hadda ku xaniban yihiin gawaari aad u farabadan oo ka timid goboladda Waqooyiga Soomaaliya oo hadda sheegta Soomaliland.

 

Warar kale ayaa iyana sheegaya in dhinaca ciidamada ka amar qaata C/laahi Yuusuf ay iyana shalay dib u soo celiyeen gaadiid u socday gobolada Waqooyi ee Somaliland.

 

Illaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa xanibaadda gaadiidka iyo dadka rayidka ah oo ka dhex shaqaysa labada degaan, balse warar dadku isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in iskahor imaad dhexmaro labada dhinaca waqtiyada soo socda.

 

Sababtoo ah ciidamada labada dhinac oo hadda isku hor fadhiya meel u dhexaysa Laascaano iyo Yagoori iyo waliba ifafaalaha iyo ficilada ay samaynayaan labada dhinac oo u muuqda kuwii kasoo horayn jirey dagaalka.

 

Labada ciidan ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Soomaliland ayaa in muddo ah isku hor fadhiyey deegaanka Sool ayadoo aysan hada weli jirin dagaal weyn oo dhexmara labada ciidan marka laga reebo iska horimaadyo dhexmaray maleeshiyooyin taageersan Soomaliland iyo qaarkamid ah kuwa Puntland oo ay ku dhinteen isugeyn dad gaaraya illaa iyo 4 qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this