Sign in to follow this  
Meiji

Heavy fighting in Boosaaso district: 2 clan militia's collide

Recommended Posts

Meiji   

Waxaa sii kordhay qasaaraha dagaal dhimasho iyo dhawac sababay oo maanta labo maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaan ka tirsan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

 

 

 

Dagaalkani oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka daran dooringa u dhaca oo u dhexeeyay labo maleeshiyo baleed oo wada dega deegaanka Moqro ee degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa yimid kadib markii labadaasi maleeshiyo isqabqabsi ku aadan dhul uu halkasi ku dhex maray,waxaana dagaalkaasi ku geeriyoday inta la hubo illaa iyo 8-qof oo labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 11-ruux,iyadoo ay jiraan gaadiid labada dhinac ay iska gubeen.

 

 

 

Illaa iyo hada waxaa aad u kacasan xaalada goobta ay dagaaladu ka dheceen waxaana jira is aruursi ay wadaan labada dhinac mana jiraan wax waan waan ah oo ay wadaan maamulka Puntland oo ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisadahaasi u dhexeeya labadani maleeshiyo beeleed.

 

 

 

Inta badan dagaalada ka dhaca dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu yimaadaa kadib is qabsi dhul daaqsineed iyo waro biyood kaasi oo inta badan sababa in ay ku nafwaayaan dad badan oo aan waxba galabsan isla markaana mararka qaar sababa in ay ku barakacaan dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

6 Ruux oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay degmada Ufayn iyo Maamulka Gobolka Bari oo halkaasi gaaray

 

Arbaco, March 04, 2009(HOL): Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaal labo beelood oo walaalo ah ku dhexmaray meel u dhaw degmada Ufayn ee gobolka Bari.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay dhul-daaqsin ah oo ay isku qabsadeen labadaasi beelood, taasi oo markii danbe kaliftay in ay is faro-saaraan.

 

Dadkii ku dhaawacay dagaalkaasi labada beelood dhax maray ayaa la soo gaarsiiyay Isbitalka magaalada Boosaaso, waxaana dhaqaatiirtu ay sheegeen in qaar ka mid ah dhaawacyada ay aad u liitaan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo ka mid ah wafdi halkaasi u tagay dhax dhaaxaadinta labada beelood oo aan galabta khadka taloofoonka kula xiriiyay ayaa sheegay in xaaladdu iminka ay dagan tahay.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Bari in odayaasha labada beelood ka soo kala jeedaan lagu qanciyay in xabadda la joojiyo si loo dhaxdhaxaadiyo,waxaana uu sheegay in arintaasi lagu guulaystay.

 

Ma ahan markii ugu horraysay oo uu dagaal caynkaan oo kale ah dhax maro beelaha wada daga tuulooyinka gobolka Bari, balse waa dagaalkii ugu waxyeellada badnaa muddo iminka laga joogo dhawr sano.

 

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online

boston@hiiraan.com

Bosaso, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NABAD x 3:

Huurreeeeey, Maiji I'm sure you'll sleep well tonight, lol
:D:D:D

Istaqfurullah..!

 

Illah ha kala qaboojiyo...amin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Istaqfrullah, only a sick person would say that Nabadx3.

 

Lets hope the elders will intervene and keep the clan-militia's in check.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

2 Maleeshiyo beeleed oo uu dagaal ku dhexmaray Degaanka Ufeyn oo ka tirsan Gobolka Bari

Posted to the Web Mar 04, 17:42

 

 

Boosaaso:-Culimada ku sugan Magaalada Boosaaso iyo Isimo ,madax ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ku jihaysan deegaanka Ufeyn oo ka tirsan Gobolka Bari oo uu dagaal ku dhexmaray Maleeshiyaad beeleed wada degan Degaanka Ufeyn.

 

 

Dagaalka ayaa waxaa uu geystey khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray maleeshiyaad saaka uu dagaalka ku dhexmaray degaanka Moqor ee Gobolka Bari.

 

Wafdi ka tirsan Maamulka Gobolka Bari oo uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka Bari Al-Xaaji Muuse Geelle ayaa u ambabaxay deegaanada ay saaka dagaalku ka dhacay,Culimada waaweyn ee ku sugan Gobolka Bari ayaa iyagan wada da daal ay ku qaboojinayaan dagaalka saaka ka dhacay degaanka Moqori.

 

 

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo qaar ka tirsan Isimo ayaa ka soo baxay magaalada Garoowe waxaan ay soo gaari doonaa saacadaha soo socda deegaanka Kalabeyr oo ay uga sii gudbi doonaan degaanada Moqor iyo Ufeyn.

 

 

Isimada Puntlland ,Culimada ayaa iyagu ah awood ugu sareysa ee Gobollada Puntlland iyadoo dhamaan qabaa,ilka degan Gobolladaas ay u hayaan xush mada ,Isimada iyo culimada ayaa la filayaa in ay soo afjari doonaa colaad dhex martay 2 maleeshiyaad beeleed ,siddii ay horay u soo afjareen shaqaaqooyin hore u dhexmaray 2badaan beelood.

 

 

Dhinaca kale Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sool iyo Mudug ayaa waxaa ay wadaan dadaal ay doonayaan in ay ku soo afjaraan colaad maalmahaan ka soo cusboonaatay degaanka Cagaaran,Isimad iyo Garaadadda Gobolka Sool iyo Cayn, Mudug iyo Bari ayaa wada dadaal lagu xalinayo khilaafka maalmihii danbe ka taagnaa Degaanka Cagaaran.

 

Ugu yaraan 8 qof ayaa inta la ogyahay ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawac meen dagaal shalay laba beelood ku dhex-maray agagaarka degmada Ufayn ee gobolka Bari

 

 

M_M_Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this