Sign in to follow this  
Sky

As VP arrives from Addis, Pres departures to Nairobi

Recommended Posts

Sky   

Wafdigii Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo shalay lagu soo dhaweeyey Bosaso

Bosaso :- Shalay ayey magaalada Bosaaso soo gaareen wafdi heer sare ah oo ku maqnaa dalka Itoobiya, wafdigaasi oo uu hogaaminayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xassan Daahir Afqurac.

 

wafdi_bosaso_10jun05_2.JPG

 

Madaxweyne kuxigeenka iyo wafdi kale oo uu kamid ahaa Wasiirka Maaliyada ee Puntland Maxamed Yusuf Gaagaab ayaa Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland iyo Golaha Wasiirada Qaar kamid ah.

Kulankaasi oo ka dhacay Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno sar sare oo kamid ah dowlada Puntland, ayadoo wafdiga ka yimid magaalada Addis Ababa ee halkaasi warbixin kasoo jeediyeen.

 

wafdi_bosaso_10jun05_5.JPG

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo markaasi u waramay HorseedNet ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheen dowlada Itoobiya uu salka ku hayey xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dowladooda isla markaana si wanaagsan uu kusoo dhamaaday.

 

Madaxweyne kuxigeenka oo halkaasi kula wareegay xilka Sii haya Madaxweynaha Puntland maadaama uu Madaxweyne Maxamuud Muse Xirsi (Gen.Cadde) uu shalay safar ugu ambabaxayey dalka Kenya.

 

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Madaxweynaha Puntland oo shalay gelinkii danbe u dhoofay Nairobi

Bosaso :- Madaxweynaha dowlada Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi ayaa shalay makhribadii u dhoofay dalka Kenya kadib markii ay dowlada Federaalka Soomaaliya ka codsatay inuu kasoo qeyb galo xaflada Berito ka dhaceysa Nairobi.

Madaxweynaha ayuu safarkiisa ku wehliyaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Md.C/raxmaan Faroole waxayna wafdigan xalay ku hakadeen dalka Emaaraadka Carabta oo ay uga sii gudbeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Madaxweynaha ayaa intuusan ka ambabaxin magaalada Bosaso kulamo la yeeshay Golaha Wasiirada ee Puntland iyo Madaxweyne kuxigeenka.

 

bander_Qasim_airport_10jun05_2.JPG

 

Isla shalay ayey magaalada Bosaaso soo gaareen wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ku maqnaa dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha oo war gaaban saxaafada ku siiyey Airporka Bosaaso ayaa sheegay in casumaad uu ka helay madaxda dowlada Federaalka iyo dalka Kenya inuu gaaro halkaasi inta aysan dowlada usoo guurin dalka Soomaaliya.

 

bander_Qasim_airport_10jun05_3.JPG

 

Gen.Cadde Musse ayaa lagu wadaa inuu dalka ka maqnaado hal asbuuc ayadoo Madaxweynaha Puntland la sheegay inuu wakhti gaaban kadib kusoo noqon doono dalka.

 

bander_Qasim_airport_10jun05_4.JPG

 

Wafdiga Madaxweynaha ayey Airporka kusii dhaweeyeen madax kala gedisan iyo cuqaasha magaalada Bosaaso oo si weyn uga soo qeyb galay saagootinta wafdiga u baxay dalka Kenya.

 

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Madaxweynaha DGPL iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo u safar Dalalka Emaradka iyo Kenya...

 

C/fatax Jaamac | Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com | Jun 10, 2005

 

 

Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamud Muuse Xirsi (Cade) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo uu ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Dr. C/raxman Faroole ayaa maanta safar ugu Ambabaxay Dalalka Emaradka iyo Kenya, sida uu Saxaafada u sheegay Madaxweynaha ayaa waxa uu marka ugu horeysa ku hormari doonaan Dalka Emaaraatka oo ay hore wafdi uga yimaadeen Gobolda Puntland kuwaas oo ahaa Ganacsato iyo khuboro kale oo ay ka mid yihiin Injineero cabiraayay Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Boosaaso oo ay Mandaqada Sharja hore ugu balanqaaday sidii loo balaarin lahaa, Madaxweynaha oo ka hadlaaya Safarka ay u tagayaan Dalka Kenya ayaa sheegay in ay Casumaad ka heleen Madaxweynaha DFKGS Col. Cabdulaahi Yuusuf si ay uga qayb galaan Xaflada soo guurista DFKGS oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha nagu soo aadan.

 

boss1.jpg

Madaxweynaha oo ay socdaan Garbahiisa qaar ka mida Ganacsatada Puntland

 

 

Madaxweynaha DGPL ayaa intuu uusan ka amba bixin Garoonka booqday Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

 

boss2.jpg

Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport Boosaaso

 

 

Madaxweynah oo ka hadlaayey Nabadgalyada isagoo ka faa,iidaysanaya Fursada Saxaafada sii say si uu u gaarsiiyo Dadweynaha ayuu faray in la adkeeyo nabadgalyada.

 

Iyadoo ay jireen Dilal kala duwan oo ka dhacay magaalooyin ka mida Puntland oo ay ugu weynthay Dilkii ka dhacay Xabsiga Garoowe oo aan wali gacanta lagu soo dhigin Nimankii gaystay Dilkaa lakiin uu sheegay Madaxweynuhu mar uu la hadlayay saxaafada maanta ka hor in ay balan qadeen in ay soo qabtaan Beelihii ay ka dhasheen nimankaa.

 

boss6.jpg

 

Dhanka kale warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay wada hadal u socdo labdii Beelood (ee Garoowe).

 

Madaxweynaha DGPL ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku sii dhaweyay Xubno ka mida wasiirada DGPL iyo DFKGS iyo Xubno kale oo ka mida maamulka Gobolka Bari.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this