Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Free the NGO hostages Puntland militia

Recommended Posts

Madaxa Hay'ada NPA Ee Magaalada Laascaanood oo Xabsiga Loo Taxaabay.

 

Laascaanood(Radiolascaanod)10-03-04 Arbaca:-Waxaa saaka la xidhay madaxda Hay'ada NPA Cismaan Saleebaan Yuusuf iyo hawlwadeen kale oo Hay'ada U qaabilsan dhinaca Mashaariicda Biyaha oo lagu magacaabo Khamiis Cabdi Joome una dhashay dalka Kenya.

 

Labadan Sarkaal ee Hay'ada NPA ka tirsan ayaa sheegay mar aanu waraysi kooban la yeelanay iyaga oo ku sugan xabsiga in aanay garanayn sababta lagu soo xidhay, waxayna intaasi ku dareen in saaka Aroornimadii laba gaadhi oo tigniko ah loo keenay , loona sheegay in ay ka qayb galayaan shir ay leeyihiin guddida xaalada deg dega ahi, ka dibna xabsiga loo taxaabay.

 

Cismaan Saleebaan ayaa isagu sheegay in aanan loo sheegin sababaha dhabta ah ee loo soo xidhay ,ilaa iyo hadana aanba waxba la weydiin, wuxuuna sheegay in ay ciidamada boolisku si fiican ula dhaqmeen isaga iyo ninka kale ee Kenyaatiga ah.

 

Taliyaha saldhiga Booliska ee magaalada Laascaanood Cali Ismaaciil Faarax (Cali Qase) ayaa isaguna sheegay in ay waaran ka heleen xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee Puntland ahna xeer ilaaliyaha Gobolka , lagu farayo in la soo qabto saraakiisha Hay'ada ,Baadhitaana lagu sameeyo, iyaguna ay arrintaasi fuliyeen, ilaa iyo hadana ay si fiican ula dhaqmayaan laba Sarkaal.

 

Hay'ada NPA ayaa iyadu ah Hay'ada kaliya ee ka Hawlgasha gobolka Sool, tan iyo markii ay bur burtay dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya, waxayn dalka ka fulisaa mashaariic ay ugu talo gashay horu marinta bulshada , in kastoo baryahan danbe ay soo baxayeen dhaliilo loo soo jeedinayo , Hay'adan oo lagu tilmaamo in aanay dalka wax ugu qaban sida hantidu u soo gasho.

 

shabakada Warbaahinta Sool,Sanaag Iyo Cayn

Laascaanod Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
guraad   

Here is the reasons why NPA leaders are jailed , they were working against our state , they were stealing peopls wealth while doing no thing for the people and many many other reasons YOU CAN READ IT DOWN.

 

 

News: Waraysi aanu maanta layeelanay kuxigeenka xeer ilaaliyaha G/sool C/rashid

 

Lascaanood (WidhWidh Online) March 10, 2004

 

waxaanu maanta waraysi layeelanay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka sool laascaanod DR c/rashiid barkhadle anagoo kacod sanay in uu noo faah faahiyo waxa lagu soo xidhay masuu liyiinta hay ada N.P.A da iyo xaqiiqadu waxa ay tahay waxaanu kujawaabay sidan,

 

J-D.R marka hore waxaan salamayaa dhamaan dadka udhashay gobolka sool meel kastoo ay joogaan waxaan kaloo salaa mayaa qoladiina war baahinta salaan kadib arin kani waa arin qaran maaha wax soke hay ada N.P.A du sida aad wada arag taan nuqulka qoraa lada xafiiska kasoo baxay ilaa 1991 ilaa maanta waxay kusugan tahay gobolka soolwax qabadka ay gobolka uqabatay iyo mudaday gobolka joogtay waad ogtihiin iskadaa waxay qabatee waxay is kaga gudub tay hay adi hii kale ee iman lahaa gobolka iyadoo xataa gashay faawalo khaldan oo ay ku sharaf riday maamulka iyo gobolka samcadiisa iyadoo leh maaha meeshani meel amaana oo wax laga qaban karo ama maamul kajiro,

 

markaa arimo badan ayaanu kahaynaa oo aanu caday naynaa mida kale dadka gobolkan ayey heshiis laga shay sidii ay heshiiska ula gashayna maanay fulin waayo waxa loo baah naa in wax kaqabato wax barashada caafimaadka biyaha nadaafada iyo wax kasta oo ay bulshadu ubaahan taha loomana baahnayn maanta in dadkii masuulka ka ahaa ee misna udhashay gobolka in ay maanta lumiyaan hantidii dadka rayid aka ah ay xaqa ulahaayeen waana nasiib daro in maanta lagawada hadlo danaha bulshada ee ay masuuli yadeeda qaadeen ,

 

waxaana mudo lagula jiray baadhitaan ilaa hadana wuu socdaa kumana soo koobi karno hal waqti oo kaliya waana waxa lagu xidhay maanta U.N.D.P da war baanu kahelnay fakis ayaa madax tooyada nooga yimi waxaanu dareen san nahay sida ay wax uqabteen waxaanu ognahay lacag samafal ah oo loogu talagalay gobolkan sool in ku bixisay meelo katirsan sanaag oo ay kamid yhiin badhan xingalooldhahar taasina waa gef cad waxaa kaloo jira wadamo ay soo gacan marisay oo ay uraad satay yabooh ilaa hadana mahayno meel ay wax gaysay waase loo wada joogaa sharciguna waxa uu lee ayahay wado loo maro cidna wax aan sharcin ahay laguma haysto,

 

waxaanu udirnay laba qoraal oo hada xfiiska yaala oo aysan qaabilin anagoo doonaynay in aanu waray sano xidhiidhna lasmayno si aanu ugu fududayno waxa ay qabanayaan , xitaa anaa lugahayga ugu tagay waxayna awoodi waayeen in ay albaabka naga furaan maadaama ay shi waxash nimaa noola dhaqmeen sidaa iyo sikadaran ayaanu ula dhaqmaynaa mar haday wanaag wax nagula qaban waayeen sharci ayaa loo tiig sanayaa intii ay gobolka kagoo yeen ayaanu ka goynay naa in le eg,

 

waxaanu usheegay naa in uu xidhan yahay xafiis kii ay kula hayd gobolka sool uu xidhan yahay ilaa amar danbe oo go aan cad laga soo saarayo uu xidhnaan doono, waxaanu kaloo ugu baaqay naa hay adaha caalamiga ah in maanta uu ufuran yahay albaabka gobolka sool aanuna kusoo dhaway nayno cid alaale cidii wax uqabanaysa bulshada kunool gobolka sool ayna kajirto nabad buuxda oo kala danbayn leh,

 

waxaanu kaloo usheegay naa xafiiska norway ay kuleedahay N.P.A du in ay soo dirsadaan cidii masuulka uganaoqon lahayd si aanu ugala hadalno arimaha gobolka sool iyo xafiis keeda,

 

S- waxaad nooga warantaa waxaa jira hay ada qaramada midoobay wakiilo ayaa ujooga gobolka sool waxaa kaloo jira hayado kale sida hayada miinada ee loo yaqaan HOLLOTRUST iyagu kuma jiraan miyaa kuwa lala xisaab tamayo mise hayada N.P.A da oo idin qaabli wayday ayaa lala xisaab tamayaa?

 

J- maya cidkasta oo gobolka joogta waala xisaab tamayaa anagu waxaanu masuul kanahay xaqa dadka inla lumiyana ma ogolaan doono xuquu dooda iyo sharaf tooda midna waana wax ka goan dhamaan masuu liyiinta gobolka isimo culimo waxgarad shacab iyo maamul kaba in meel lloga soo wada jeesto maanta horumarka gobolka,

 

sahro Yusuf Lascaanood

Lascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Guraad,

 

First, Salaam. Second, dont waste your time on these guys. They seem very desperate and are grabbing at straws. They are looking for something comparable to the illegal arrest and detention of a tradition leader in their region,--namely Buur Madow.

 

BTW, there are many local as well as Puntland-based NGO's working to improve the lives of people in Sool region. Excellent examples are SSHDA and SCERDO,--who are rebuilding schools/libararies(as well as constructing new ones) in Sool, Sanaag and Hawd with funds from local communities, governments, and in large part from the diaspora community.

 

Although its obvious some here care very little for the people in this region and whos only goal seems to be scoring 'political points'.

 

BN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this