Sign in to follow this  
Che -Guevara

Demonstrations in Buhoodle, Kismaayo and Xamar Cadeey

Recommended Posts

Dibadbaxyo Lagu Taageersan Yahay Go,aamadii Isimada SSC Oo Si Wadajir ah Uga Dhacay Muqdisho,Buuhood

Warkii 13-Mar-2010 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Banaanbaxyo lagu taageerayo Go,aamadii Isimada Sool,sanaag iyo Cayn ay kasoo saareen Deegaanka Buuro-wadal ee gobolka sool ayaa ka kala dhacay Qaar ka tirsan Gobolada iyo dalka soomaaliya kuwaasoo kala ah Buuhoodle xarunta Gobolka Cayn ,kismaanyo iyo magaalada Caasimada ah ee muqdisho .

 

Dibadbaxan oo lagu taageerayey Go,aamada isimada SSC ayaa lagu soo dhoweeyey sida ay Isimada Uga Go,an tahay inay dadka ku dhaqan Gobolada sool ,sanaag iyo cayn ay aayahooda uga tashadaan islamarkaana Uga Gudbaan isku haysadka ay maamulada Somaliland iyo puntland ugu Muransan yihiin .

 

 

 

Sidoo kale banaanbaxyada oo si isku mid ah uga kala dhacay magaalooyinka muqdisho ,Buuhoodle iyo Kismaanyo ayaa waxaa soo qaban qaabiyey waxgarad iyo aqoonyahano kazoo jeeda gobolada lagu muran yahay ee sool ,sanaag iyo cayn .

 

 

 

Guud ahaan banaanbaxyadan oo dhamaantood ku dhamaaday jawi nabadeed ayaa waxaa ka qayb qaadanayey waxgarad ,aqoonyahano ,Haween iyo caruur kuwaasoo ku dhawaaqey Doonimayno doolar qaate u dhashay ssc , hanaoolaato SSC iyo waxaanu taageersanahay Go,aamadii isimada Sool ,sanaag iyo cayn ay kazoo saareen deegaanka Buuro-wadal.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii Ugu Horaysay ee banaanbaxyo noocan oo kala ah ay ka kala dhacaan deegaano kawada tirsan dalka soomaaliya islamrkaana lagu taageerayo Inay midoobaan Gobolada sool,sanaag iyo cayn

 

Afnugaal News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this