Sign in to follow this  
Jumatatu

First Group of Somali MP's reach Xamar

Recommended Posts

Jumatatu   

Wefdi ka kooban baarlamaanka & xukuumadda oo ay soo direen hogaamiyeyaasha Muqdisho ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wefdigan oo ka kooban 10 xubnood hogaaminayey xildhibaan Cumar Xaashi Aadan, iyadoo soo dhoweyn diiranna loo ssameeyey wefdiga.

Waxgarad isugu jira mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, siyaasiyiin, qeybaha ururada bulshadda & haweenka gobolka Banaadir ayaa kaga hor tegay wefdiga garoonka B/doogle ee gobolka Sh/hoose, waxaana wefdiga lagu soo dejiyey hotelka Saxafi International

Qarankeenii Afrika ugu xooga badnaa anaga ayaa waxaan gaarsiinay in uu muran galo ilaa heer aan gaarno in na la yiraa anigey ila jiraan oo ay doonayaan in aan maamulo, marka shaqada na laga sugayo ma ahan shaqso dhow waxaana nalaga sugayaa in aan Qarankeenii ku celino halkii uu joogi jiray, waxaa nalaga sugayaa ummaddeena & dadkeena waa loo hawoodaye in aan cadowga ku beenino arrintaasina cid kale oo wax nooga qabaneyso ma jirto" ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan oo saxaafadda kula hadlayey hotel-ka Saxafi.

"Waxyaabaha laga naxo waxaa ka mid ah baarlamaanku markii shirsanaa IGAD-na waa shirsaneyd, IGAD qaar ka mid ah ayaa waxey yiraahdeen war baarlamaankii Soomaaliya waa fadhiyaaye go’aankooda maan sugno Amxaarada ninkii meesha u fadhiyey wuxuu yiri anaga ayaa idinka og anaga ayeyna noo codeynayaan 30 nin oo qabqablayaal ah ayaa meesha ka qeyl qeyliya, baarlamaanka intiisa kelena inaga ayey na ogol yihiin, Qarankii Soomaaliyeed halkaas buu marayaa, anagu maanta baarlamaanka Itoobiya war uma hayno, howshiisana ma naqaan, waxey ku fikiraanna ma naqaan, sirtooda & siyaasadda dalkooda war uma hayno, anagana heerkaas ayaan mareynaa oo in shir IGAD oo dhan ay fadhido oo beesha caalamku xittaa goob joog ka tahay ninkii Amxaarada ka socday in uu yiraa baarlamaanka Soomaalida anagey na rabaan waxaana nasiib wanaag ah oo taariikhda Soomaaliyeed geli doonta in 30-ka uu sheegayey ay noqdeen 30-ka isaga la jirta oo jaajuuska u ah, meeshana lagu garaacay oo loona codeeyey in la diido Amxaaro" uu yiri xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in shacabku ay si weyn uga soo horjeedaan mas’uuliyiinta dowladda ee u ololeynaya ciidamada deriska ah.

"Haddii aad maqasheen Nairobi waa leysku haystaa, mana ahan in aan madaxweynaha ama xukuumadda Cali Max’ed Geeddi diidanahay, anaga waxaan diidanahay laba qodob oo aan u aragno in ay tahay siyaasad uu gumeysi uu wato oo la doonayo in Soomaaliya lagu baabi’iyo, midda koowaad waxey tahay Amxaaro & waxa ay hogaamineyo oo xulafadeeda ah in ay Soomaaliya yimaadaan oo ay hubka ka qaadaan & qodobka labaad oo ah meel aan Xamar aheyn oo Amxaaradu gacanteeda gaarto dowladda ha la geeyo, ma maqleysid Marka, Kismaayo ama magaalo kale ha la geeyo dowladda, waxaa la leeyahay ha la geeyo B/weyne ama Baydhabo waana meel Amxaaradu ka arkeyso ninkii gacanta taaga, anagu taasi ma dooneyno waxaan dooneynaa in dowladdu Xamar timaado, dadka Xamarna waxaa laga doonayaa in ay suurtageliyaan xaalad nabadgelyo oo dowladdu ku iman karto Muqdisho in ay sameeyaan" ayuu yiri xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in dabayaaqada todobaadkan ay Muqdisho u soo guurayaan xubnihii ugu badnaa ee baarlamaanka & xukuumadda.

Kulankaasi soo dhoweynta ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) & duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sebriye (Shaaweeye) oo labaduba sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan in dowladdu ay farriisin ka dhigato Muqdisho.

Xil.gif

 

Xil1.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this