Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Puntland Minister denies being kidnapped by Pirates.

Recommended Posts

Jiriiban:”Waan nabad Qabaa dadkii aan madaxda u Ahaa baana Kulamo la leeyahay”Wasiirka Dekedaha ee Puntland.

 

Jiriiban:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Dekedaha & Gaadiidka Badda Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Eng,Siciid Maxamed Raage oo goordhaweyd si toos ah madax banaanidiisii u helay ayaa Warbaahinta siiyey hadlkiisii u horeeyey,waxaana uu Sheegey in Xaaladiisa Caafimaad ay wanaagsantahay islamarkaasna uusan wax dhibaato ah la kulmin Mudadii ay ku hareeraysnaayeen Burcad Badeedu.

 

Eng,Siciid Maxamed Raage oo ay APL la xiriirtay ayaa hadal kooban bixiye,Waxaana uu sheegey in ay Xaaladiisa Caafimaad wanaagsantahay islamarkaasna Gaadiidkii Dagaalka & Askartii uu watayna la sitoos ah loogu wareejiyey,uun imika bilaabay kulamo ku aadan howlihii uu awal u tagay Deegaanadaas.

 

“Aniga & Ragii aanu wada soconay Waanu nabad qabnaa,Xaaladayadu waa caadi wax dhibaato ahna ma qabno,Imika Waxaa naloo keenay Askartii maqnayd & Gaadiidkoodii,Burcadiina magaalada waa laga saaray,Waxaana la joogaa dadkii aan madaxda u ahaa Kulamo ayaana noo socda”Ayuu yiri Siciid Maxamed Raage oo si kooban APL hadal usiiyey.

 

Wasiirka Dekedaha ee Puntland wuxuu sheegey in uu sii wadi doono howlihii shaqo ee uu awal utagay Jiriiban,waxaana uu ka gaabsaday inuu war badan Bixiyo isagoo sheegey inuu kujiro Shir balaaran,Waxaana sidoo kale uu ka gaabsaday inuu APL u sheego goorta uu Jariiban kasoo anbabaxi doono.

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhageyso Wareysigii ugu horeeyey ee lala yeesho Wasiirka Dekadaha Puntland iyo G. G. mudugoo jooga Jariiban

 

Jariiban(Puntlandi.com) Wasiirka dekada Puntland Saciid Raage ayaa markii ugu horeysey wareysi siiyey Puntlandi.com tan iyo markii aysoo baxeen wararkii sheegayey inuu gacanta ugaley Burcadbadeedka, Dhageyso wareysigii ay siiyeen Puntlandi.com Wasiirka iyo waliba Gudoomiyaha Gobolka Mudug.

 

Hoos riix si aad u dhageysato

 

DHAGEYSO: wasiirka wareysigiisii wasiir Saciid M. Raage

 

DHAGEYSO Gudoomiyaha Gobolka Ahmed ali Salaad

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this