Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Madaxweyne Rayaale oo Magacaabi Doona 7 Wasiir Oo Cusub

Recommended Posts

Madaxweyne Rayaale oo Magacaabi Doona 7 Wasiir Oo Cusub

 

 

(Updated:-Tue.1.April.2008)

 

 

 

 

 

Hargeysa,(BNN)- Madaxweynaha Jamhuuriydda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sugayaa inuu soo saaro liis 7 Wasiir oo cusub, kuwaasi oo ka mid noqon doona Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, balse aan la shaacin.

 

Wararka ku saabsan 7 Wasiir ee uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ku magacaabay ayaa ah kuwo suuqayada Magaaladda Hargeysa la isla dhex maraayo, islamarkaana ah warar aan lagu kalsoonaan Karin.

 

Sida caadada u ahayd Madaxweyne Rayaale marka uu Mas’uul sare magacaabayo isaga oo raacaaya awoodaha uu siiyay Dastuurka Somaliland, ayaa waxa uu soo saaraa Dagreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabayo Wasiir ama Mas’uul sare oo ka mid noqonaaya Xukuumadda.

 

Sidoo kale wararka aan lagu kalsoonayn ee 7 Wasiir sheegaya in uu Madaxweyne Rayaale magacaabay,ain ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), balse aan 4 Wasiir ee kale magacyadooda la sheegin in ay yihiin Rag Caan ah ama ku cusub Masraxa Siyaasada.

 

Haddaba si aan wax uga ogaado ayaan khadka Telefoonka kula xidhiidhay Ilo u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland oo codsaday in aan la shaacin Magacooda, ayaa waxa ay ii sheegeen in aanay jirin wax 7 Wasiir ah oo uu magacaabay Madaxweyne Rayaale, islamarkaana ku tilmaamay wax been iyo mala awaal ah oo shicibka lagu jaha wareerinaayo Maskaxdooda.

 

Sidoo kale Ilahan u dhuun daloola Xarunta Madaxtooyada ee ka cudurdaartay in aan la xusin magacooda, ayaa waxa ii sheegeen warkan aan lagu kalsoonayn mid ka duwan, islamarkaana sheegaya in uu Madaxweyne Rayaale Magacaabay 2 Wasiir, balse aan ilaa iyo hada la shaacin . laakiin aanay jirin wax 7 Wasiir ah oo uu Madaxweynuhu magacaabay, warka xaqiiqdiisu uu yahay 2 Wasiir oo kaliya.

 

Ilahan u dhuun daloola Xarunta Madaxtooyadda, ayaa waxa ay ii sheegeen in ay kala yihiin 2 Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade iyo Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), balse aan la sheegin Wasaaradda loo magacaabay.

 

Sidoo kale ilaa iyo hada Madaxtooyada kama soo bixin wax war ah oo beeninaaya 7 Wasiir.

 

 

Ciise Ismaaciil Axemd

Reporter Hargeysa

Borama News Network

 

 

smart move after silanyo elected Ina bixi as his vice president

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not that smart sxb ,,, re-shuffle would be more appropriate than increasing the number of the ministers.

 

Well, it is still rumours and we have to wait until something comes up ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

As long as the country exists, has a working government, constitution, currency and its people ,,, recognition is just around the corner.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this