Sign in to follow this  
Paragon

Wiil yar oo ku nafwaayay rasaas ay fureen ciidamada Dowladda Somalia

Recommended Posts

Paragon   

Wiil yar oo ku nafwaayay rasaas ay fureen ciidamada Dowladda Somalia

 

Baydhabo 06, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa maanta soo galay biyo ka soo burqaday buundada Isha Baydhabo, iyadoo dadweyne u soo daawasho tagay daadadka ku soo burqaday xaafadaha ay rasaaseeyeen ciidamada dowladda, waxaana rasaastaasi ku geeriyooday hal ruux.

 

Wiil 15 jir ah ayaa ku geeriyooday midkalena waa uu ku dhaawacmay, ka dib markii dadweyne u soo daawasho tagay biyaha ka socda buundada ay rasaas ku fureen ciidamada dowladda sida uu sheegay Taliyaha ciidamada qeybta booliska gobolka Baay Ibraahim Xaashi Gaabow.

 

Arintaan ayaa waxa ay timid, ka dib markii ciidamada militariga ay ka shakiyeen dadweynaha halkaasi soo buuxiyay, arimo la xiriira in qaraxyo ismiidaamin ah ay dhacaan.

 

Daadadkaan oo ku soo burqday xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii roobab lixaad leh ay ka da'een deegaano ka tirsan gobolka Baay.

 

Il biyeed oo dhex marta magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Isha Baydhabo ayaa saakay soo buux-dhaafisay, iyadoo buundooyinka ku yaal magaalada Baydhabo ay biyaha ka saro mareen.

 

Fatahaado ay sameeyeen biyahaasi ayaa waxa ay saameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, iyadoo in ka badan 20 qoys oo daganaa xaafadaha H/wadaag, Busleey iyo Isha ayaa ka barakacay guryahooda.

 

 

 

Max'ed Caddaawe

 

Shabelle Media Network Baay

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this