Sign in to follow this  
Sky

PL minister of planning visits Somali kids in Children First Home in Melbourne

Recommended Posts

Sky   

Cabdiraxmaan Faroole, the minister of planning and international coöperation, himself a Somali Australian, visited the Australian home of Children First Foundation of Moire Kelly in Melbourne where Somali children are cared for during their stay in Australia for a medical operation they cannot find in Somalia. Ciise Dholowaa deserves all the credit for this possibility for these children. Ciise and Moire are asking the Puntland government to have adequate info on the kids medical condition before sent to Australia for medical care by acquiring equipment for cardiac research worth $4000.

 

Wasiir ka socda DGPL oo booqday xarun lagu hayo caruur Somaliyed

 

Wasiirka Q. iyo xiiriirka Calimiga ee DGPL ayaa xaruntaan oo lagu magacaabo Moire Kelly's Childaren Foundation Centre boqday mar uu boqsho khaas ah iyo mid shaqo ku yimi wadanka Australia gaar ahaan Magaladiisa Melbourne, xaruntan oo ay iska leedahay gabadha..

 

40o.jpg

 

Moire Kelly waxa ururkeedu sahlaa soo ururinta Caruurtaan iyo hayntooda inta daaweyntu u socoto waxayna Caruurtaan kala jinsiyadaha duwan ku haysaa hoygeeda lagu magacabo Moire Kelly's Childaren Foundation Centre.

 

41o.jpg

 

Caruurta Somalida oo ilaa hada nasiibka u heshay in lagu daaweyo wadankan Australia ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 29 meesha 26 kamid ah lagu guulaystay in laga daaweeyo xanuunadii loo keenay mar aan arintaan wax ka waydiinay maamulaka Centre-ka.

 

45o.jpg

 

Booqashada Wasiirka ayaa waxa ku weheliyay Ciise Maxamud Dholawaa iyo xubno kale oo ka tirsan jaaliyada Somalida ee reer Melbourne, Ciise ayaa gabadhaan kala shaqeeya keenista, haynta iyo ka warqabida xaalada cafimaad marka wadanka dib loogu celiyo isla markaana dib u soo celiya kii u baahan waxqabad siyaado ah.

 

48o.jpg

 

Wasiirku markii uu arkay hoyga Caruurtan, sida ay ugu noolyihiin iyo heerka noloshooda guud ahaan ayaa wuxuu halkaa warbixin iyo araah is dhaafsi kaga dhagaystay madaxa Foundation-ka Moire Kelly, qaybo ka mid ah dadka iyada la shaqeeya iyo Ciise Maxamud Dholawaa oo isagu qaabilsan dhinaca caruurta Somalida lagu hayo Centre-kan isla markaana lahaa qabanqaabada is kulankaan.

 

54o.jpg

 

Madaxa hay'dan Ms Kelly ayaa waxay ka warbixisay dhibaatooyinka ka haysta caruurta Somalida inta aan la keenin halkan gaar ahaan kuwa loo keeno xaga cudrada wadnaha ku dhaca, iyadoo ku tilmantay in ay ku adagtahay dhakhatiiru in baaritankii ilmaha halkan laga bilaabo ayna dalbanayan dhakhatiirtanu in caruurtan weliba kuwa qaba xanuunda wadnaha la soo raacsho warbixin laga soo qoro wadanka gudihiisa.

 

53o.jpg

 

Hadaba si arintaan loogu helo xal ayaa Ms Kelly iyo Ciisaba waxay ka codsadeen maamulka Puntland in loo gado caruurtan oo kuwooda ugu badan laga keeno Puntland qalab lagu eego wadnaha kaas oo sahlaya in la keeno halkan Ilmaha isaga oo wata warbixintiisa isla markaana kala saarya kooda sugi kara iyo kan deg-dega ugu baahan in loo qaado.

 

56o.jpg

 

Qalabkaan ayaa qiimihiisa waxa lagu qiyaasay $4000, iyadoo talo ahaan u soo jeedisay in mamulka iyo jaaliyadaha dibadu gadaan qalabkaan, Foundation-ka gabadhanu ay bixiyan tikidka qofka loo keenayo wadanka Australia si loogu tababaro isticmalkan qalabkan mudo sadex bilood ah, dajinta iyo kharashkiisa joogitaana ay bixiyaan jaaliyada reer Australia gaar ahaan kuwa Melbourne.

 

46o.jpg

 

Intaa kadib waxaa hadalkii qaatay wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Calimiga ee DGPL isagoo halkaa mahadceliyay Ms. Kelly iyo ururkeeda sida ay caawinaada bini'aadnimo ugu fidinayaan dhamaan caruurtan dhibaataysan oo laga kala keenay aduunka oo dhan gaar ahaan kuwa Somalida oo iyagu baahi badan u qaba taakulayntaan madaama burbur ku dhacay wadanka ay ka yimaadeen.

 

Wasiirka isaga oo hadalkiisa sii wata waxa oo uu u mahad celiyay Ciise Maxamud Dholawaa sida uu kaalinta bini'aadnimo iyo mida Islaanimo uga qaato caawinaada ubudkaan isaga oo waqtigiisa iyo naftiisaba u hura sidii Caruurtan uga kala keeni lahaa qaybaha kala duwan ee Somaliya oo ay ku kala suganyihiin.

 

Dhinaca kale wasiirku mar uu ka jawaabayey dalabkii maamulka hay'da ka dalbaday sidii qalabkaan loo heli lahaa ayuu wuxuu balan qaaday in uu horgayn doono arintaan golaha wasiirada ee Maamul Goboleedka Puntland iyo Madxwaynaheeda Mud.Cade, wuxuuna balan qaday in intii karaankiisa ah uu ku dadaali doono sidii loo heli lahaa qalabkan muhiimka u ah keenista Caruurtan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Mr. Ciise Dholowaa is an example to all. Allah help these and all Somali children in need.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this