Sign in to follow this  
Gabbal

Wafdi heer sare ah oo booqasho ku tagay caasimada G/Gedo

Recommended Posts

Gabbal   

Wafdi heer sare ah oo booqasho ku tagay caasimada G/Gedo

 

Wafti heer sare ah oo uu horkacayo Duuliye sare Cabdi Guuleed oo ahaa mid ka mid ah wasiiradii dawladii Carte ayaa soo gaaray degmada G/haarrey ee xarunta Gobalka Gedo. Waftigan oo isugu jiro xubno ka socdo dalalka Canada iyo Germany ayaa ujeedada socdaalkiisa waxay ku salaysantahay qiimaynta iyo u kuur-galidda xaaladaha caafimaad ee gobalka iyo walibo qursho lagu doonayo dhisitaan-ka iyo furitaan-ka gegi diyaaradeed oo caalami ah oo uu yeesho G/Gedo.

 

Madaarkan la qurshaynayo oo lagu magacaabay GEDO INTERNATIONAL AIRPORT ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid baaxad ballaaran oo ay ku dagi karaan dhamaan noocyada kala duwan ee diyaaradaha, waxana loo calaamadeeyay goob muhiim ah oo ku taal hareeraha caasimada gobalka , goobtaas oo horay loo diyaariyay hase ahaate la go’aansaday in iminka si rasmi ah loogu tillaabo-qaado sida uu Gedonet u xaqiijiyay madaxa waftiga Cabdi Guuleed Maxamed.

 

Duuliyoyaal caalami ah oo waftiga la socdo ayaa hubinayo halka iyo habka tayo-galineed ee uu si buuxda ugu unkuma karo ayroboot-kan heerka sare ah oo lagu tilmaamay mid kaalin muhiim ah ka galayo barnaamijyada horumarineed ee gobalka Gedo.

 

Axmed Max’med Caafi

Gedo News Network Southern-west somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wafdi kasocda dalalka Canada iyo Germany oo maalmahan joogey gobolka Gedo kuwaasoo u kuur galayey xaalada bani’aadanimo iyo horumarineed ayaa maanta u baqooley tuulooyin katirsan gobol kaasi.

 

May 08, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Gaarane. Baardheere.

 

Wafdi kasocda dalalka Canada iyo Germany oo maalmahan joogey gobolka Gedo kuwaasoo u kuur galayey xaalada bani’aadanimo iyo horumarineed ayaa maanta u baqooley tuulooyin katirsan gobol kaasi.

 

Wafdigan heerka sara ah oo uu horkacayo Duuliye Sare Cabdi Guuleed Maxamed oo katirsanaan jirey wasiiradii dowladii KMG aheyd ee lagu dhisey shirkii Carta ee wadanka Jabuuti, oo aykamid yihiin duuliyayaal iyo dhakhaatiir ajaanib ah, kuwaasoo maalintii shaley soo gaarey magaalada Garbahaareey xarunta gobolka Gedo ayaa maanta gaarey qeybo katirsan bartamaha gobolka.

 

Tuulooyinka ay maanta booqdeen wafdigani oo ay kamid yihiin dhakhaatiir iyo khabiiro kasocda hey’adda Humanitarian medical assistance oo u kala dhashey dalalka Canada iyo Germany iyo duuliyayaal ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka tuula barwaaqo, buraa, ceel guduud, daableey, bahweyn iyo deegaanka ceel cadde, sida uu saxaafada u sheegay Cabdi Guuleed oo hoggaaminayey wafdigaasi.

 

Sidoo kale maalintii shaley ayaa waxey wafdigani booqdeen qeybo muhiim ah oo ku yaala magaalada Garbahaarey oo ay kamid yihiin dhul loogu tala galey in laga hir galiyo dagi cusub oo lagu magacaabo Gedo International Airport, taasoo noqon doonta haddii lagu guuleysto madaarkii ugu weynaa ee abid laga hirgaliyo gobolka Gedo.

 

Socdaalka booqashada wafdigani xiligan ay ku imaadeen gobolkani ayaa la tilmaamayaa iney qeyb ka tahay dadaalo ay qaar katirsan hey’addaha samafalka kudoonayaan iney ugu kuur galaan xaaladaha dhibaatooyinka iyo horumarineed ee la doonayo in laga qabto gobol kani, iyadoona safarka xubnahani uu kusoo beegmey xili jawiga nabad gelyo uu yahay mid sii wanaag sanaanaya sanadihii aynu kasoo gudubney.

 

Xubnaha wafdigan oo ka kooban shan xubnood ayaa lagu wadaa in maalmaha inagu soo aadan ay u kicitimi doonaan dhinaca magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this