Sign in to follow this  
Meiji

Extremist warlords admit been linked to Al-Qaida

Recommended Posts

Meiji   

Extremist warlords have again underlined their links with Al Qaida and foreign jihadi fighters.

 

Spokesperson of the extremist warlords has admitted been supported by NON-Somali fighters and Al-Qaida.

 

---------

 

SHEEKH CALI DHEERE: "Xiriir wanaagsan ayaa nagala dhexeeya kooxaha ka dagaalama dalka Yemen, waxaana isdhaafsanaynaa ciidamo"

 

Isniin, January 18, 2010(HOL): Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay ****olka ka qaaday in xiriir uu kala dhexeeyo kooxaha ka dagaalama waqooyiga dalka Yemen ee ka horjeeda Dowladda dalkaas ka jirta.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa u sheegay warbaahinta in xiriirka kala dhexeeya kooxaha ka dagaalama dalka Yemen uu yahay mid adag, ayna dhawaan isdhaafsadeen ciidamo, taasoo ay ku xoojinayaan xiriirkooda.

 

"Walaalaheena dalka Yemen waxaan u dirnay ciidamo, waxaana ka helnay ciidamo kale, taasoo muujinaysa xiriirka adag ee noo dhexeeya" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay inay taageerayaan mujaahidiin walba oo caalamka ku sugan.

 

Afhayeenka Xarrakada Al-shabaab wuxuu sheegay in Al-Qaacida uu kala dhexeeyo xiriir adag, isagoo sheegay in xiriirka ka dhexeeya uu yahay mid ku saabsan sidii diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah loo difaaci lahaa.

 

"Al-Qaacida waa dad Muslimiin ah oo u dagaalamaya xorriyaddooda sida kuwa ka dagaalama dalalka Afghanistan, Ciraaq iyo dalal kale sida dalka Yemen, Muslimku waa walaalka Muslimiinta kale, waxaana naga dhexeeya Diinta Islaamka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sharraxayay xiriirka u dhexeeya Al-shabaab iyo Al-Qaacida.

 

Xarrakatul Shabaab ayaa sanadkii hore sheegtay in hogaaminayahooda uu yahay Sheekh Osama Bin Laden, ayna isaga hoostagaan, iyadoo hadalka Sheekh Cali Dheere uu u muuqday mid ka horimaanaya hadalkaas.

 

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in haddii ciidamo ka socda Mareykanka iyo Ingiriiska la keeno Somalia ay layn doonaan, kuna jiidi doonaan jidadka Muqdisho, sidii dhacday sannadkii 1993-kii.

 

Mar la weydiiyay afhayeenka Xarrakatul Shabaab inay wadahadal la galayaan dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan la galayn inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamo Shisheeye ah, sida AMISOM, ayna dagaalada sii wadi doonaan.

 

"Annagu ma aqoonsanin wax dowlad ah oo ka jira Soomaaliya, waxaan u naqaan kuwa hoggaanka ummadda isku sheegaya inay yihiin kuwii dalka soo geliyay shisheeyaha, waana la dagaalamaynaa inta aan xukunka ka tuurayno" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Waa markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab ku dhawaaqdo inuu xiriir ay isku dhaafsanayaan ciidamo uu kala dhexeeyo kooxaha ka dagaalama dalka Yemen, iyadoo arrintan uu cambaareeyay Madaxweynaha dalka Eritrea oo horey loo sheegi jiray inuu saaxiib dhow la yahay kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this