Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS

Recommended Posts

Beesha ra'isal wasare Geedi oo ku kulantey Muqdisho

9 Apr 9, 2007 - 4:13:06 PM

 

Geediiyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan weyn oo ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiinta, wasiiro, Xildhibaano iyo waxgarad kale kaasoo looga hadlayey sidii beesha ****** ay u taageeri laheyd dowladda KMG isla markaana dhinac istaagi laheyd holwgalada ka socda Muqdisho ee ay wadaan ciidamada dalka Itoobiya.

 

Xubno uu ugu horeeyo Cali Maxamed Geeddi oo ah wasiirka koowaad ee dowladda KMG ayaa ka mid ahaa xubnihii ka soo qeybgalay kulankan isagoo halkaasi khubad uu ka jeediyay ku sheegay in loo baahan yahay in la taageero dowladda isla markaana beesha ****** ay ku deeqdo dowladda awooda ay leeyihiin si caasimada Muqdisho looga dhigo meel nabdoon,wuxuuna Geeddi uu ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda dowladda kuwo ka haray haraadigii maxkamadihii Islaamiga.

 

 

Dadkii ka soo qeybgaley kulanka

Xildhibaan Muse Sudi Yalaxow, Hilowle Imaam Cumar, Xildhibaan Cumar Filish, Cabdullaahi Geeddi Shadoor, Duqa magaalada Muqdisho,wasiir ku xigeenka gashaandhiga Salaad Cali Jeele iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Cabdi Maxamed Fiidow (Joon ) ayaa ka mid ahaa xubnihii maanta kulankaasi ka soo qeybgalay iyagoo isla gartay in si wada jir ah loo taageero dowladda isla markaana lagu gacan siiyo sidii ay magaalada ugu saari laheyd wax ay ku tilmaameen Muqaawamo.

 

 

Xubnihii dowlada ugu jirey beesha

Imaan Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka beesha ****** ayaa kulankaasi ka soo qeybgalay wuxuuna ka hadlay qiimaha nabada ay leedahay iyo dowladnimada wuxuuna sheegay in dadka ku Somaliyed ay u baahan yihiin nidaam iyo dowladnimo, lana joogo xiligii dowladda gacan lagu siin lahaa arimaha amaanka isagoo sheegay in cid kasta oo ka soo horjeesata dowladnimada iyo nabada ay la dagaalami doonaan.

 

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan lix boqol oo qofood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu taageeray dowladda iyadoo beesha ****** ay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya u ballan qaadeen in ay taageero hiil iyo hoo leh ay la garab taagan yihiin.

 

Ka dhageyso halkan khudbadahan

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sudi oo ka hadley dagalada

9 Apr 9, 2007 - 5:07:01 PM

 

Geedi iyo Yalaxow oo kuey kulan shaley ka dhacey Muqdisho

Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Xildhibaanada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah isla markaana la magac baxay Muqaawamo kuwaasi oo uu sheegay in fowdo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Banaadir.

 

"Muqdisho nama wato qaado anaga iyo shantoo Muqaawamo ah,inkasta oo Muqdisho ay tahay caasimada Soomaaliya, hadana waxaa kuwada nool dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda beelo kala duwan, balse amni darada ka jirta Muqdisho waxay si gaar ah u dhibeysaa beesha ****** oo ah dadka deegaankaan loo yaqaan" ayuu yiri Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in awood ugu saari doonaan xaafadaha yar ee ay ku jiraan kooxaha Muqaawamada ah.

 

Xaaji Muuse Suudi oo maanta ka hadlayey kulan beesha ****** ay isugu timid ayaa sheegay in ujeedada shirka beesha ****** aysan aheyn mid lagu cadaaweynayo beelo gaar ah.

 

Sidoo kale Xildhibaan Cabdullaahi Geeddi Shadoor ayaa sheegay in beesha ****** aysan u dul qaadan doonin dhibaatada lagu haayo dadka Muqdisho isagoo sheegay in dowladda iyo cid kasta oo nabada ka shaqeyneysa ay la dagaalami doonaan wax uu ku sheegay Argagixiso afka soo xirtaay oo Muqdisho ku sugan.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi oo shuruud ku xirey shirka

9 Apr 9, 2007 - 4:01:31 PM

 

Ra'iisul wasaare dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa shuruud ku xeray ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta, iyadoo shuruudaasina ay ku socotay xubnihii maxkamadihii Islaamiga ka tirsanaa kuwaasi oo uu sheegay in ay ka soo qeybgeli karaan shirka hadii ay buuxiyaan sadax shuruudood.

 

Shuruudahaasi ayuu ra'iisul wasaaruhu ku sheegay in ay ka mid yihiin In marka hore uu ka baxo fidnida uu ka qeybgalay ee maxaakiimta, isla markaana caddeeyaan in mar kale aysan wax dagaal ah sameyn doonin, In uu aqoonsan yahay dowladda Soomaaliyeed iyo in shirka uu ku imaan karo isagoo beesha uu ka soo jeedo ka mid ah.

 

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in cidii ka soo baxda shuruudahaasi uu u furan yahay ka soo qeybgalka shirka dib u heshiisiinta, wuxuuna intaa raaciyay in aysan jiri doonin in shirka looga qeybgalo magac urur.

 

"Waxaan si gaar ah idiin kaga rabaa inaad ii balan qaadaan in xarumihii dowladda, dhismayaashii gaarka loo lahaa iyo beeraha ee aad degan tihiin in aad ka baxeysaan, waxaan rabaa inaad ii balan qaataan oo dowladda aad ku soo wareejisaan hubka iyo maliishiyada aad heysataan, isla markaasna aad si buuxda ula shaqeysaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa oo ay nagala joogaan dalalka aan saaxiibada nahay ee Uganda iyo Itoobiya si loo sugo amniga" ayuu yiri Geeddi oo maanta la hadlayey boqolaal ka tirsan siyaasiyiinta iyo xubnaha dowladda ee ka soo jeeda beesha ****** isagoo sheegay in howlgalada sugida amniga macnahiisu aheyn in la dhibaateeyo beelo gaar ah.

 

Shuruud xirida shiirka iyo dadka ka qeyb galaya waxaaa horey hadal uga sheegey ururka midowga Yurub iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha wadahadalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir aan horey looga arag noociisa oo kale Muqdishu oo Beesha ****** Cismaan oo si buuxda ugu taageertay Dowlada Federaalka iyo hawl galada ay nabad ku raadinayso

Posted to the MOL April 9, 2007, 7:32 pm

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, Imaamka Beesha ****** Cismaan, Md. Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Malaaqa beesha iyo Ugaaskoodaba, Xildhibaanada iyo wasiirada beesha ****** ugu jira Dowlada Federaalka iyo shacab aad u tiro baddan ayaa maanta waxaay ka qeyb galeen kulan qaddo ah oo lagu soo gaba gabeeyey shir maalmahan si kala gooni gooni ah ay jilibyada ****** ugu socday magaalada Muqdisho.

 

 

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay qaar matalayey Jilibyada uu u qaybsamo ****** kuwaaso dhamaantood soo bandhigay inay si buuxda u taageerayaan dowladda Federaalka isla markaana ay raali ka tahay beesha in dowlada ay hawl gal ka samayso caasimada iyadoo jilibyadaasi ay balan qaadeen inay wareejin doonaan hubka u yaala guryahooda, isla markaana ay ka baxayaan guryaha dowlada iyo beerahii horey loo bililiqeystay.

 

 

Sidoo kale dadka halkaasi ka hadlay xaga siyaasiyiinta ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo la hadlayey Beesha ****** ayaa waxa uu ugu hanbalyeeyay in ay leeyihiin magaalada Muqdisho isla markaana ay tahay gogol ay soo gali karaan qof kastaa oo bani'aadam ah loona baahan yahay buu yiri in garab buuxa lala garab istaago dowlada Federaalka iyo qorshayaashooda.

 

 

Xaaji Muuse Suudi mar uu ka hadlayey caasimada Muqdisho waxa uu sheegay in deegaanada ku xeeran iyo caasimadaba ay leedahay beesha ****** ayna fidinayaan goggol cidkastaa ay soo gali karto isagoo ka reebay ama farta ku fiiqay Muqaawimo iyo Alqaacida inaysan boos ku lahayn magaalada Xamar oo ay la dagaalamayaan wuxuu qiray xaajiga in ururkaasi ay isaga ka rideen hogaamintii uu hogaamin jiray beeshiisa wuxuuna haatan sheegay in loo baahan yahay dowlad isla markaana la garab galo buu yiri.

 

 

Xaajiga wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin qabiil ay la dagaalsan yihiin ka ****** ahaan wuxuuna sheegay in Al-qaacidana aanan lagu riixayn beel gooni ah wuxuu qiray in beesha ****** ay leeyihiin kooxo gacansaar la leh Al-qaacida wuxuuna u sheegay in ay ka waantoobaan hadii aysan sidaasi yeelina ay la dagaalamayaan oo ay garab istaagayaan Dowlada Federaalka.

 

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah imaamka beesha ****** wuxuuna sheegay in isagoo ka wakiil ah beesha ****** codkoodana ku hadlaya ay si buuxda u taageerayaan dowladda federaalka kmg isagoo qiray inaysan ka mid ahayn kuwo sheeganaya beelaha ****** ee la dagaalamaya Dowlada iyo saaxiibadood dalka Ethiopia.

 

 

Wuxuu fariin gaar ah u diray beesha ****** ee ku nool Qurbaha inay iyagana dhankooda ka taageeraan dowlada Federaalka isagoo carabkiisa ku adkeeyey in ay yimaadaan dalka Somalia oo qeyrkood wax la qeybsadaan wuxuuna cadeeyey in kursigii ****** uu ku fadhiyo Prof. Cali Maxamed Geedi hadii ay jiraan wax ka maqan Hawiyena ay la xisaabtamaan si nabadgalyo iyo Wadahadal ah Ra'iisul Wasaaraha, Muqdisho waxaanu ka doonaynaa inaan gogol ugu fidino qoys walba oo dhibaato sheeganaya laakin ma ahan buu yiri in dagaal la qaado xili ay dhibaatooyin caafimaad, dhaqaale la'aan iyo barakac jiro.

 

 

Imaam Maxamuud oo shirbaya ayaa kusoo gunaanaday shirib kusocda beesha ******: (Inoow ****** hal noqdaa u hilihaa hagranamaa), iyo Duco uu u duceeyey dhamaan ummada Soomaaliyeed sidii ay ugu bixi lahaayeen qabiilka sida xun loogu adeegto.

 

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuuna beesha ****** weydiistay inay bilaabaan hubka inay dhigaan maadaama uu isaga ka dhashay wuxuu kaloo ka codsaday in ay ka baxaan guryaha dowlada iyo beeraha aaysan xaqa u lahayn wuxuu markaasi sheegay in lagu dayan doono, wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday inaanay suuragal ahayn oo loo jeedo kuwii hoobiyaha tuuri jiray hadana bilaabay inay godod ka qotaan caasimada goobaha ay wali ku hareen iyadoo ku googooyey caro iyo dhagxaan jidadka, taasi ma suura galayso waana wax loo jeedo oo la iska celin doono hadaysan ka waantoobin waxa ay wadaan.

 

 

Xaq maaha kuwa afka duubta oo sheeganaya muqaawimo iyo argagaxiso waxaana beesha ****** looga fadhiyaa buu yiri inay iska celiyaan kuwa xaafadahooda xabadaha ka dhex tuuraya waayo buu yiri jawaabta meeshaasi waxay noqonaysaa bartilmaameen lala beegsanayo cidii meeshaasi wax kasoo riday waana inaan raali laga noqon kuwa qas wadayaasha ah ee raba inay dhibaato u soo jiidaan ummada Soomaaliyeed.

 

 

Ra'iisul Wasaaraha waxa uu sheegay kuwa ka tirsanaa Maxaakiimta inay isaga baxaan dhibka ay ku jiraan oo kusoo biiraan miiska Wadahadalka oo ay sheegtaan dhibaatooyinka ay tabanayaan waxaana loo fidinayaa Cafis hana kasoo qeyb galeen buu yiri shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo dhawaan la qaban doono wuxuuna si cad u cadeeyey in shirkaasi uu u furan yahay cidkastoo Soomaali ah.

 

 

Dowladu ma ogola in Qabiil qabiil la isku dilo oo ay isu gumaysato raalina kama ah, Beer ninkiisa gubaya ma jirto taasi waxaan ula jeedaa shacabka Soomaaliyeed waxay noo yihiin Beerteenii oo aan doonayno inaan ka ilaalino dugaaga iyo Tuugada, Jid baa furan ee hasoo marto cidii wax sheeganayso sidaasi waxaa yiri Prof. Cali Maxamed Geedi.

 

 

 

 

 

Shirkani ayaa jawaab u ahayd beesha ****** oo laga sugayay inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan arrimaha Dowlada waxaana baryahaan loo shirayay beel beel iyadoo beesha ay ka kooban tahay 9 sagaal ****** ayaa hadan waxaa loo fariistay Sedex qeybood oo kala ah ***** ******, Wacbuudhan iyo Wacaysle iyagoo dhamaantood ay diyaar ku ahaayeen siyaasiyiintooda meesha shirka ka dhacayey ee Hotel Lafweyne oo ku yaala degmada Kaaraan agagaarka Fagax.

 

 

Siyaasiyaanta kasoo qeyb gashay ayaa ahaa kuwo horey looga yiqiin masraxa siyaasada waxaana ka mid ahaa Maxamed Dheere, Shiikh Muudeey Gacal, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Hilowle Imaam Cumar, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, Wasiirka Ganacsiga Prof. Afrax, Xildhibaan Cabdulaahi Geedi Shadoor Xildhibaano kale oo ka mid ah beesha ******.

 

 

Bidix Xaaji Muuse Suudi iyo Prof. Gedi oo is marxabaynaya

 

Midig Ugaaska Beesha ****** Maxmed Cali Ugaas dhexda Imaamka bidix R. Wasaraha

 

Bidix Marwada Ra'iiul wasaaraha Marwo Faaduma Xasan Barow iyo Walaasheed

 

Xubnaha ka soo qeyb galay kulanka qadada Beesha ****** cismaan

 

Nin kor u haya sawirka Geedi iyo Mele Sanawi

 

Haweenka Beesha ****** oo kor usida sawirada Raysul Wasareyaasha Somalia iyo Ethiopia

 

 

Gabar kasocota Jaaliyada Dibada oo beesha ****** u dhalatay oo taageradeda mujisay

 

Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

 

 

Imaam Maxamuud Imaan Cumar

 

Kasoo qeyb galayaasha oo taageeradood dowladda Muujiyey

 

 

Source: Somaliweyn.com

 

 

Faafin: Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaabka, I want true peace for all Somali's with justice based on it.

 

Todays announcement is impotant because of Imaam Mohamoud, who is the traditional head for all the major clans of souther Somalia including those from central regions..

 

I must highlight Musa Sudi's comment " Mohamd Dheere & myself were the No 1 opposition, now I support the government 100%"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this